Gazzetta dello Sport " Mario Balotelli kama Ciyaalsuuqnimo badno Wayne Rooney " Saxaafada dalka Talyaaniga oo Balotelli la safatay una Jawaabtay Jaraaidyada ka soo baxa dalka Ingiriiska ee ku kacsan Ciyaaryahan ?Bad Boy" Mario Balotelli . (Halkaan ka Daawo Dhibkii uu geeystay Balotelli) !!!
Saxaafada dalka Talyaaniga intooda badan gaar ahaan kuwa Sportiga waxa ay difaaceen Xiddiga Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Manchester City Mario Barwuah Balotelli oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ghana balse ku dhashay 12-kii bishii Agoosto sanadkii 1990-kii magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga.
Jaraaidyada ka soo baxa dalka Talyaaniga oo si toos ah ula saftay Ciyaaryahan Balotelli waxaa ugu darnaa Jaraaidka loogu aqriska badan yahay dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo Gazzetta dello Sport oo is qarin waayey ka dib markii uu ciwaan uga dhigay war bixin uu Balotelli ka qoray taas oo eheed sidan : " Mario Balotelli kama Ciyaalsuuqnimo badno Wayne Rooney, Xiddig kasta qalad wuu gali karaa laakiin magaca Bad-Boy Rooney xitaa wuu u qalmaa in loogu yeero marka uu Ciyaartooyda kale Haraantiyo "
Yaab ,halkaas waxaa kaaga cad Gazzetta dello Sport oo dhiig isku yeelay ka dib markii uu ka xumaaday Saxaafada dalka Ingiriiska oo maalmahaan si weeyn u daba dhigatay Ciyaaryahan Balotelli wexeeyna qoraal kasta oo ay kaga hadlayaan arinta Balotelli ciwaan uga dhigaan qaabkaan caayda ah (Italian Bad Boy Mario Balotelli/Ciyaal-suuqii xumaa ee Talyaaniga ahaa)..
Gazzetta dello Sport oo furka tuurtay waxa uu leeyahay hadii Haraanti iyo Jilaafo la isku jaaifeeynaayo Weeraryahan Wayne Mark Rooney cid ka xumaan iyo gardaro badan weey ku yar tahay maslaxa Ciyaaraha kubada cagta waxaana haboon in isagana loogu yeero mar walba erayga Bad Boy. Arinta qilaafka iyo is qab qabsiga faraha badan dhalisay ayaa ka soo bilaabatay kulankii Manchester City Vs Tottenham (3-2), mar ay Ciyaarta mareeysay Daqiiqadii 83-aad ayuu Ciyaaryahan Mario Balotelli waxa uu Wajiga kaga joog joogsaday Xiddiga kooxda Tottenham Scott Parker oo xanuun Garoonka la dhex seexday Halkaan ka Daawo Dooda Telefishinada Sportiga iyo Buuqa uu kiiskaan dhaliyey >>> http://www.youtube.com/watch?v=lNtPMo6og9E.
FIIRO GAAR AH : Saxaafada dalka ingiriiska dhamaantood waxeey Laacib Balotelli ugu yeeraan 3-magac oo kala ah qaabkaan : Bullotelli, Italian Bad Boy iyo Badotelli !!