Magaalada London oo Lama arag & Lama maqal eey ka taagan tahay iyo Ciidamada Booliiska oo Eeeyaha Qaniinyada kulul ku fasaxay Dhalinyaradii Bililiqada,* &Ninkii Cunsuriga ahaa ee dadka ku laayey dalka Norway oo Dhaqtarkii baaray wax Waali ah uu ka waayey halka Jirkiisa laga helay Daraagiska.(Halkaan ka Daawo News)
Ma ahan wax yar oo la fududeeysan karo waxa Fasixii eey ku jireen dib uga soo celiyey inta badan Madaxdii Dawlada Ingiriiska gaar ahaan Raga Maamula Magaalada London. Raisul Wasaaraha England Mr. David Cameron wuxuu ku dhawaaqay inuu joojiyey fasixii uu ku bixi lahaa waxaa sidoo kale isna Qalalaasahaan dartiis u baaqday ku xigeenka Raisulwasaaraha Mr.Nick Clegg .
Duqa magaalada London Mr. Boris Johnson oo fasax ku maqanaa kuna soo aadanaa London Isbuuca dambe sheekadaas weey suurto gali weeysay oo waxaa lagu qasbay inuu Maanta oo Talaado ah dib ugu soo laabto Magaalada London.
Xaaladu weey sii xumaatay waxaana arinta & Holaca ka taagan London sii kiciyey Dilkii loo geeystay Qamiistii la soo dhaafay Mark Duggan oo ifka uga tagay 4-Caruur ah. Dhaawaca Ciidamada Booliska loo geeystay wuu sii kordhay oo waxa uu tiigsaday 35 Askari. Dadka la qab qabtay Tiradooda sidoo kale weey sii badatay oo waa 215 Qof.
Xafadaha London la geli waayey ee noqday Lama galaayda Booliiskuna ka yaabeen waxaa ugu daran ama ka mid ah Brixton, Wadada ganacsiga ee Oxford Street,Tottenham ,Waltham F. iyo kuwa kale oo badan .
Dukaamada iyo Xarumaha Ganacsiga ee la Bililiqeeystay ama dabka la qabadsiiyey ayaa xisaabta ka baxay waxaana la arkay Dad ooynaya markeey Telefishinada ka arkeen Xarumahoodii Ganacsi oo Boob lagu bilaabay. Taliyaashada Ciidamada Booliska ee Magaalada London Mr.Scotland Yard iyo Tim Godwin wexeey kordhiyeen oo Kumanaan ka dhigeen Ciidamada Booliiska oo markii hore ilaa 400 ahaa.
Qisada ugu daran ayaa noqotay markii Tv-yada Caalamka laga daawaday Ciidamada Booliiska oo markeey Nafta u yaabeen Dhalinyaradii weerada waday ku fasaxay ama u adeegsaday Eeyaha Tababaran oo Qaniinyo ku soo qabtay qaar ka mid ah Dhalinyaradii Qalalaasaha ka waday goobtaas. Qarbudaad midaan la mid ah waxaa Taariikh ahaan dalka England ugu dambeeysay Sanadkii 1985-kii
Halkaan ka daawo kala Cararka ka taagan London http://www.youtube.com/watch?v=C2KqaVsTLis
Ninkii Cunsuriga ahaa ee dadka ku laayey dalka Norway oo Dhaqtarkii baaray wax Waali ah uu ka waayey halka Jirkiisa laga helay Daraagiska.
" Waxaan Shacabka iyo Dawlada Norway u cadeenayaa oo weliba hor keenayaa in Dambiile Anders Behring Breivik uusan Nin Waalan aheeyn balse yahay Nin Isticmaali jiray Daroogada nuuca loo yaqaan (Anabolika) sidaas waxaa yiri Garsoorihii Booliska & Dhaqaatiirta cadeentooda qaabilay Mr.Fredrik Hjort Kraby.
Dambiile Anders Behring Breivik oo 22-kii bishii Juulay haligay Nafsada 77 Qof oo waxba aan galabsan ayaa waxa uu aminsanaa in Dacwadiisa loogu qaado ama loola dhaqmo sidii nin waalan kaas oo muteeysan lahaa Xabsi qafiif ah balse hadii Waalidii uu aaminsanaa laga waayey ayaa Sida uu dhigaayo Sharciga dalka Norway waxa uu mari doonaa ugu yaraan 21-sano ama 23 sano oo Xarig ah.
Dhiig yacab Anders Behring Breivik ayaa qudhiisa qirtay inuu Daroogadaas is ticmaalay balse wuxuu ku dooday in uu is ticmaalay xiligii uu wax leenayey kaas oo yiri waxaan doonayey ineey Energy ii siyaasido.
Inta badan Wadamada Mareykanka , Asia ,Africa iyo Carabta ayaa waxaa yaal Sharci ah in Qofkii Qof dilo isna loo dhameeyo ama la dal dalo balse Wadamada Yurub waxaa yaal Sharci Qaboow oo ah in Qofkii qof dila Xabsi daain lagu sheegay ugu badnaan 25 sano inuu muteeysto waana musiibada hada ka taagan dalka Norway Ruux 77-Qof qudha ka jaray ayaa waxa uu la soo taagan yahay Dambi ma lihi