Maxaad ka Taqaan 10-ka Ciyaaryahan ee Champions League ugu Goolasha badan inta Taariikhda la ogyahay (Top scorers) ? Ku biiri Aqoontaada Sport.
Koobka The Uefa Champions League ayaa ah koobka ugu xiisaha badan dunida marka laga reebo Koobka Addunka iyo kan Qaramada Yurub oo inta badan kooxaha awooda ku leh Maslaxa kubada cagta eey fooda is daraan.
Gool dhalinta TheHistory of the Champions League ayaa hadba waxaa la Bililiqeeystaa Ciyaaryahanka xiligaas hogaanka u hayo Gooldhalinta Taariikhiga ah ee koobka Champion-ka. Hadaba waxaa ugu dambeeyey oo godkiisa biyo eey ugu soo galeen isbuucaan weeraryahanka kooxda AC Milan Filippo Inzaghi oo ku hogaaminaayey gooldhalinta Champions League 68-gool balse hada uu ka hormaray xiddiga caanka ah ee Ex Real Madrid Raúl González oo hada u safto kooxda Fc Schalke ee horyaalka Germany.
Raúl González ayaa ciyaartii doraad ee kooxda Fc Schalke uga badisay Naadiga Hapoel Tel Aviv 3-1 waxa uu u saxiixay labo ka mid ah goolasha eey Schalke ku badisay . Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=c6p1dEZ217Q.
Ugu dambeentii Taariikhda dhanka gool dhalinta ee koobka Uefa Champions League ayaa waxa eey Ciyaartooyda u kala horeeyaan sidan :
1.
Raul
Real Madrid, Schalke
70 Gool
2.
Filippo Inzaghi
Juventus, AC Milan
68 Gool
3.
Gerd Müller
Bayern München
62 Gool
4.
Andrej Schewtschenko
Dynamo Kiew, AC Milan
62 Gool
5.
Ruud van Nistelrooy
ManUnited, Real Madrid, HSV
62 Gool
6.
Thierry Henry
Arsenal, Barcelona
59 Gool
7.
Henrik Larsson
Feyenoord, Celtic, Barcelona
59 Gool
8.
Eusebio
Benfica
54 Gool
9.
Alessandro Del Piero
Juventus
52 Gool
10.
Alfredo Di Stefano
Real Madrid 50 Tore
50 Gool
OGEEYSIIN BAHDA XIRIIRIYE KU XIRAN: Waxaa galabta soo bixi doono Hal Xiraalaha Isbucaan oo maanta aad u xiiso badan inkastoo uu fudud yahay balse qaar badan oo Khabiiro Sport ah ayuu la adkaan doonaa ama Beerta ayeey ku geli doonaan. La socosho wacan wax yar ka dib Mahadsanidiin.