Luis Nani iyo Wayne Rooney oo Ciilkii ay ka soo qaadeen koobka Champions League kula dhacay kooxda Wolverhampton Wanderers ,* Kaptan Robin Van Persie Cid celisa ayaa la la´yahay iyo Xaaskiisa oo Qosol dhigtay,* Stamford Bridge oo lagu wado beri inuu isla Qiiqo >> Fc Chelsea Vs Manchester City (Faaqidaada Premier League)
Ka dib Fadeexadii ka soo qabsatay kooxda Shayadiinta Cas Cas (ManU) koobka Champions League oo bilowgiisa la soo reebay ayaa qaar ka tirsan Saxaafada dalka Ingiriiska wexeey qoreen ineey Laacibiinta kooxdaas la kulmi doonaan kulanka Wolverhampton Foori iyo buuq fara badan oo kaga yimaada Taageerayaashooda.
Arinkaas ma dhicin oo waxaa garoonka Old Trafford soo xaadirtay 75.627 Taageere oo Sacab ku soo dhaweeysay Xiddigaha The Red Devils Man Utd.
Manchester Utd ayaa 4-1 ku suul daartay kooxda Wolverhampton Wanderers waxaana Goolasha ku kala raaxeeystay Laacibiinta kala ah Luis Nani Daqiiqadii 17-aad iyo 56-aad, & Wayne Rooney Daqiiqadii 27-aad iyo 62-aad.
FIIRO GAAR AH: Luis Nani waa Goolashii ugu horeeysay oo uu dhaliyo 14 kulan ka dib : Wayne Rooney dhankiisa waa Goolashii ugu horeeysay oo uu ManU u dhaliyo 8-Kulan oo uu Horyaalka Ingiriiska ahaa Abaar goolal la´aaneed.
*** Xiddiga Qaranka Holland iyo Kooxda The Gunners Fc Arsenal Kaptan Robin Van Persie waxaa la la´yahay Cid celisa wuxuuna la soo baxay awood aad u balaaran ama farsameeysan.
Kaptan Robin Van Persie wuxuu qarka u saaran yahay inuu jabiyo Iskoorkii Laacib Thierry Henry sanadkii 2004 (Hal xili ciyaareed 34-Gools) . Hada waxa uu wataa Van Persia 33-Gool waxaana Iskoorkaas inuu jabiyo uga harsan 1-Gool oo kaliyah.
Kooxda The Gunners Fc Arsenal ayaa Guul ku dabaaldegtay Sanadguuradeedii 125-aad ka dib markii ay 1-0 iskaga reebtay kooxda Everton oo rabtay ineey Xanjo ku noqoto.
Goolka Fc Arsenal oo aad u Qurux badnaa waxaa Daqiiqadii 70-aad Shabaqa Fc Everton ku hubsaday Laacib mahare Kaptan Robin Van Persie .
" Waxaan Difaaceena kula taliyey ineey si weeyn iskaga ilaaliyaan Van Persie laakiin taas ma dhicin oo wuu ka dhaliyey Goolkii uu la rabay ayuu yiri Macalinka kooxda Fc Everton Mr. David Moyes oo aad ula yaabay qaabkii uu Van Persie goolka ku dhaliyey.
Bouchra waa Xaaska Laacib Van Persie waana Muslimad u dhalatay dalka Marooko wexeeyna Skysport u sheegtay Bouchra ineey ka yaaban tahay Mucjisooyinka Van Persie oo ay tiri Habeen iyo Maalinba waxa uu seexdaa kaliyah 3-Saacdood inta kale waqtigiisa wuxuu la Ciyaaraa wiilkiisa Curadka ah iyo Gabadhiisa wixii intaas dheer Guriga ma joogo oo wuxuu ku soo daahaa Tababarka Garoonka Emarates ayeey tiri xaaska Laacib Van Persie Mss Bouchra .
*** Habeen dambe Saacadu markeey tahay 21:00 Fiidnimo waxaa lagu wadaa kulan aad u adag inuu Garoonka Stamford Bridge oo ay ka taliso kooxda Fc Chelsea inuu ku dhex maro Naadiga Fc Chelsea iyo kooxda hogaanka u heeysa Horyaalka England ee Manchester City.
Shaki kumo jiro kulanka habeen dambe ee Stamford Bridge in la isku guuri doono maxaa yeelay Fc Chelsea waa cidiyo ku dirir oo waxaa booska Kaalinta 4-aad ee horyaalka Ingiriiska ka degay Van Persie iyo Ciidamadiisa Fc Arsenal halka kaalinta 3-aad ay 31-dhibcood ku xiratay Tottenham oo maanta kulanka Stoke City uu u harsan yahay.
Dhanka Man City Ceebtii Champions League ka soo gaartay ayeey rabtaa ineey iska dhaqdo wexeeyna sidoo kale ka carareeysaa Dariskeeda Shayaadiinta cas cas oo 2-Dhibcood u soo jirsaday.
Fc Liverpool Queens Park Rangers ayeey 1-0 ku dar dartay waxaana Goolkaas agoonka ah u saxiixay Xiddiga ay Saxaafada Caalamka ugu magaca dareen Quuqlaha ama Sheeydaankii Qaniinyada waa Luis Suarez.
Wargelin & News : kooxda Man City wexeey diiday ineey Weeraryahan Carlos Alberto Tevez Ac Milan amaah ku siiso. Man City ayaa dooneeyso beec toos ah oo ka soo laabasho laheeyn wexeeyna taas kuu cadeeneysaa Naceeybka ay u qaadeen maamulka Man City Ciyaaryahan Carlos Tevez oo dhib fara badan ku haya.
*** Vidic oo Ciyaartii Fc Basel Vs Man Utd Jilibka ka dhaawacmay wuxuu Man Utd ka maqanaan doonaa dhoor bilood sidaas waxaa la soo dhigay Home-beejka ManU
HORYAALKA ENGLAND KOOXAHA WEXEEY KU KALA BEXEEN INTII CIYAARTAY NATIIJADAAN :
| SABDI : |
| Manchester United |
Wolverhampton |
4:1 |
| Arsenal |
Everton |
1:0 |
| Liverpool |
Queens Park Rangers |
1:0 |
| West Bromwich |
Wigan |
1:2 |
| Norwich |
Newcastle |
4:2 |
| Bolton |
Aston Villa |
1:2 |
| Swansea |
Fulham |
2:0 |
| AXAD : |
| Sunderland |
Blackburn |
14.30 |
| Stoke |
Tottenham |
17.00 |
HORYAALNKA ENGLAND WAXAA LOO KALA HOREEYAA QAABKAAN :
| 1. |
Manchester City |
14 |
12 |
2 |
0 |
48:13 |
38 |
| 2. |
Manchester United |
15 |
11 |
3 |
1 |
35:14 |
36 |
| 3. |
Tottenham Hotspur |
13 |
10 |
1 |
2 |
29:16 |
31 |
| 4. |
Arsenal |
15 |
9 |
2 |
4 |
31:23 |
29 |
| 5. |
Chelsea |
14 |
9 |
1 |
4 |
31:17 |
28 |
| 6. |
Liverpool |
15 |
7 |
5 |
3 |
18:13 |
26 |
| 7. |
Newcastle United |
15 |
7 |
5 |
3 |
21:19 |
26 |
| 8. |
Aston Villa |
15 |
4 |
7 |
4 |
18:19 |
19 |
| 9. |
Norwich City |
15 |
5 |
4 |
6 |
24:28 |
19 |
| 10. |
Stoke City |
14 |
5 |
3 |
6 |
14:23 |
18 |
| 11. |
Swansea City |
15 |
4 |
5 |
6 |
16:20 |
17 |
| 12. |
Everton |
14 |
5 |
1 |
8 |
15:18 |
16 |
| 13. |
Queens Park Rangers |
15 |
4 |
4 |
7 |
15:26 |
16 |
| 14. |
Fulham |
15 |
3 |
6 |
6 |
16:18 |
15 |
| 15. |
West Bromwich Albion |
15 |
4 |
3 |
8 |
14:23 |
15 |
| 16. |
Wolverhampton Wanderers |
15 |
4 |
2 |
9 |
16:28 |
14 |
| 17. |
Wigan Athletic |
15 |
3 |
3 |
9 |
14:29 |
12 |
| 18. |
Sunderland |
14 |
2 |
5 |
7 |
16:17 |
11 |
| 19. |
Blackburn Rovers |
14 |
2 |
4 |
8 |
21:32 |
10 |
| 20. |
Bolton Wanderers |
15 |
3 |
0 |
12 |
20:36 |
9 |
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)