
Sida balanteenu eey eheed
www.xiriiriye.com waxaa ka go,an kor u qaadista Sportiga iyo Arimaha Fanka cidii eey taas dhibeeyso ama aan Jecleeyn Sportiga & Fanka waa ineey Xiriiriye.com Ciyaar Final ah la timaadaa si loo kala baxo. Hadaba Sanadka cusub ee 2011 ayaa waxaa inooga haray maalin iyo wax yar oo saacado ah.
Studiyaha Xiriiriye.com ayaa waxa uu soo saaray Hees cusub oo Jaceeyl ah oo weliba nuuca loo yaqaan Farahaan ka gubtay ah .
Heestaan ayaa waxaa Miraha Laxamka iyo Codkaba ku luuqeenaayo Omar Sii Sii oo ka mid ah Qoraayaasha Xiriiriye.com halka Muusiga eey si wanaagsan oo wacan eey ula daba kaceen kooxda Walaalaha Sii Sii Somband waxaana Fikrada iska leh Mataan Gureey oo Magaca heesta codsaday in Qadro loogu waqlalo halka eey horay ka eheed
Qamar.
Bahda Xiriiriye & Sii Sii Somband oo dhinac ah ayaa habeenka Sanadka Cusub ka tumi doona Magaalada
Antwerpen ee dalka Belgium-ka wexeeyna maalalin ka dib uga sii gudbi doonaan Magaalada Arnheim ee dalka Holland halka 6-da bisha eey ka balansan yihiin Magaallada Frankfurt ee dalka Jarmalka.
Dhanka waxaa Aqristayaasha Xiriiriye la ogeeysiinayaa in Xiriiriye eey ku socoto Shaqo Xoogan maadaama lagu soo daray Barnaamishyo cusub oo New ah. Halaan ka Daawo Heesta Qadro : http://www.youtube.com/watch?v=nNTScfo0d9I By. Qadar Cabdi Shirwac (Qadar Yare)
Frankfurt Germany
http://www.xiriiriye.com/
Tel: 4961519676687