La Yaab : Steven Gerrard oo qaaday Doorashadii Canal Plus Aabaha ugu Naxariista badan Ciyaaryahanada hada jira(Halkaan ka daawo Sababta) .iyo Natiijooyinkii Uefa Champions League .
Tv-ga caanka ah ee ku hormaray dhanka ciyaaraha kubada cagta waa Canal Plus ayaa doorasho iyo codeen uu u qabtay Ciyaartooyda ugu caansan qaarada Yurub gaar ahaan kuwooda ugu naxariista iyo Aabenimada fiican oo mudo Bil ah socotay ayaa maanta waxaa si lama filan ah kaalinta 1-aad ugu soo baxay Xiddiga Qaranka England iyo Kooxda Liverpool Steven George Gerrard.
Doorashadaan oo dadka jecel Ciyaaraha u codeeynayeen al in eey soo sheegaan Ciyaaryahanada caanka ah midka ugu naxariista iyo Aabenimada fiican.
Tv-ga oo soo bandhigay video-yaal aad u fara badan ayaa waxaa ku jiray ciyaartooy fara badan oo la ciyaaraya ilmahooda marka eey ka soo laabtaan kulamada eey u saftaan kooxaha eeyu kala dheelaan.
War bixinta dhanka Naxariista Aabayaasha kubada cagta caanka ku ah ayaa Steven Gerrard waxa guushiisa lagu sheegay in uu doonayey in Gabadhiisa yar uu ka dhigo Gabar ciyaarata kubada cagta halka Xaaskiisa eey kula talisay in Gabadhooda laga dhigo Inan yar oo Dabaasha Laacib ku noqotaka dibna u dheesha Xulka England ee gabdhaha Dabaasha.
Steven Gerrard ayaa aqbalay Dalabka uga yimid Xaaskiisa waxaana uu waqti badan ku bixiyey sidii gabadhiisa yar eey dubaasha laacibad weeyn ugu noqon leheed.
Halkaan ka Daawo qeeyb ka mid ah Qeeybo Video ah oo uu Tv-ga Canal plus ka soo qaaday Laacib Steven Gerrard oo biyo cabsiinaya gabadhiisa yar isaga oo Dabaasha aad u baraya ...Kaalinta 2-aad ayaa waxaa galay Xiddiga Juventus Alexssandro Del Piero oo isna ilmihiisa aa u ciyaarsiiya.(http://www.youtube.com/watch?v=g1qtQzb_d54&feature=related)
Dhanka kale Kulamadii The Uefa Champions League ayaa kooxaha waxa eey ku kala baxeen sidan hoos ku qoran:
.
Werder Bremen
Tottenham
2:2
Twente Enschede
Inter Mailand
2:2
Olympique Lyon
Schalke 04
1:0
Benfica Lissabon
Hapoel Tel Aviv
2:0
Manchester United
Glasgow Rangers
0:0
Bursaspor
Valencia
0:4
FC Barcelona
Panathinaikos
5:1
FC Kopenhagen
Rubin Kasan
1:0
Bayern München
AS Roma
2:0
CFR Cluj
FC Basel
2:1
MSK Zilina
Chelsea
1:4
Olympique Marseille
Spartak Moskau
0:1
Real Madrid
Ajax Amsterdam
2:0
AC Milan
AJ Auxerre
2:0
Arsenal
Sporting Braga
6:0
Schachtjor Donezk
Partizan Belgrad
1:0
Filo Goor dhaw Video-daawasho ah oo ku saabsan dhamaan kulamadii Uefa champions League .