Fadeexo iyo Ceeb cusub ayaa dhacday : Mid ka mid ah Bahda Xiriiriye.com oo lagu eedeeyey inuu Messi & Barca Taageere u yahay (Funaanad iyo Sawiro lagu arkay Halkaan ka Daawo) >> Muxuu ka yiri arinkaan markii la wacay?
Dadka Bulshada wax tara sida Wariyaha,Fanaanka, Siyaasiga,Ugaaska, Nabadoonka,Malaaqa iyo Hay´adaha waxaa muhiim ah ineey ka dheeraadaan wax alaale iyo wixii bulshada dhexdeeda Fadeexad u keeni kara.
Mid ka mid ah Bahda Xiriiriye.com gaar ahaan soo tabiyaha wararka Faaqidaada Horyaalada ahna soo saaraha Barnaamishka LA YAAB SPORT ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inuu yahay Taageere qarsoon oo kooxda Fc Barcelona iyo Lionel Messi ah.
Soo tabiyahaan oo lagu magacaabo Cumar Sii Sii wuxuu iska leeyahay koox Faneed la aas aasay Sanadkii 2008 waxaana kooxdiisa Musiga lagu magacaabaa Sii Sii Somband. Kooxdaan oo inta badan soo saarto Heesaha cusub ee aan weli horay loo maqal ayaa markii ugu horeeysay waxaa la arkay Cumar Sii Sii oo mid ka mid ah Heesaha cusub ee dhawaan eey soo saareen kooxdaan isaga oo ku dhigaayo ama Jilaayo Hees Cusub Funaanada iyo Sawirka Xiddiga Fc Barcelona Leo Messi.
Mar aan la xiriiray waxna ka weeydiiyey Fadeexadaan cusub wuxuu ku jawaabay Cumar Sii Sii sidan " Fanka iyo Ciyaaraha kala saara, Rabiyaan ku dhaartee ma ihi Taageere Leo Messi ama Fc Barcelona midkoodba, waa hadii aan xoog la iskugu kooleeyneeyn,,
Mida kaliyah ee lagu qancin karo Taageerayaasha Cristiano Ronaldo oo Daawan doono Heestaan lagu xayeeysiisay Leo Messi wexeey tahay Abwaankaan oo ku dooday in horay uu sidoo kale Heeso cusub ugu soo jilay Maaliyadaha kooxaha Fc Chelsea, Juventus, Real Madrid ,Man Utd iyo Ac Milan.
Arinta ugu Qosolka badan ee ka yaabsatay bahda Xiriiriye.com wexeey tahay Abwaan Cumar Sii Sii oo ku faanay inuu baranayey mudo 8 Bilood ah Musiga laga dhawaajiyo Turumbada kaasoo eey aad u jecel yihiin Shimbiraha Midabka qurxoon ee aalaaba ku nool meelaha Biyo mareenka ah sida Wabiga & Bada.
Halkaan ka Daawo Xayeeysiintii Leo Messi & Barca oo Heesta Biloowgeedii iyo Dhamaadkaba lagu arkay Sawirka Messi iyo Shimbirihii uu sheegay ineey ku soo yaacaan marka uu yeeriyo Turumbada Jaceeylka http://www.youtube.com/watch?v=nRdiThZY9T8 .
W/D Agaasimaha Xiriiriye.com
Hassan Ali Omar (Hasan Tallmann)
Oslo Norway Talloslo@hotmail.com
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)