Robin Van Persie " Thierry Henry waa Xiddig aad u fur furan waana ku soo dhaweenayaa Naadiga Fc Arsenal, 2007 Warkii ay Saxaafada naga qortay wuxuu ahaa isku dir iyo Been abuur la dhoob dhoobay (Wareeysi By CanalPlus)
" Dabcan si weeyn ayaan Henry halkaan ugu soo dhaweenayaa waana Xiddig aad u fur furan oo la qabsan kara dhamaan Ciyaartooyda oo idil ayuu yiri Weeraryahanka Qaranka Holland iyo kooxda Fc Arsenal Robin Van Persie oo u waramayey Tv-ga Canalplus oo laga leeyahay dalka Faransiiska.
Laacib Robin Van Persie wuxuu mar kale Beeniyey war ay Saxaafada Sportiga ka qortay Ciyaartooyda Naadiga Fc Arsenal Sanadkii 2007 kaas oo ahaa inuu Ciyaartooyda Fc Arsenal madaxa ka heeystay weeraryahan Thierry Henry markii uu u wareegay kooxda Barcelona-na mar qura la arkay Laacibiin badan oo kooxda Fc Arsenal u soo baxday.
Saxaafada dalka Ingiriiska wexeey xiligaas qoreen weeraryahan Thierry Henry inuu madaxa kaga taagnaa ama sabab u ahaa ineey soo shaac bixi waayaan Laacibiinta kala ah Cesc Fabregas, Samir Nasri, Van Persie iyo Theo Walcott.
Henry oo u wareegay sanadkii 2007 dhanka kooxda Fc Barcelona ayaa Saxaafada dalka Ingiriiska wexeey kaloo xiligaas ka qortay inuu ahaa Laacib is mahdiyey oo Kubada ka dili jiray Naadiga Fc Arsenal maadaama uu ahaa Xiddig mar kasta isla raba in kubada loo paaso ama Xukumo.
Laacib Robin Van Persie oo arintaan ka jawaabayey waxa uu yiri sidan " Warkaas waxa uu ahaa been Shaqsi laga qoray oo weliba mara awaal ah maxaa yeelay cid kasta weey ogtahay Henry inuu yahay Ciyaaryahan fur furan oo Farxad badan ,Warka nuucaas ah dad ayaa Lacag ku qaatay sidii ay Shaki u kala gelin lahaayeen Ciyaartooyda Fc Arsenal,,
Ugu dambeeyntii weeraryahan Thierry Henry ayaa lagu wadaa mudo 2 bilood ah inuu kooxda The Gunners Fc Arsenal ugu Ciyaaro si Bilaash ah maadaama Horyaalka uu ka ciyaaro ee Mareeykanka lagu jiro fasax gaabaan wuxuuna Henry go´aansaday intii uu 2 Bilood meel fadhin lahaa ineey la wanaagsanaatay sidii uu ku Caawin lahaa kooxda Fc Arsenal oo uu ku sheegay mid kaga taal dhanka Wadnaha !!.