Faaqidaada The Premier League : Kooxda Manchester City oo markii ugu horeeysay dhan kaste ka wanaagsanaatay Dariskeeda Man Utd,* Macalinka Qadka dhexe Steven Gerrard oo u dabaal degay kulankiisii 153-aad iyo Fc Chelsea oo gaartay Guushii 1.600-aad inta Taariikhda Horyaalka Ingiriiska la ogyahay !!
*** Horyaalka dalka Ingiriiska ee The Premier League ayaa waxa uu yeeshay Xaraaradii ugu wanaagsaneed ka dib markii eey kaalinta 1-aad soo caga dhigatay Lacagtii Manchester City.
Waa markii ugu horeeysay Taariikhda oo eey kooxda Man City meelo badan kaga fiicnaatay dariskeeda The Red Devils Man Utd. Hadaba waa maxay fiicnaantaas maxaadse kala socotaa sababaha Man City Dariskeeda ManU kaga wanaagsanaatay?
Manchester City : 8-jeer ayeey Ciyaartay,7-jeer guul ayeey gaartay,1-jeer Bareejo ayaa lagu qabtay,weli lagama badin,27-Gool ayeey dhalisay,6-Gool waa laga xareeyey Difaaceeda,22-Dhibcood ayeey hogaanka ugu qabtay The Premier League !!! .
Manchester United : 8-jeer ayeey Ciyaartay,6-jeer Guul ayeey gaartay,2-jeer Bareejo ayaa lagu qabtay, weli lagama badin Shayaadiinta cas cas ,25 Gool ayeey dhaliyeen,6-Gool waa laga xareeyey, 20-Dhibcood ayeey aruursadeen wexeeyna Horyaalka England kaga jiraan kaalinta 2-aad.
Halkaas waxaa kaaga cad in Man City wacdaro cusub soo wadato weliba meelo badan ayeey kaga wanaagsan tahay Dariskeeda Man Utd marka laga reebo dhanka Difaaca oo labada kooxoodba laga dhaliyey min 6-Gool.
***(FAAQIDAADA HORYALKA ENGLAND KULANKISII 8-AAD) Ciyaartii dhex martay kooxaha Fc Liverpool (The Reds) Vs Man Utd (The Red Devils) waxaa Garoonka Anfield Road soo xaadirtay 45.000 oo taageere. Garoonka Fc Liverpool ee Anfield Road xiddiga loogu jecel yahay waa macalinka Qadka dhexe ee hada 30 jirsaday (Steven Gerrard ).
Laacib Steven Gerrard tan iyo Lixdii Bishii Maarso waxaa faro ba´an ku hayey dhaawacyo sababay in laga waayo Maslaxa ciyaaraha kubada cagta balse hada ayuu ka soo bogsaday una dabaal degay kulankiisii 153-aad ee Horyaalka Ingiriiska. Steven Gerrard wuxuu Gool ka xareeyey daqiiqadii 68-aad Boortaha Man Utd David de Gae oo eey Saxaafada Caalamka ku sheegtay Darbi soo taagan oo gool si looga dhaliyo eey adagtahay.
Labada kooxood oo Fursado badan iska qasaariyey waxaa inta badan Binji lagu hayey Laacibiinta kooxda Manchester United oo badal ku soo gashay ciyaarta qeeybteedii dambe.
Goolka Bareejada waxaa Shayaadiinta cas cas Man Utd u saxiixay daqiiqadii 81-aad Xiddiga Qaranka Mexico Javier Hernandez oo inta uusan goolka saxiixin ka hor 5-daqiiqo badal ku soo galay Ciyaarta wuxuuna u saxiixay Kubad madax ama Testo ah (Corner).
FIIRO GAAR AH : Kulankii Fc Liverpool Vs Man Utd (1-1) Saxaafada ama Joornaaliistayaasha wexeey nafta u keeneen Ciyaaryahan Wayne Rooney oo qaatu billahi ka taagnaa Sawiro eey raaxada kaga qaadeen (Sawirka kore ee Beejkaan ) kuwaas oo doonaya ineey warar ka qoraan maadaama Wayne Rooney Ciyaartaan qeeybteedii hore binji la galiyey waliba uu Fadeexo ka soo sameeyey kulankii Montenegro Vs England (Euro Quali-2012 ,2-2).
*** Kooxda Dambiisha Lacagta ah wadata ee Manchester City wexeey dhulka la simtay Aston Villa oo eey kaga badiyeen 4-1. Goolasha Manchester City waxaa ku kala raaxeeystay Laacibiinta kala ah Mario Balotelli Daqiiqadii 28-aad, Adam Johnson Daqiiqadii 47-aad, Vincent Kompany Daqiiqadii 52-aad iyo James Milner Daqiiqadii 71-aad. Goolka Aston Villa waxaa Daqiiqadii 65-aad ku tuurtay Ciyaaryahan Stephen Warnock .
