Ibrahimovic & Robinho Milan kuma Qasaarin.The Gunners oo Kooxda Man City & Laacibiintii Qaaliga ku fadhiyey Gurigooda dharka uga dhigay. Feyenoord Taariikhdii eey ka adkeed waligeed PSV Eindhoven badalkeedii waxa uu noqday in 10-Gool Jooga looga rido. & Wayne Rooney oo aanu helnay Qiimaha uu Isbuuc kasta qaadan doono
Kooxda kubada cagta ee Rossoneri (Ac Milan) ayaa 3-dhibcood oo nadiif ah kala soo hoyatay Garoonkii eey sida weeyn uga cabsan jireen ilaa sanadkii 1998. Milan ayaa 1-2 ku soo dubatay kooxda Napoli oo gurigeeda aad moodid ineey fak fak & weerar badan tahay maadaama mar walba Taageerayaasha Napoli eey garoonkooda soo buux dhaafiyaa sidii xiliyadii uu u ciyaari jiray laacibkii weeynaa ee Diego Armanda Maradona.
Goolasha AC Milan ayaa waxaa u kala saxiixay Xiddigaha kala ah Zlatan Ibrahimovic & Robinho oo dhawaan lagu soo biiriyey kooxda Rossoneri. Waxaa hubaal ah in kooxda Milan eeysan ku qasaarin labadaan laacib ee Ibra iyo Robinho maadaama horyaalkii Talyaaniga oo Jadiid ah eey goolal iyo Passas qurxoon ka bixi la yihiin. Milan ayaa waxaa si weeyn u caawiyey Roosaha la siiyey xiddiga Napoli Pazienza. Halkaan ka Daawo: http://www.youtube.com/watch?v=Nq-pKovLkik : Halkaan ka Daawo Goolka Ibra : http://www.youtube.com/watch?v=FMs3SecvK1c.
Natiijooyinkii kale ee Horyaalka Serie A-da Talyaaniga ayaa waxaa qasaaray kooxaha Inter iyo Juventus oo Bareejooyin kala galay. Juventus oo guriga Bologna 0-0 ku soo gashay ayaa waxaa gool Rigoore ahaa oo loo dhigay ka qasaariyey weeraryahankeeda Iaquinta . Halka Inter xiddigooda Samuel Eto´o oo ayaantaan goosha deris la noqday uu badbaadiyey kooxdiisa oo gurigeeda 1-1 faro cidiyo leh kaga fakatay kooxda Sampdoria.
Natiijada kooxaha kale eey isku macsalaameeyeen ayaa ah sidan:
Parma
AS Roma
0:0
Bologna
Juventus
0:0
Lazio Rom
Cagliari
2:1
FC Genoa
Catania
1:0
Udinese
Palermo
2:1
Chievo Verona
Cesena
2:1
Lecce
Brescia
2:1
Inter Mailand
Sampdoria Genua
Kala horeenta Horyaalka Talyaaniga ayaa sidaan ah .
1.
Lazio Rom
8
6
1
1
12:6
19
2.
AC Milan
8
5
2
1
13:6
17
3.
Inter Mailand
8
4
3
1
10:4
15
4.
Chievo Verona
8
4
1
3
11:9
13
5.
Juventus Turin
8
3
3
2
16:9
12
6.
SSC Napoli
8
3
3
2
14:11
12
7.
US Palermo
8
3
2
3
15:12
11
8.
Sampdoria Genua
8
2
5
1
10:9
11
9.
FC Genoa
8
3
2
3
8:9
11
10.
US Lecce
8
3
2
3
7:13
11
11.
Udinese
8
3
1
4
6:10
10
12.
Catania
8
2
3
3
8:8
9
13.
Brescia
8
3
0
5
8:11
9
14.
AS Roma
8
2
3
3
7:12
9
15.
AC Fiorentina
8
2
2
4
9:10
8
16.
Bologna
8
1
5
2
8:12
8
17.
AC Cesena
8
2
2
4
6:10
8
18.
AS Bari
8
2
2
4
7:13
8
19.
Cagliari
8
1
4
3
8:8
7
20.
FC Parma
8
1
4
3
6:8
7
Horyaalka Ingiriiska oo la ciyaaray kulankiisii 9-aad ayaa Kooxada (The Gunners) ee Arsenal waxa eey ceeb iyo fadeexo la barteen Ciyaartooyda Naadiga Man City oo lacag aad u fara badan kula joogo kooxda Man City. Arsenal oo 0-3 uga badisay Man City dhulkana ku jiiday ayaa waxaa taas ka sii saaciday Roosaha la siiyey Ciyaaryahan Boyata oo daqiiqadii 5-aad ciyaarta markii eey mareeysay af gelis looga dhigay gaduud.
