Weli ma aragtay Nolashaada Eeey isaga oo jiifa inta riyo ama Qaraw galay ka dibna orad bilaabay ilaa uu Darbiga madaxa ku dhufsado (Halkaan ka Daawo Mucjisadaan Rabaaniga ah )
Maqluuqaadka uu ilaaheey subxaana watacala abuuray ayaa wexeey ku kala duwan yihiin meelo dhoor ah sida Beniaadanka oo marka eey Riyoonayaan ama Qarwaayaan Qeeladooda la maqlo ama hurdada eey ku yaraato waa hadii Riyada xiligaas eey ku jiraan halis tahay .
Inta badan Beniaadamka Riyooda ayaa Riyooyinkaas wexeey u kala baxaan 5-qodob oo kala ah sidan 1-qofka aan inta badan Riyoon ee mar qura uun riyooda waxa uu Riyo ku arkaa wax dadku eey ku sheegeen ineey dib ka dhici doonaan wexeeyna noqon kartaa wax wanaagsan iyo mid halis ahba.
2-Qofka daalan waxa uu ku riyooda Shaqadii uu maalintaas soo qabtay iyo dadkii uu la soo sheekeeystay.3-Riyada ugu xun waa mida loo yaqaan (Cabsida) maxaa yeelay qofka Riyada Cabsida ah ku nool ama eey la soo daristo inta badan hurdada wuu ka boodaa ama ka salalaa. 4-Riyadaan 4-aad waa qooysaska isla degan oo mararka qaar Qeeylo cirka u qabta ka dibna coowdu bileeysta maadaama umado kale ama caruur eey ag jiifaan.
Riyada 5-aad waa mida Jaceeylka oo mararka qaar aad u macaan ama qofka tusta wax yaalo badan oo uusan awoodin isaga oo dhex dabaalanaayo halka mararka qaar eey halis iyo waali noqon karto qofka marka uu Jaceeylkiisa waayo isaga oo Riyoonaayo.
Hadaba Akhristoow su´aashu wexeey tahay Beniaadam riyoonaya waad aragtee malaga yaabaa weli inaad aragtay Xayawaan jiif ku jira oo hadana Riyoonaya ama sameenaya dhaq dhaqaaq hadaad daawato ku soo jiidan doona.
Dhaqtarka ku taqsuusay Daaweeynta Xayawaanaadka & Cilmi baarista guud waxa uu dhashay dalka Canada wuxuuna yiri dhaqtarkaan waxaa aad u adag in la arko xiliyada eey Riyada ku jiraan Xayawaanaadka.
Dhaqtarkaan oo hadalkiisa sii wata waxa uu leeyahay xitaa waxaa jira Shimbiro geedaha dushooda ka soo dhaca mararka eey qarwaan ama riyoodaan in kastoo si deg deg ah dib ugu laabtaan halkii eey ka soo dhaceen.
Ugu dambeentii Akhristoow maanta waxaad daawan doontaa qaabka eey isku shabahaan Riyada xayawaanaadka iyo mida Beniaadanka. Halkaan waxaad ka daawan doonto Eey inta riyooday ama qarway ka dibna isku maleeyey inuu ordaayo ilaa uu Hurdada si daran uga salalo oo ku dhacoco darbi u dhaw halkii uu ku qarwaayey.
Waxaa hubaal ah inaad muuqaalkaan ku qosli doontit markaad daawato laakiin yaabka ugu weeyn waxa uu yahay Eeygaan oo markii uu Darbiyada ku dul kufay miyirkii u soo laabatay sida Beniaadamka oo kale kaas oo u cadaatay inuusan ordin balse riyo uun eey eheed waxa hurdada ka qasay !!
Muuqaalka madaxweeynihii Yeman Mr.Ali Abdullah Saleh oo la soo bandhigay iyo qofkii horay u yaqiinay oo marka uu arko Muuqaalkaan cusub naxdin ka qaadaayo (Halkaan ka Daawo Mucaaradka oo Sheeko cusub bilaabay)
Tan iyo markii President Ali Abdullah Saleh lagu qarxiyey gurigiisa dhoor bilood ka hor waxaa laga deeyrinayey xaaladiisa caafimaad oo mararka qaar Mucaaradka ku kacsan eey sheegeen inuu Qaraxaas ku beelay qaar ka mid ah xubnaha jirkiisa.
Madaxweeyne Ali Abdullah Saleh oo is daaweeyn ugu maqnaa Isbitaalka Ciidamada Milatariga ee dalka Saudi Arabia ayaa hada Muuqaalkiisa cusub oo la soo bar bar dhigay muuqaalkii ugu dambeeyey ee intii aan la qarixin ayaa waxaa si weeyn uga muuqato dhibaato xoogan ineey ka soo gaartay qaraxaas.
Dhanka kale Nin u hadlay Mucaaradka dalka Yemen ee sida weeyn ugu kacsan Madaxweeyne Ali Abdalla Saleh ayaa waxa uu gaashaanka u daruuray Muuqaalka Video-ga ah ee la soo bandhigay oo uu ku tilmaamay in Lugihiisa la qariyey xiligii uu Tv-ga Qaranka Yeman soo deenayey Muuqaalka iyo Nolasha Madaxweeyne Cali Cabdalle Saalax.
Mucaaradka dalka Yemen wexeey weli ku adkeeysanayaan in Madaxweeyna Cali Cabdalle Saalah uusan Lugihiisa ama si caadi ah ku socon karin.