La Yaab : Ciyaaryahan Kevin-Prince Boateng oo noqday Xiddiga ugu Shukaansi iyo Telfoon ku hadlista badan sidaas waxaa qoray La Gazzetta dello Sport &Tuttosport (Halkaan ka Daawo Goolashiisa kuwii ugu wanaagsanaa iyo weliba Xiligii uu Michael Ballack Koobka Addunka ka Reebay)
Shabakada Xiriiriye.com waa Xiriiriyaha Sportiga ee isku Xira Bulsho weeynta Soomaaliyeed & Ciyaaryahanada Caalamka iyo wixii cusub ee ku soo kordha dhaq dhaqaaqooda Sport. Xiriiriye.com waa Shabakada kaliyah ee Soomaaliyeed oo mar kasta soo bandhigta Cadeeyaha kala duwan ee is wata Sida Sawirada iyo Video-yaalka Maqal & Muuqaalka ah. Waxaa La Yaab noqotay oo aad u adag inuu si deg deg ah Xiriiriye.com kuugu furmo xiliyada aad soo booqato maxaa yeelay waxaa u sabab ah 2-Arimood. 1-Booqashadiisa oo xadkii caadi ahaanta loogu tala galay dhaaftay kuuna cadeeneeyso in Soomaali Weeyn eey ka Buuxaan dad Dhiigooda uu ku shaqeeyo Sportiga ama la socoshada Ciyaaraha kubada Cagta. 2-Cadeeymaha Video-yaalka iyo Barnaamishyada uu Xiriiriye.com la Ciiraayo Culaabtooda oo maalin walba saaran Boga hore ee Shabakada.
Xiriiriye.com ayaa waxaa hada ku socoto Shaqo hufan waxaana biloowga sanadkaan cusub ee fooda inagu soo haayo ee 2011 lagu soo kordhiyay Wax qabadka Xiriiriye.com ilaa 5-Barnaamish oo New ah.Waxaan kaloo soo deeyn doonaa mucjisooyinkii ugu yaabka badnaa ee 2010 lagu soo xasuusan doono ebid. Hadaba hadeeynu u gudo galno Qormadeena Maanta ee Barnaamishka La Yaab ayaa waxa uu yahay sidan.
Jaraaidyada Caanka ah ee ka soo baxa dalka Talyaaniga La Gazzetta dello Sport & Tuttosport ayaa waxa eey Sheeko aad u xiiso badan ka qoreen Xiddiga Kooxda Ac Milan iyo Qaranka Ghana Kevin-Prince Boateng. Ciyaaryahan Boateng waxa uu ku dhashay 06.03.1987 magaalada Berlin ee dalka Germany, Hooyadiis waa Jarmal Aabihiisna waa Ghaanes. Walaalkiis la dhashay Jerome Boateng waxa uu u ciyaaraa kooxda Manchester City ee horyaalka Ingiriiska wexeeyna labada ciyaaryahanba u soo wada ciyaareen Juunyarka dalka Jarmalka xiligii eey iskula wada jireen Mesut Ozil & Thomas Müller waxaana ilaa iyo hada u safta Jarmalka Jerome Boateng halka Prince Boateng uu ka doortay inuu Qaranka Ghana ku biiro. Jaraaidyada La Gazzetta dello Sport & Tuttosport oo dhamaadka Sanad kasta qiimeeyo Abaalmarino ama cadeeymo eey ku sheegeen waxa uu ciyaaryahan kasta sanadkaas u badnaa ama ku wanaagsanaa ayaa waxa eey leeyihiin Kevin-Prince Boateng waa Xiddigii 2010 ugu Shukaansi iyo Telfoon ku hadalka badnaa maadaama uu Qadka Internetka markasta Online ahaa weliba mar kasta xiliyada Firaaqadiisa uu Telfoon dhegta ku heeyn jiray.
Tababaraha kooxda Ac Milan Massimiliano Allegri oo ka hadlay arinta eey qoreen La Gazzetta dello Sport & Tuttosport ayaa sheegay inuu waxaas u arko iska hadal Kevin-Prince Boateng-na uu yahay Xiddig kooxda Milan laf dhabar u ah oo weliba kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyey Goolal badan oo xiriir ah u dhaliyey wuxuuna hadalkiisa ku soo xiray sidan " Hadii Kevin-Prince Boateng uu mar kasta kooxdiisa dhex jooga kuna hadlo Telfoon Qadka Internetkana fadhiisto ma waxaa kaloo eey La Gazzetta dello Sport & Tuttosport la dooni lahaayeen in Kevin-Prince Boateng uu aado ama u bato Meelaha iyo Baararka lagu Tunto ee ciyaartooyda eey ku soo halaabaan ? !!
Macalinka Ac Milan Massimiliano Allegri hadalka uu ku soo Carab qaaday Aadista Baararka lagu tunto ayaa waxaa iska cadeed inuu ku duqeenaayey ama ugu dan lahaa si Sarbeeb ah Ciyaaryahan Ronaldinho oo xiliyadii dambe inta badan maaro looga waayey u dhuumashada Baararka lagu tunto ee qaar ka mid ah Ciyaartooyda eey ku soo caweeyaan.
Ugu dambeentii Kevin-Prince Boateng ayaa waxaa lagu tiriyaa Ciyaartooyda ka ciyaarta Qaarada Yurub kuwooda ugu Oradka badan ee Ciyaaryahanada ka soo horjeeda sida fudud uga dhex siibto inkastoo mararka qaar uu galo Faol nuuca loo yaqaan Horror-Fouls sida kii uu u geeystay ama ku Qalay Ciyaaryahan Michael Ballack oo ugu dambeentii sababtay inuu gafo ama uu dhaafo World Cup 2010 taas oo Tv-yada Caalamka laga daawanayey Michael Ballack oo saacad kasta ilmeenaayo wuxuuna ilaa hada waqtigaan la joogo bil kasta Garoomada uga baxaa dhaawicii Halista ahaa ee Boateng uu kol hore u geeystay oo weli Xanuun kiisa ma harto ku noqday.
Halkaan ka Daawo sidii uu u Qalay ama Lafta dheer u Jabiyey Michael Ballack oo Aaqiritaankii sabab u noqotay inuu seego World Cup 2010 in South Africa : http://www.youtube.com/watch?v=4V9ocI9YP0U
Filo Goor dhaw warar Sport oo Top News ah iyo Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport oo aad u xiiso badan weliba filo sidoo kale Jawaabtii Hal Xiraalaha oo sixid & tiro eey ku socoto iyo Qubanaha Nasashada Axada !!