Kooxda Newcastle oo soo aruursatay Weeraryahanada Qaranka Senagal ee awooda ku heeystay Horyaalka Germany,*Kulankii isku celiska ahaa ee buuqa badan dhaliyey oo Ajax Gurigeeda si La Yaab ah loogu tumay & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News.
*** Kooxda Newcastle United ee horyaalka Ingiriiska wexeey ku faaiday Weeraryahanada cusub ee Qaranka Senagal kuwooda wacdaraha ka dhiga Horyaalka Bundesligaha dalka Jarmalka.
Demba Ba waa Xiddigii Kulankii Newcastle Vs Man Utd quusiyey kooxda Shayaadiinta Cas Cas wexeeyna Newcastle ka soo iibsatay kooxda Hoffenheim oo ka dhisan hooryaalka Bundesligaha dalka Germany . Newcastle United oo u aragta Fursad qaali ah oo looga faaideeysan karo Ciyaalka yar yar ee u soo baxay Qaranka Senegal wexeey iminka mar kale la soo wareegtay Weeraryahan Papiss Demba Cisse oo Horyaalka Germany Sanadihii ugu dambeeyey wacdaro ka dhigayey.
Papiss Demba Cisse wuxuu ka yimid dhanka Kooxda Freiburg wexeeyna Newcastle kula soo wareegtay Aduun lagu sheegay 12 Milyan oo Euro. Weeraryahan Papiss Demba Cisse oo Horyaalka Germany saftay 65 kulan wuxuu kooxdiisa Freiburg u saxiixay 37 Gool waana 26 jir dhanka weerarka kooxaha waa weeyn qoorta u gali jiray.
***Kulankii Mucjisada ahaa ee dhexmaray kooxaha Ajax Amsterdam Vs Alkmaar oo 21-kii bishii Dezembar ku dhamaaday Dagaalka iyo Fadeexada ayaa isku celiskiisii oo maanta dhacay waxaa Garoonkeeda lagu Qararamsaday kooxda Ajax Amsterdam.
Ciyaartaan oo ku dhamaatay 2-3 oo ay Guushii ku raacday kooxda Alkmaar waxaa Garoonka Ajax laga mabnuucay inuu soo xaadiro hal Taageere balse Garoonka ayaa kulankii maanta waxaa soo xaadiray ama loo ogolaaday Ciyaal Iskuuleey tiradooda lagu sheegay 20.000 balse da´dooda ay ka hooseeysay 13 jir >> (Alkmaar die Wiederholungspartie bei Ajax Amsterdam am Donnerstag mit 3:2. Die Partie wurde vor 20.000 Schulkindern unter 13 Jahren bei freiem Eintritt gespielt.
Kulankaan oo ahaa koobka dalka Holland markiisii hore oo uu Qalalaase ku dhamaaday waxaa xiligaas Ciyaarta ku hogaamineeysay 1-0 kooxda Ajax balse Garoonka markii uu soo galay Taageere Ciyaal suuq ah oo Ciyaartii banaday waxeey Xiriirka dalka Holland go´aamiyeen in dib la iskugu celiyo labadaan kooxood.
*** Xulka Qaranka Wales oo Bilihii ugu dambeeyey murugo la jiifay ka dib markii uu is Dilay Macalinkoodii Gary Speed 27-kii bishii Novembar sanadkii 2011 ayaa waxaa iminka si toos ah Tababare loogu magacaabay Macalin Chris Coleman.
Tababare Chris Coleman oo 41 jir ah wuxuu horay u soo leeyliyey kooxaha kala ah Fulham, Coventry City iyo Real Sociedad San Sebastian.
***Jaraaidka ugu waa weeyn dalka Spain wexeey si aan horay looga baran u daba dhigteen Difaaca Real Madrid oo ay ku Tilmaameen Wasqaan qas ka dhex wada Garoomada dalka Spain. Pepe ayaa lagu heeystay inuu si ula kas ah Gacanta ama faraha uga istaagay Leo Messi oo xiligaas dareemay xanuun aad u daran maadaama Kabaha Pepe ay ahaayeen kuwo leh Biraha Taakada loo yaqaan ee Caawska Garoonka loogu tala galay.
3 sano ka hor ayeey eheed markii Pepe qalad uu galay dartiis Horyaalka La Liga looga mabnuucay inuu safto 10-kulan oo xiriir ah. Dhanka kale Ciyaartii Real Madrid Vs Fc Barcelona (1-2) kulankaas markii uu dhamaaday ka dib Taageerayaal careeysan oo Reer Real Madrid ah wexeey ku hor Banaanbaxeen Xafiiska kooxda Real Madrid kuwaas oo caay raaxada uga qaaday Macalin Jose Morinho oo ay ku eedeeyeen ineey iska baratay kooxda Fc Barcelona. >> (Pepe stellt seine schauspielerischen Fähigkeiten theatralisch unter Beweis. Real-Trainer Jose Mourinho suchte nach der 1:3-Schlappe im Punktspiel vor gut fünf Wochen sein Heil in einer Mauertaktik, auch wenn das einen Verstoß gegen das Selbstverständnis des Vereins bedeutete: Das Publikum im Bernabeu-Stadion erwartet, dass die ?Königlichen" auf Angriff spielen. Die Zuschauer pfiffen das Team aus, das Sportblatt ?Marca" titelte: ?Real verrät seine Geschichte.) <<