La Yaab : Dagaal abuuray Fadeexo & in la is Ceejiyo oo dhex maray Laacibiinta Kooxda Fc Bayern Munchen Arjen Robben iyo Thomas Muller + * Warar kale oo News ah. (Halkaan ka Daawo Ceebta Dhacday !!)
La Yaab waxa uu raadiyaa soona helaa warar kii ugu dambeeyey ee ku saabsan Mucjisooyinka Sport ee ka dhaca Garoomada Caalamiga ah !! .
Arjen Robben oo ah Xiddigii Fiinalaha World Cup 2010 wax ka keenay Qarankiisa Holland ayaa Ceejo la la yaabay la beegsaday Xiddiga heeysta ama ku guuleeystay Gooldhalinta World Cup 2010 Thomas Muller. Laacibiintaan oo u wada ciyaara kooxda weeyn ee Fc Bayern Munchen oo heeysata Horyaalka iyo Koobka dalka Jarmalka ayaa wexeey noqdeen kuwii loogu hadal heeynta badnaa maanta.
Xiddigahaan is Ceejiyey ee Dagaalka Sokeeye uu dhex maray ayaa xiligii eey isku soo boodeen wexeey ku sugnaayeen Garoonka caalamiga ah ee Weser-Stadium oo eey iska leedahay kooxda Werder Bremen. Ciyaartooydaan oo in mudo ah Saaxiibo Qaali ahaa ayaa Dagaalkooda waxaa isla markiiba ku soo baxay oo kala celiyey Anatoli Timoschtschuk oo isna u ciyaara isla kooxda Fc Bayern Munchen iyo Qaranka Ukrain.
Arjen Robben iyo Thomas Muller waa ciyaaryahanada ugu goolasha badan xili ciyaareedkaan kooxda Fc Bayern Munchen mana aha wax cusub in labo Xiddig oo ka wada tirsan kooxda Fc Bayern Munchen uu Dagaal ceebeed dhex maro. Xiddigaha kooxdaan ee horay isku soo Dagaalay inta Taariikhda la ogyahay ayaa wexeey kala yihiin sidan : Giovane Elber Vs Oliver Kahn, Koufu Vs Oliver Kahn, Zickler Vs Jancker iyo Lizarazu Vs Scholl !
Qilaafka Xiddigahaan is Ceejiyey ayaa waxa uu ka biloowday hadal aan laga fiirsan oo ka soo yeeray Xiddiga d´da yar ee Qaranka Germany waa Thomas Muller oo 2 Isbuuc ka hor ku yiri weeraryahanka Qaranka Germany Mario Gomez hadal uu si weeyn ula yaabay ugana xanaaqay Robben oo ahaa sidan : " Kooxda Bayern Munchen uma baahna lamana Joogi doono Ciyaaryahan Bil kasta 2-jeer dhaawacmaayo !!.
Arjen Robben oo isla xiligaas ka soo laabtay Dhaawac mudo 4 bilood ka badan qaatay ayaa waxaa is taabtay Fiilooyinkiisa Xanaaqa wuxuuna isla waqtigaas abaaray dhanka Thomas Muller maadaama eey iska cadeed inuu hadal kaas ula Jeeday Robben inkastoo uu gadaal ka inkiray.
Xiddigahaan oo in mudo ah eey iskugu bixi jirtay si weeyna iskula qabsaday Ciyaarta kubada cagta ayaa waxaa labadii Isbuuc ee ugu dambeeysay ku kala dhex jiray Laacib Bilal Frank Ribery oo hada dhaawac uga haray kooxda Bayern Munchen inuu u raaco garoonkii eey isku dhex dagaaleen Arjen Robben iyo Thomas Muller .
Jaraaidka dalka Germany ayaa si weeyn u difaacay Xiddigooda da´da yar ee soo qaaday Gooldhalinta World Cup 2010 Thomas Muller wexeeyna leeyihiin ma ahan wax laga xanaaqo hadalka Thomas Muller lagu heeysto maadaama laga yaabo inuu si Kaftan ah ula jeeday.
Inta badan Saxaafada Sportiga ee Caalamka ayaa ku mashquushay Fadeexadaan cusub wexeeyna qoreen in Arjen Robben uu muteeysan doono dhoor kulan oo ganaax ah maadaama uu isaga bilaabay Gacan ka hadalka iyo Ceejada.
Telefishinka ZDF oo laga leeyahay isla dalka Jarmalka ayaa sheegay in ciyaaryahan Arjen Robben uu Cuqdad Nafsi weeyn ka qaaday dhaawacyadiisa faraha badan oo gaarsiiyey inuu kulamo badan oo muhiim ahaa kaga haro xiligii uu u ciyaari jiray kooxaha Fc Chelsea iyo Real Madrid. Macalinka kooxda Fc Bayern Munchen oo wax laga weeydiiyey qaabkii eey u dhacday Ceejada dhex martay labada Xiddig ayaa waxa uu ku jawaabay sidan : " Ma anan arag aniga wax is ceejiyey waxaana u diray inuu arintaan xaliyo Kaptan Philip Lahm ayuu yiri Louis van Gaal . Halkaan ka daawo Fadeexada Dagaalka Sokeeye >>> http://www.youtube.com/watch?v=vz7lHGnEw0M
Warar kii ugu dambeeyey ee Kawaanka Ciyaartooyda oo soo xirmi raba ayaa waxaa ka mid ah sidan:
*** Xiddiga Qaba gabadha Diego Armanda Maradona waa Sergio Aguero ayaa nasiib u yeelan waayey 40 Milyan iyo 45 Milyan $ oo eey ku doonayeen kooxaha Tottenham iyo Fc Chelsea oo ka wada dhisan Magaalada London ee dalka Ingiriiska. Sergio Aguero ayaa heshiis cusub oo gaaraayo ilaa sanadka 2014-ka waxa uu u saxiixay kooxdiisa Atletico Madrid oo heeysata Europa League kana ciyaarta horyaalka Spain ee Primera Division.
*** Kooxda Ac Milan ayaa wexeey Kooxda Juventus ka soo iibsatay Diifaca Bootinta dheer ee 34-jirka ah waa Nicola Legrottaglie. Sidoo kale kooxda Juventus ayaa wexeey soo iibsatay Alejandro Dominguez oo laga soo iibiyey kooxda Valencia ee horyaalka La Liga.
Filo Goor dhaw warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News iyo dhamaan ciyaartooydii la kala iibsaday+ Faalo ku saabsan horyaalada