Safaarada Giriiga uu ku leeyahay magaalada Paris oo Bambo Hadiyad ahaan loogu soo diray iyo Booliiska oo arintaan baaritaan kula dhaqaaqay .
Safaarada dalka Giriiga uu ku leeyahay wadanka Faransiiska gaar ahaan caasimada Paris ayaa waxaa la soo gaarsiiyey Baakado u sameeysanaa qaabka la iskugu diro Alaabaha loo yaqaan Hadiyada ee Xiliga Kirismiska la isticmaalo.
Baakadahaan ayaa mid ka mid ah waxaa ku dhex jirtay Bambo la sheegay ineey Saacado ka dib Qarxi leheed hadii aanay goobtaas soo gaari leheen Ciidamada Booliska dalka Faransiiska.
Waa dalkii 3-aad oo mudo Isbuuc gudihiis ah loo Hanjabo Safaarada ama Dawlada Giriiga oo lagu eedeeyey ineey dalal badan oo Qaarada Yurub ku yaal dhanka Dhaqaalaha dhibaato weeyn ku beertay.
Maalmo ka hor waxaa Hanjabaad nuucaan la mid ah la soo gaarsiiyey Safaaradaha Giriiga uu ku leeyahay dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga waxaana loogu hanjabay in la Qarxin doono.
Ciidamada Booliiska dalka Faransiiska ayaa baaritaan kula dhaqaaqay ilaa goobihii ay soo martay Alaabtaas Hadiyada loo soo ekeeysiiyey balse halista lagu tilmaamay maadaama Bambo lagu soo dhex qariyey wexeeyna sidoo kale Booliiska Faransiiska la wareegeen amnigii Safaarada dalka Giriiga uu ku lahaa dalka Faransiiska.