MUCJISOOYINKA CAALAMKA & MAANTA : Qalalaasaha Yamen oo Gacan ka hadal isku badalay iyo Saxaafada Sucuudiga oo qortay ineey Shacabka Yeman u Qixi doonaan dalalka Somalia & Saudi Arabia (Halkaan ka Daawo Xabada oo Socota),* Qaddaafi oo Cajal cusub soo diray kuna hadlay war la la yaabay, Muxuu yiri markaan ? (Halkaan ka Daawo)!!
*** Dadkii ku Geeriyooday Kacdoonka ka dhanka ah Madaxweeyne Ali Abdalla Salah waxaa dusha laga saaray iyaga oo Meyd ah Kutaabo Quraan. Dalka Yeman ayaa waxaa laga deeyrinaayaa xaaladiisa Nabadgalyo ama Qaran ahaan sida eey u sii jiri doonto.
Dawlada Yeman wexeey mudo aad u fog ku kala dhex jirtay Qabaailo badan oo kala heeysta Madhabta Suniga iyo Shiicada.
Sidoo kale waxaa jiro Qabaailo is neceb oo deegaano badan dhoor jeer isku fara saaray.
Dadka Yemanta ah ayaa mararka qaar wexeey iskugu faanaan Koonfurta iyo Waqooyiga oo eey ka soo kala jeedaan Qoowmiyadaha kala dega Magaalada Sanca iyo Magaalada Mucaaradka eey ku xoogan yihiin ee Cadan.
Saxaafada ugu afka dheer dalka Saudi Arabia wexeey qoreen ama ka deeyriyeen xaalada dalka Yeman oo faraha la galay Dagaal Sokeeye oo ahli ah weliba ka darnaan doona kii Somalia ka dhacay. Sucuudiga ayaa wexeey qabaan in Shacabka dalka Yeman meelaha eey u Qixi doonaan ama u fudud ineey dhibaatooyinka kaga bad baadaan eey tahay dalalka Yeman deriska la ah ee Saudi Arabia iyo Somalia oo Bad yar eey kaga talaabi karaan.
Halkaan ka Daawo Dagaalka Yaman oo Xoogeeystay http://www.youtube.com/watch?v=hoSrMFRZWnw&NR=1 .
*** Qaddaafi oo Cajal cusub soo diray kuna hadlay war la la yaabay, Muxuu yiri markaan ? (Halkaan ka Daawo)
Mudo 2 Isbuuc ah waxaa laga nastay Faankii iyo Cajaladihii tirada badnaa ee uu Isbuuc kasta Saxaafada soo marsiin jiray Ex-Madaxweeynihii Xukunka dalka Liibiya xooga looga tuuray Mr.Mucamar Al-Qaddafi.
Qaddafi oo hadaladiisa Faan iyo Hanjabaad u badnaan jireen ayaa markaan waxa uu ku hadlay Kalmad ka xanaajisay Mucaaradka dalka Liibiya iyo inta isaga ku kacsan oo dhan. Muamar Al Qaddafi oo Xoogagiisa laga saari waayey Magaalooyinka Bani Walid iyo sirte waxa uu Cajalkaan cusub ku yiri sida war bixinta ku xusan sidan " Aniga la ima ridin weli, mana la iri doono ee rumeeysta kalmadaas,,
Faanka Qaddafi waxa uu ka tarjumayaa awooda eey la soo bexeen xoogagiisa oo Maleeshiyaadkii Mucaaradka dib uga soo riixay Magaalada Sirte oo ah halkii uu ku dhashay kuna soo barbaaray iyo Magaalada kale ee Istiraajiga ah laguna magacaabo Bani Walid.
Warka Qaddafi ayaa ka xanaajiyey Gaashaanbuurta NATO waxaana guud ahaan dib looga soo saaray Ciidamada Mucaaradka ee ka ag dhawaa Sirte iyo Bani Walid waxaana goobahaas hada lagu bilaabay Duqeeyn cusub oo dhanka cirka ah maadaama Dagaalka aagaas ka socda eey ku Guuleeysteen Xoogaga Qaddafi.
Inta badan Milatary ahaan marka Dagaalka Liibiya lagu wiiqo Maleeshiyaadka mucaaradka waxaa si deg deg Xoogaga Qaddaafi Dekum iyo daakum uga dhiga Diyaaradaha casriga ah ee Gaashaanbuurta NATO.
Halkaan ka Daawo Guusha cusub ee uu Qaddafi sheegtay http://www.youtube.com/watch?v=D3ZpW-PUnNA