The Gunners" ayaa waxaa dabaal dega goolasha u bilaabay xiddiga kacsan maalmahan Samir Nasri daqiiqadii 23-aad , Alex Song (66.) iyo Bendtner oo u soo kacay (88.). Arsenal ayaa waxaa sidoo kale rigoore ka qasaariyey Cesc Fabrigas.
Kooxda Man Utd oo ku dheeleysay guriga Stoke City ayaa markaan guul 1-2 ah ku soo badisay. labada gool waxaa Man City u wada saxiixay Xiddigeeda cusub Hernandez oo horay naadiga & Taageerayaasha ManU u balan qaaday inuu sanadkaan koobab farabadan farta ka saari doono.
Dhanka kale Jaraaidyada Sportiga ee ugu afka dheer dalka England sida The Sun & Daily Mirror Newspaper ayaa qoray oo soo bandhigay qaabkii lagu xaliyey ama lagu celiyey Wayne Rooney oo isbuucii la soo dhaafay looga shakiyey inuu hoos xirrir weeyn kala sameeyey kooxaha Man City iyo Real Madrid. Rooney ayaa mushaar ahaan u qaadan doono Isbuuc walba 225.000 Euro.
Kooxda hogaanka horyaalka Ingiriiska laga fujin la yahay ee Xanjada ku noqatay waa Fc Chelsea ayaa waxeey 2-0 u dhiibtay kooxda Wolverhampton. Goolasha Fc Chelsea waxaa u kala saxiixay Florent Malouda & Kalou .
Kooxaha kale ee Horyaalka England ayaa qaabkaan hoose ku kala baxay:
Tottenham
Everton
1:1
Chelsea
Wolverhampton
2:0
West Bromwich
Fulham
2:1
Sunderland
Aston Villa
1:0
Wigan
Bolton
1:1
Birmingham
Blackpool
2:0
West Ham
Newcastle
1:2
Axad:
Stoke
Manchester United
1:2
Liverpool
Blackburn
2:1
Manchester City
Arsenal
0:3
Kala horeenta Horyaalka England ayaa sidan ah :
1.
Chelsea
9
7
1
1
25:2
22
2.
Arsenal
9
5
2
2
21:10
17
3.
Manchester United
9
4
5
0
20:12
17
4.
Manchester City
9
5
2
2
12:8
17
5.
Tottenham Hotspur
9
4
3
2
11:8
15
6.
West Bromwich Albion
9
4
3
2
13:15
15
7.
Sunderland
9
2
6
1
8:7
12
8.
Bolton Wanderers
9
2
6
1
13:13
12
9.
Newcastle United
9
3
2
4
14:13
11
10.
Aston Villa
9
3
2
4
9:13
11
11.
Everton
9
2
4
3
9:8
10
12.
Birmingham City
9
2
4
3
10:12
10
13.
Stoke City
9
3
1
5
10:13
10
14.
Blackpool
9
3
1
5
13:20
10
15.
Wigan Athletic
9
2
4
3
7:16
10
16.
Fulham
9
1
6
2
10:11
9
17.
Blackburn Rovers
9
2
3
4
8:10
9
18.
Liverpool
9
2
3
4
9:14
9
19.
Wolverhampton Wanderers
9
1
3
5
8:15
6
20.
West Ham United
9
1
3
5
7:17
6
Horyaalka dalka Holland ee Eredivisie ayaa waxaa ka dhacay wax aan la maqal oo la arag ka dib markii kooxda PSV Eindhoven oo Taariikhda ka cabsan jirtay Feyenoord Rotterdam eey 10-0 uga badisay kooxdii eey Taariikh ahaan necbeed.
Kooxda Feyenoord Rotterdam ayaa masuuliyada guuldaradaas dusha ka saartay Ciyaaryahan Leerdam oo daqiiqadii 34-aad Rooso ka qaatay Feyenoord balse taas ayaa ah wax lagu qoslo maadaama ciyaartooy badan kooxohooda Rooso laga siiyo mana suurtoowdo in sidii Basketball camal loogu dur duriyo. Xiddigihii PSV Eindhofen ee garoonka ku ciqaabay kuna halaagay kooxda Feyenoord Rotterdam ayaa wexeey kala yihiin sidan Reis oo dhaliyey 3-gool, Xiddiga kooxaha badan isha ku hayaan ama isku heestaan ee Ibrahim Afellay oo gool ku tuurtay, Toivonen, Lens oo isna 2-gool ku tuurtay, Dzsudzsak oo 2-gool dhaliyey, iyo Laacib Engelaar oo ahaa ninka labada cad ka dhigay kooxda Feyenoord sida weeyna ugu socday ugu dambeentiina goolkiisa ka xareeystay . Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=3Rrd1bZxbJU&feature=related . kulamada kale ee Horyaalka Niederland ayaa kooxaha waxa eey dhibcaha u kala qaateen sidan :