Alloooow ha na Ceebeeyn : Qiso Murugo xambaarsan oo na dhex martay aniga iyo mid ka mid ah Dhalinyarada aanu Kubada wada Ciyaarno oo ka soo jeeda dal ka tirsan dalalka Qaarada Yurub. Shaqsigaan waxa uu iga aamini waayey Sawiro uu igu arkay oo ahaa Tikniko dhex Safneed Garoonkii Qarankeena Soomaaliyeed ee Stadium Muqdisho (QISO XANUUN BADAN) !!
Alloow ha na Ceeybeeyn iyo i qarso ayaa ka dhacday !! . Mid ka mid ah Dhalinyarada aanu Kubada Cagta wada Ciyaarno SuŽaalo uu mar qura raaxada iiga qaaday run ahaantii qaarkood waxaan u waayey Jawaabihii ku haboonaa. Wiilkaan waxaa lagu magacaabaa Anton wuxuuna igu arkay Sawiro muujinaya Garoonkii Qaranka Soomaaliyeed oo Tikniko & Maleeshiyaad la ciir ciiraayo (Stadium Muqdisho) !!
Anton oo arintaan la yaaban waxa uu i weeydiiyey "Yeey ku sugayaan Tiknikadaan iyo Ciidamadaan Garoonka dhexdiisa? Waxaan ugu jawaabay Difaac ayeey kaga jiraan Garoonka dhexdiisa !!
Anton oo arintaan kaftaan u maleeya waxaan u daba dhigay goobtaas aad u jeedo waa Garoonkii Qarankeena mudo aad u fogna laguma Ciyaarin Ciyaaraha Kubada cagta.
Anton oo Sheekada ii fur furay SuŽaalahana badiyey waxa uu yiri sidan " Somalia horta yeey is Dagaalaan dalkee ayuu dagaal kala dhexeeya maxaase iska galay Sport & Dagaal?
Waxaan u sheegay Wiilkaan oo Ciyaaraha Kubada cagta aan laga ag marin in Somalia Dagaalka ka socda uu yahay mid dhexdeeda ah mudo aad u fogna soo socday.
Anton waxa uu leeyahay Garoomada dhexdooda ama goobaha Sportiga meel aan aheeyn oo eey kooxahaan ku Dagaalami karaan ma jirto? Anton oo aan isku dayey inaan wax kaste si degan ku fahamsiiyo waxaan u sheegay in kooxaha is Dagaalaya ineeysan iyaga oo kaliyah isku maqneen balse eey ku jiraan Guruub diiday Ciyaaraha iyo Goobaha lagu daawado (Al Shabaab).
Anton oo arintaan la Yaaban waxa uu yiri Whay (Sabab)? . Waxaan u sheegay ineey kooxdaas ku andacootay dhanka Diinta.
Anton oo arintan fahmi la waxa iska galay Diin iyo Sport wuxuu i weey diiyey SuŽaal kulul oo eheed sidaan.
Saudi Arabia iyo Iiraan waa Muslim Diinta ayaa looga dhaqmaa Ciyaarahana Kubada cagta Free (Xor) ayeey ka yihiin,Guruubka aad sheegeeyso iyaga Muslim ma ahan?
SuŽaalihii Anton oo tirada ka batay qaarkood waxaan u waayey run ahaantii Jawaab rasmi ah balse wexeey Korantada iga tagtay oo aan iri Saaxiib markaan iga xir Sheekadaas waa mar uu i weeydiiyey 3-SuŽaal oo kala ahaa sidan :
Labaatankii sano ee ugu dambeeysay imisa Sano ayeey Somalia koobka Qaramada Africa u soo baxday? Qaran ka mid ah xulalka Yurub hadii uu Somalia Ciyaar Saaxiibtinimo u tago maxaa dhacaya? Ciyaartooydiina kuwa ugu caansan ee ka ciyaarta Horyaalada Spain, England iyo Italy magacood laga yaabo inaan garto?
????? Horaa loo yiri Alloow Ninaan wax ogeeyn ha Cadaabin.. Anton Sheekadiisi iyo suŽaalihiisii tirada badnaa waxaan u badalay ama ku mashquuliyey Horyaalada Caalamka !!!
Daaimoow Qarankeena iyo Qiimaha dalkeena dib u soo celi .