Kooxda Barcelona hadii eey 10-0 nooga badin laheed ma waxeey kula tahay inaan Soonka joojin lahaa? Sidaas waxaa yiri Mesut Ozil oo u waramayey Tv-ga Pro7. ( Gudaha fur kana Fiiri Sawir uu ku sheegay Pro7 xiligii uu Mesut Ozil Caruurta ahaa uuna bilaabay inuu Soomo) Horaa loo yiri SuŽaal qaldan wexeey leedahay Jawaab Qaldan. Tv-ga
Moodelka iyo
Filimaanta soo daayo ama Xayeeysiiyo ayaa Galabta waxa uu Studiyihiisa ku casumay Xiddiga Qaranka Germany iyo Kooxda (Galacticos) ee Real Madrid Mesut Mustafa Ozil.
Tv-ga Pro7 oo Taariikh nololeedkii Mesut Ozil wareeysi dheer kala yeeshay ayaa waxaa ugu qosol badneed markii Wariyihii wareeysanayey Mesut Ozil uu weey diiyey suŽaal qaldan taas oo eheed sidan: >>> " Mr Ozil waxaan maqalnay oo war baahinta Caalamka laga sii daayey inaad Kulankii Barcelona Vs Real Madrid Soomaneed weliba aad maalintaas u soontay oo ilaahaaga u barisay inuu kulankaas Guul kaa siiyo waxaana lagaaga badiyey 5-0 oo eey kooxda Barcelona guushii ku raacday marka ma laga yabaa inaad kulamada kale ee adag ama soo socdo aad mar kale Soontit??
Mesut Mustafa Ozil oo ah Ciyaaryahan aad u degan ayaa waxa uu
wariyihii qaldanaa ugu Jawaabay sidan: >>>" Waxaas iska hadal ayaan u aqaanaa Xitaa hadii eey kooxda Barcelona
10-0 nooga badin leheed ma waxeey kula tahay inaan Dabeecadeeyda iyo
Dhaqankii aan ku soo koray sidaas ku badali lahaa?? Yaaaaab, Ozil ayaa Mikarafoonkii SuŽaasha lagu weey diiyey waxa uu u soo jeediyey dhanka Wariyihii oo la yaabay sida uu Mesut Ozil SuŽaashiisa qaldan Jawaabteeda isaga looga doonaayo !!
Intaas ka dib Pro7 ayaa waxa uu soo bandhigay dhamaan Taariikhda Laacib Ozil iyo Sawirka kore oo uu ku sheegay Xiligii uu Mesut Mustafa Ozil bilaabay inuu Soomo ama inta badan dambi dhaaf weeydiisto Allihii abuuray.
Filo Goor Dhaw: Barnaamishyada La Yaab iyo ku biiri Aqoontaada Sport oo xiligaan la joogo eey Shaqo iyo Tarjumis ku socoto waxaad kaloo filataa
Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com