Dhalinyarada Cadaanka ah ee Reer Yurub oo laga Fujin waayey Quruxda Calankeena Soomaaliyeed iyo Dardaarankii ugu dambeeyey oo Soomaalida loo soo jeediyey (Halkaan ka Daawo)
Shacab weeynaha Caalamka ku nool markii ay arkaan quruxda Calanka Soomaaliyeed ee Cirka iyo Xiddigta cad ka sameeysan waxaa qabato ineey Dhar ka toshaan laakiin Soomaali weeyn ilaaheey wuu ka indho saabay Quruxdaas oo wexeey ka bixi la yihiin Xabad iyo Dagaal.
Wadamada Yurub waxaa soo baxay Dhalinyaro Cadaan ah oo aad u Jecleeystay midabka uu ka sameeysan yahay Calankeena wexeeyna qaarkood ku kaftameen : maxaa isku diray oo u diiday Umada Calankaan Qurxoon leh ineey dalkooda Hooyo dhistaan Nabadna ku wada Noolaadaan?.
Heesta Qamaam waa Dardaarankii ugu dambeeyey ee Soomaalida loo soo jeediyey ,waxaana Miraha Heesta ka mid ah Soomaalooy Qabiilka Jooji Qarankaaga dhiso waa Qaaliye, Soomaalooy Dagaalka Jooji Dalkaaga dhiso maanta, Dunidii kugu daashay oo laguu darsay.
Waawareey badanaa Umadaan Warhooy is daaya Maanta, Dagaal waa na daadshoo na Bahdilay ,Dariiqa na dhigoo na Duleeyey.