Caalamka oo cagta saaray arimo halis ah iyo Wadamadii ugu Nabada wanaagsanaa Dunida oo Qarxis & Qarbudaad lagu bilaabay (Halkaan ka Daawo Dhismooyinkii Norway ugu Quruxda badnaa oo Dhulka daadsan Qaarna Qiiqayaan + war Bixin Dheer).
Dadka arimaha dhanka Siyaasada indha indheeya ayaa wexeey Madax xanuun ka qaadeen Siyaasada xiligaan la joogo Caalamka ka taagan gaar ahaan mida ka soo cusboonaatay Wadamada la isku yiraahdo Scadaneevianka oo dhanka Nabada iyo wax soo saarka aad ugu hor maray.
Wadamada Norway, Sweden, Denmark, Finland iyo Holland waligood ma aheeyn Dalal jecel dhibka ama Ciidamadooda ka qeeyb galiya Wadamada dagaalada Wajiyada badan xambaarsan eey ka socdaan balse hada Dalal kaan aanu soo sheegnay wexeey si weeyn uga dhex muuqadaan Dagaalo ka socda dalal dhoor ah taas oo soo dadajisay ineey u soo mar marsiyoodaan kooxaha wax qarxiya.
Dalal kaan oo Dhaqaalo ku filan heeysta waxaa inta badan ku qal qaaliya ineey Ciidamadooda u soo diraan Wadamada eey foodada iyo Siyaasadahada qarsoon ka aloosan yihiin dalalka waa weeyn sida Ingiriiska ,Mareeykanka, Faransiiska, Talyaaniga & Jarmalka.
Mudo aan sidaas u dheereen ayeey eheed markii uu Naftiis hure Bambaanooyin isku soo rakibay uu qarxiyey Caasimada dalka Sweden waxaana ku xigsatay Maanta Caasimada dalka Norway ee Oslo oo dhanka Amniga iyo Nolasha aad ugu wanaagsaneed.
Qaraxyada dalka Norway Gil gilay Dhimashadii eey sababeen wexeey sii mareeysaa oo eey kor u dhaaftay ilaa hada inta la og yahay 16-Qofood waxaana sii badanaya Dadka qaba Dhaawacyada culus ee goobaha Caafimaadka la soo gaarsiiyey.
Waxaa hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ee ku soo qaxay ama ku nool Dalalkaan aan soo sheegnay ineey la kulmi doonaan Dhibaatooyin hor leh oo uga timaada Shacabka Wadamadaan eey Nabada u soo raadsadeen balse Qaraxyada looga daba keenay.
" Waxaan ka soo shaqeeyey Wadamo badan oo Dagaalo ahli ah eey ka socdeen balse waligeey kuma fakarin tan maanta i qabsatay ineey igu dhex qabsan doonto Caasimada Oslo ee Norway,, sidaas waxaa yiri Ingunn Andersen oo ah Joornaaliiste u shaqeeya Radiyaha & Tv-ga dalka Norway ee (NRK).
Ingunn Andersen oo ku sugnaa halkii Qaraxyada eey ka dhaceen waxa uu yiri isaga oo hadalkiisa sii wada sidan " Meel kasta Dhiig ayaa daadsan , jid kasta Ciidamada Milatariga dalka Norway oo aan weli ku dhex arag Caasimada dhexdeeda ayaa xiray, Xaalada waa isku dhex yaac, Qeeylo ayaan meel kasta oo Dariiq ah ka maqlay waxaana Durbadiiba soo xasuustay dalalkii aan horay uga soo shaqeeyey ee uu ka taagnaa Dagaalada Sokeeye,, !!
Telefishinka Norway ee lagu magacaabo TV2 waxa uu soo daayey cadeenta ineey jirto Nin soo xirtay dharka Ciidamada dalkaas oo weeraray gelinkii dambe galabta Jasiirada dhanka Waqooyi ku taal ee Fjord (Utöya) oo eey ku xareeysnaayeen Dhalinyaro lagu tababaro Xiliga Summer-ka Ama Kuleelahaa kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 700 oo Qof wexeeyna da´dooda u dhaxeeysay 14- jir ilaa 18-jir.
Ciidamada Booliska oo baaritaan aad u balaaran wada wexeey shaki ka muujiyeen sababta isku soo aadisay Qaraxda Oslo iyo Weerarka lagu qaaday Xerada dhalinyarada oo dhamaantood eey maamulaan xisbiga sozialdemokaraatiga dalka Norway.
Halka Dhalinyarada fasaxa ku joogtay ee la weeraray warar kii ugu dambeeyey wexeey sheegayaan in ugu yaraan 87-dhalinyaro ah lagu dilay goobtaas.. Booliiska deegaankaas oo aan wax sidaas u ah uga fogeeyn caasimada Oslo ayaa arintaan xaqiiqijiyey
Daawo Dhismooyinkii ugu Qurxoonaa Norway oo Qiiqaya qaarna Dhulka la dhigay http://www.youtube.com/watch?v=ZD3GOEDIbRk