Laacibiinta The Red Devils Manchester United oo soo laba kacleeyey iyo Weeraryahan Dimitar Berbatov oo wacdaro dhigay,* Xiddigaha Man City oo markii ugu horeeysay Xili Ciyaareedkaan Garoonka ka baxay iyaga oo aan wax Goolal ah dhalin,* Fc Chelsea oo Jiif macaan ku jirta (Faaqidaada The Premier League).
*** Horyaalka dalka Ingiriiska ee The Premier League oo la Ciyaaray kulankiisii 18-aad ayaa waxa uu ku sigtay ineey kooxda Manchester United kula wareegto si Nabad ah oo aan Dhiig ku daadan. Xiddigaha United ayaa 5-0 Faraqa u galiyey kooxda Wigan Athletic waxaana Goolashaas u kala saxiixay Laacibka Qaranka Bulgaria Dimitar Ivanov Berbatov oo 3-Gool Shabaqa ku hubsaday Daqiiqadihii 41-aad, 58-aad iyo 78-aad. Labada Gool ee kala waxaa ManU u kala dhaliyey Park Ji-Sung Daqiiqadii 8-aad iyo Antonio Valencia Daqiiqadii 75-aad.
3 bilood ka dib waa markii ugu horeeysay oo Ciyaarta biloowgeeda lagu iftaxo Weeraryahan Dimitar Ivanov Berbatov oo Bilihii ugu dambeeyey Booskiisa xiran waayey. Kooxda Shayaadiinta Cas Cas 8-kulan oo ka tirsan Kulamadii ugu dambeeyey ee Horyaalka Ingiriiska weli lagama badin waxaana Guuldaro ugu dambeeyey Dhamaadkii Bishii Oktoobar xiligaas oo ay 1-6 ku Xasuuqday kooxda Manchester City. Laacibiinta Man Utd oo dhoor Bilood ka hor Korantada ka dansaneed ayaa hada waxaad moodaa ineey si weeyn iskula qabsadeen waxaana taas kuu cadeeneeyso Kulamadii ugu dambeeyey iyaga oo Darsin Goolal ah ku badinayey weliba soo bandhigay Baasas dhameeystir leh. *** Dhanka Kooxda Manchester City oo Hogaanka u heeysa Horyaalka dalka Ingiriiska waxaa Bareejo 0-0 ah ku qabatay kooxda West Bromwich. Waa markii ugu horeeysay 18 kulan ka dib Xili Ciyaareedkaan oo ay Laacibiinta Lacagta badan laga soo baxshay ee Man City Garoonka ka baxaan iyaga oo aan wax Goolal ah Shabaqa ku hubsan. Manchester City Godkeeda Biyo kulul ayaa ugu soo galay waxaana Hogaanka ku heeysato Kooxda Shayaadiinta Cas cas ee ManU oo la soo degtay min 45-Dhibcood. Man City ayaa dhanka Goolal dhaliska ku horeeyso wexeeyna ilaa iyo hada dhaliyeen xili Ciyaareedkaan 53-Gool waxaana laga dhaliyey 15-Gool. Manchester Utd dhankeeda Xili Ciyaareedkaan wexeey dhaliyeen 47-Gool waxaana laga dhaliyey 14-Gool. *** Kooxda Fc Chelsea oo Laaciibiin Qatar ah ay u Ciyaaraan waxaa weli ka Dansan Korantada waxeeyna ka bixi la´yihiin Bareejo Raqiis ah. The Blues Fc Chelsea oo ku ciyaareeysay Garoonkeeda ayaa waxaa Bareejo 1-1 ah ku qabatay kooxda Fulham. Goolka kooxda Fc Chelsea waxaa u saxiixay Laacibka Qaranka Reer Spain Juan Mata,Dhanka Fc Fulham waxaa Goolka Bareejada u saxiixay Xiddiga Qaranka Mareeykanka Clint Dempsey. *** The Reds Fc Liverpool ayaa sidoo kale wexeey Gurigeeda Bareejo 1-1 ah kula galeen kooxda Horyaalka dalka Ingiriiska dhanka ugu hooseeya ka hogaamineeyso ee Blackburn Rovers. Xiddiga Qaranka Scotland Charlie Adam ayaa kooxdiisa Daqiiqadii 45-aad Gool ka dhaliyey waxaana Fc Liverpool u bareejeeyey Laacibka Reer Argentina Maxi Rodriguez Daqiiqadii 53-aad. Kooxda The Gunners Fc Arsenal ayaa lagu wadaa ineey Beri la Ciyaarto Naadiga Wolverhampton waxaana sidoo kale wada kulmi doona kooxaha kala ah Norwich Vs Tottenham iyo Swansea Vs Queens Park Rangers. HORYAALKA INGIRIISKA KOOXIHII KULMAY MAANTA AYAA ISKU MACSALAAMEEYEY QAABKAN:
Chelsea
Fulham
1:1
West Bromwich
Manchester City
0:0
Manchester United
Wigan
5:0
Liverpool
Blackburn
1:1
Bolton
Newcastle
0:2
Sunderland
Everton
1:1
HORYAALKA INGIRIISKA WAXAA LOO KALA HOREEYAA SIDAN: