Kooxda Fc Porto oo 2003 ka dib Jeebka gashatay koobkii Europa-League 2010/11 Ex-Jabhadii hore ee Uefa Cup , * Maxaad kala socotaa inta koob oo eey ku Guuleeysatay Fc Porto? (Halkaan ka Daawo Ciyaarta)
Kooxda Kubada Cagta ee FC Porto ayaa ku guuleeysatay Koobkii Europa-League 2010/11 oo mudo 1-Sano ka badan uu Tartankiisa si lixaad leh uga socday Garoomada Caalamiga ah ee Qaarada Yurub.
Fiinaalka Ciyaarta Koobka Europa-League 2010/11 oo ka dhacday magaalada Dublin Caasimada dalka Irland Fc wexeey 1-0 ku suul daartay kooxda SC Braga oo iyana ka socotay isla dalka Portugal. Goolka Fc Porto waxaa Daqiiqadii 44-aad Madax ugu dhaliyey Weeraryahanka Qaranka Colombia Ciyaaryahan Falcao oo intii uu socday tartan u saxiixay kooxda Fc Porto 17-Gool.
Kooxda Fc Porto waxaa Koobkaan oo eey qadaan ugu dambeeysay sanadkii 2003-kii xiligaas oo Koobkaan loogu yeeri jiray Uefa Cup halka uu hada ka yahay ama loogu Waqlalay Europa-League. Kooxda Fc Porto ayaa run ahaantii u qalantay ineey Sandkaan Koobka Europa-League Jeebka gashtaan maxaa yeelay FC Poro wexeey soo reebtay kooxihii waa weeynaa ee Koobkaan loo saadaaliyey.
kooxda Fc Porto sanadkaan Horyaalka dalkeeda Portugal wexeey qaaday iyada oo aanan halmar laga badin. Fc Porto inta Taariikhda la ogyahay koobabka eey qaaday ayaa kala ah sidan : Horyaalka Dalkeeda 25-Jeer ayeey qaaday, Koobka Dalkooda (Bortuqiiska) 15-Jeer ayeey Xaabsatay, The Uefa Champions-League 2-Jeer ayeey la hoyatay, Koobkaan eey hada qaaday ee Ex UEFA-Cup/Europa-League wexeey Funaanada ku tolatay isna 2-Jeer. 2-Jeer wexeey qaaday Koobka Qaaradaha ee kooxaha Caalamka, 17-Jeer wexeey Iskoor ku heeystaan koobka Super-cup-ka oo ah kooxdii isku darsataa Horyaalka & koobka Dalkeeda.
Ugu dambeentii Kooxda Fc Porto wexeey Super-cup la cyaari doontaa Kooxaha FC Barcelona Vs Man Utd kii soo qaadaa koobka Champions League oo 28.5.11 Ciyaartiisa Fiinaalaha ah lagu qaban doono Magaalada London.
Dhanka kooxdaan Koobka Europa-League 2010/11 laga qaaday ee Fc Braga Taariikh ahaan wexeey jirtaa 92-Sano wexeeyna waligeed Koob qaaday halmar oo kaliyah markaas oo eheed 1966 kaas oo ahaa koobka Dalka Portugal.
ugu dambeentii Garoonkii Ciyaartaka dhacday ee Magaalada Dublin waxaa soo xaadirtay 45.400 oo Taageerayaal ah.
Ciyaartooyda labada Kooxood ayaa Qaabkaan isku Qaabilay :
Porto: Helton - Sapunaru, Rolando, Otamendi, Pereira - Guarin (73./Belluschi), Fernando, Moutinho - Hulk, Falcao, Varela (79./Rodriguez)
Braga: Moraes - Garcia, Paulao, Rodriguez (46./Kaka), Silvio - Alan, Vandinho, Custodio, Viana (46./Mossoro) - Lima (66./Meyong), Paulo Cesar . Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=W5TC3vIO8hs .
OGEEYSIIN: Fadeexadii ku saabsaneed Sidii loo gaaday ama Sawirada looga qaaday Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo la baashaalaayo Haweeyneey aan Lamaanihiisa aheeyn ayaa Goor dhaw soo bixi doonta. Warkaan waxa uu wataa Cadeeymo buuxo waxaana hada ku socoto tarjumis. Filo Goor dhaw War bixintaas, Sport News kale iyo Barnaamishka La yaab Sport!!
Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com