MUCJISOOYINKA CAALAMKA : 42 sano ka dib Mucamar Al Qaddafi oo Calaacal iyo Cajal soo diris ka bixi la iyo Mucaaradka Liibiya oo markii ugu horeeysay Jiir/Dooli ku tilmaamay ,*Madaxweeynaha dalka Ruushka Mr.Dmitry Medvedev oo si buuxdo u difaacay Siyaasada dalka Syria iyo Madaxweeyne Bashar Al- Assad (Halkaan ka Daawo Yaabkaan ´+ Warar kale)
***Dunidaan inta aad ku nooshahay wax kaa yaabiya diyaar u ahoow, Madaxweeynihii hore ee dalka Liibiya Mr Mucamar Al Qaddafi oo xukunka dalkaas xoog looga tuuray ayaa waxaa la sheegay inuu dhex dabaalanaayo Riyo nuuceeda aan horay loo arag.
Qaddaafi bishii Juun sanadkii 1942-kii ayuu magaalada Sirte ku dhashay wuxuuna Kursiga Madaxtinimada dalka Liibya ku soo kor fadhiyey oo loogu tagi waayey mudo ku dhaw 43 Sanadood. Macangagnimada Mr.Qaddafi ayaa maalmihii ugu dambeeyey wexeey dhaafi la´dahay soo dirista Cajal cod ah iyo Calaacal uu weli Dagaal ku baaqaayo isaga oo la´ meel uu ka galo Mucaaradkaan Hubka faraha badan la Yaacaya (Alla Kursiga Madaxtinimada macaan badanaa).
Dhanka kale Ciidamada Mucaaradka oo la yaaban Hanjabaada faraha badan ee Fadhi ku dirirka ah kana imaaneeysa Mr.Qaddafi ayaa wexeey hadalkiisa ku tilmaameen Dooli ama Jiir qofba sida uu u yaqaan.
Masuulka ugu sareeya dhanka Hoowl galinta ciidamada Mucaaradka Mr.Abdel Hakim Belhadsch waxa uu yiri sidan " Qaddafi waa Jiir Dooli baxsad ah isagii ayaa meel uu galo la´ka dibna wuu faanayaa , yaa dhageeysanaya faankiisa Nin jiir/Dooli ah oo mar dhaw shabaqa ku soo dhici doona.
Halkaan ka Daawo Calaacalka Qaddafi & Mucaaradka oo u jawaabay http://www.youtube.com/watch?v=bLR3qnWbiVA
*** Dagaalka ka socda Deegaanada lama degaanka ah ee Bani Walid ayaa waxaa la sheegay in Mucaaradka Liibiya uu Jab xoogan ka soo gaaray (Halkaan ka Daawo Dhulkaan lama Degaanka ah & Dagaalka oo socda)
Ciidamada u dagaalamaya Hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mr.Mucamar Al Qaddafi ayaa waxaa la xaqiijiyey ineey heeystaan Tababar dhanka Ciidamada iyo Hubka ah. Maleeshiyaadka la dagaalamaya Xoogaga Qaddafi wexeey markii ugu horeeysay qirteen in Dhimashada dhankooda eey aad u badan tahay oo weliba lagu Dagaalamayo dhul baanan oo qofka weerarka ah uusan boos ka heleen.
Magaalo Xeebeedka Bani waali inta aan la gaarin waa Dhul gawaan ah oo aan la heeyn meel looga gambado Madaafiicda iyo hubka waa weeyn ee u badan Lidka Diyaaradaha.
Maleeshiyaadka Mucaaradka ayaa Kaartadooda Dagaal wexeey tahay ha yaacdo iyo ha la yaaco waxaana taas ka faaideeystay Xoogaga Qaddafi oo Liish iyo waxa Yoolka loo yaqaan ku laayey Maleeshiyaadka Mucaaradka.
Labada dhinac ee dagaalamaya tiro ahaan waxaa badan Maleeshiyaadka Mucaaradka laakiin waxaa iyagana la dheer yahay dhanka Aqoonta guud ee hubka iyo Tababarka Ciidanka.
Ciidamada Mucaaradka ayaa waxaa la sheegay ineey iska caabin xoogan kala kulmeen Bani walid waxaana dhoor jeer ku dhacday Dhabar jabin eeysan fileen maadaama Wadooyin loo furay eey u maleeyeen ineey Dagaal iyo Awood kula wareegeen.
Halkaan ka Daawo Goobaha uu Dagaalka xoogiisa ka socdo http://www.youtube.com/watch?v=dmyKqIHZpnM
***
Madaxweeynaha dalka Ruushka Mr.Dmitry Medvedev oo si buuxdo u difaacay Siyaasada dalka Syria iyo Madaxweeyne Bashar Al- Assad (Halkaan ka Daawo)
Xaalada dalka Syria oo aad u cakiran ayaa hadane waxaa cadaadis weeyn mudooyinkii ugu dambeeyey uu saarnaa Madaxweeynaha dalka Syria Mr.Bashar Al- Assad oo kacdoon Shacab kii ugu xumaa uu la soo darisay.
Mr.Bashar Al- Assad waxaa xiriirkii Ganacsi ka jartay Wadamada ka midka ah dalalka Midawga Yurub (Eu-da) waxaana sidoo kale Isbuuc kasta eedeeyn ba´an u soo jeedisa Qaramada Midoobay iyo Hay´adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha.
Dalka Ruushka oo looga shakisnaa inuu hoos ka Taageero Madaxweeynaha dalka Syria Mr.Bashar Al- Assad ayaa hada Shakigaas waxa uu noqday mid meesha ka baxay oo banaanka yimid ka dib markii Madaxweeynaha dalka Ruushka Mr.Dmitry Medvedev uu qirtay ineey si weeyn Saaxiib ula yihiin Dawlada Syria iyo Madaxweeyne Mr.Bashar Al- Assad.
Dalka Ruushka ayaa inta badan waxa uu Lugooyo ka daba qaataa Mareeykanka iyo Midawga Yurub wuxuuna mar kaste Taageeraa Hogaamiyaasha dalalka eey ku kacsan yihiin Midawga Yurub & Mareeykanka.
Halkaan ka Daawo Sirta uu qirtay Dmitry Medvedev http://www.youtube.com/watch?v=6fOdCFhcqCY