Been ku xoog badanaa Bilisiyooniiste Andrea Pirlo ,* Qabiir Pirlo oo Banaanka ka toogtay Goosha iyo Xayeeysiintaan oo bahda Ciyaaraha Kubada cagta u cuntami weeysay (Halkaan ka Daawo Faanka Andrea Pirlo+Warbixin).
Mucjisada Bilisiyoonka ee u safta Kooxda Bianconeri (Juventus) iyo Qaranka Forza Azzurri (Italia) Andrea Pirlo ayaa Xayeeysiin uu sameeyey waxeey noqotay mid u cuntami waaysay Bahda Ciyaaraha Kubada cagta. Laacibiinta Caalamka waxeey Lacago fara badan ka cunaan Shirkado kala duwan balse Ciyaaryahan Andrea Pirlo oo xayeeysiin u sameeyey Shirkada Area12 oo dalka Talyaaniga caan ka ah waxa uu leeyahay Kubad aan Banaanka ka tuuray ayaa Gool noqotay xili ay ku dhacday Garoon Ciyaar ka dhex socotay taas oo sababtay in mar qura Garoonka ay Qeeylo iyo Sacab is qabsato maadaama Goolka Pirlo uu dhaliyay ay Taageerayaasha u maleeyeen in ay iyaga dhaliyeen !!. Andrea Pirlo markii uu kubadaan Banaanka Garoonka ka tuuray oo ay Taageerayaasha dabaaldegeen Afka ayuu qabsaday isaga oo leh : Allow ceeb astur Taageerayaasha Goolka aan u dhaliyay waxeey u maleeyaan mid ay iyaga dhaliyeen.(Been ku xoog badanaa Bilisiyooniiste Pirlo). Dhanka kale waxaa isna Xayeeysiintaan dadka ka yaabsaday Xiddiga kale ee Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Juventus Claudio Marchisio oo xili ay Injineerada Dhismaha ka sugayeen Dhagaxaan mar quraa Cagaf Cagaf ku keenay Kubado ama Banooniyaal fara badan oo aan loo dirsan wuxuuna intaas ka dib Laacib Claudio Marchisio qabsaday afka. Xayeeysiintaan waxaa maalin walba laga soo daayaa labada Tv ee ugu caansan dalka Talyaaniga waa Rai Uno iyo Rai Due (Seleziona ultimi giorni). Shirkadaha Xayeeysiinta ayaa marba kooxdii kacsan la safta. Sanadkii la soo dhaafay kooxda Ac Milan ayaa Lacag ka cuni jirtay balse hada Shirkadahaan intooda badan waxeey u wareegeen dhanka kooxda Juventus oo aan wali laga badin Horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga. Halkaan ka Daawo Faanka ama Bootada Bilisiyooniiste Andrea Pirlo >>> http://www.youtube.com/watch?v=PDSS-hT71P0&feature=player_embedded . WAX YAR KA DIB FILO WARARKII UGU DAMBEEYEY EE SUUQA KAWAANKA CIYAARTOOYDA OO LAGU KALA BAXAY IYO SAACADAHA SOO SOCDA OO LA XIRI DOONO SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOOYDA OO WAQTIGIISII UU DHAMAADAY !!