*** Xiddigaha Fc Chelsea (The Blues) wexeey 3-1 Hawada kaga qariyeen kooxda Everton. Goolasha Fc Chelsea ku badisay waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Daniel Sturridge Daqiiqadii 31-aad, John Terry Daqiiqadii 45-aad iyo Ramires Daqiiqadii 61-aad.Goolka agoonka ah ee Fc Everton waxaa u dhaliyey Daqiiqadii 81-aad Apostolos Vellios .
FIIRO GAAR AH: Guushaan eey gaartay Fc Chelsea (The Blues) wexeey u noqoneeysaa Guushii 1.600-aad ee inta Taariikhda la ogyahay waa intii eey jirtay Fc Chelsea .
*** Kulamada maanta dhici doona hadii uu alle idmo kooxda Fc Arsenal wexeey u dhaarsan tahay Fc Sunderland inkastoo Sunderland sanadkaan aad isku soo qalabeeysay. Sidoo kale kooxda Newcastle Utd oo aan weli laga badin horyaalka England wexeey xarash u heeysaa kulanka galabta Tottenham oo marti u ah.
KOOXAHA HORYAALKA ENGLAND AYAA ISBUUCAAN SIDAN KU KALA BAXAY :
| 15.10. |
13:45 |
FC Liverpool |
1:1 |
Manchester United |
| 15.10. |
16:00 |
Wigan Athletic |
1:3 |
Bolton Wanderers |
| 15.10. |
16:00 |
Stoke City |
2:0 |
FC Fulham |
| 15.10. |
16:00 |
Queens Park Rang. |
1:1 |
Blackburn Rovers |
| 15.10. |
16:00 |
Norwich City |
3:1 |
Swansea City |
| 15.10. |
16:00 |
Manchester City |
4:1 |
Aston Villa |
| 15.10. |
18:30 |
FC Chelsea |
3:1 |
FC Everton |
| 16.10. |
13:00 |
West Bromwich |
-:- |
Wolverhampton |
| 16.10. |
14:30 |
FC Arsenal |
-:- |
AFC Sunderland |
| 16.10. |
17:00 |
Newcastle United |
-:- |
Tottenham Hotspur |
KOOXAHA HORYAALKA INGIRIISKA WEXEEY U KALA HOREEYAAN QAABKAAN HOOSE :
| 1 |
Manchester City |
8 |
7 |
1 |
0 |
27:6 |
21 |
22 |
| 2 |
Manchester United |
8 |
6 |
2 |
0 |
25:6 |
19 |
20 |
| 3 |
FC Chelsea |
8 |
6 |
1 |
1 |
20:9 |
11 |
19 |
| 4 |
Newcastle United |
7 |
4 |
3 |
0 |
9:4 |
5 |
15 |
| 5 |
FC Liverpool |
8 |
4 |
2 |
2 |
11:9 |
2 |
14 |
| 6 |
Tottenham Hotspur |
6 |
4 |
0 |
2 |
11:10 |
1 |
12 |
| 7 |
Stoke City |
8 |
3 |
3 |
2 |
6:8 |
-2 |
12 |
| 8 |
Aston Villa |
8 |
2 |
5 |
1 |
10:9 |
1 |
11 |
| 9 |
Norwich City |
8 |
3 |
2 |
3 |
10:11 |
-1 |
11 |
| 10 |
Queens Park Rang. |
8 |
2 |
3 |
3 |
6:14 |
-8 |
9 |
| 11 |
Swansea City |
8 |
2 |
2 |
4 |
7:12 |
-5 |
8 |
| 12 |
FC Fulham |
8 |
1 |
4 |
3 |
10:9 |
1 |
7 |
| 13 |
FC Everton |
7 |
2 |
1 |
4 |
7:11 |
-4 |
7 |
| 14 |
Wolverhampton |
7 |
2 |
1 |
4 |
6:10 |
-4 |
7 |
| 15 |
FC Arsenal |
7 |
2 |
1 |
4 |
10:16 |
-6 |
7 |
| 16 |
AFC Sunderland |
7 |
1 |
3 |
3 |
9:8 |
1 |
6 |
| 17 |
Bolton Wanderers |
8 |
2 |
0 |
6 |
12:22 |
-10 |
6 |
| 18 |
West Bromwich |
7 |
1 |
2 |
4 |
5:10 |
-5 |
5 |
| 19 |
Wigan Athletic |
8 |
1 |
2 |
5 |
6:14 |
-8 |
5 |
| 20 |
Blackburn Rovers |
8 |
1 |
2 |
5 |
9:18 |
-9 |
5 |
By.Cumar Sii Sii Xiriiriye.com,
Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka .
omarinnho@hotmail.com .