Maxaad ka Taqaan 6-Ciyaartooy oo uu soo caan bixiyey Boqorka Kubada Cagta ee Pele?, Robinho oo Ciyaal ah & Waalidka dhalay Daawo, Ku biiri Aqoontaada Sport & Aqri Warar kale oo News ah (Halkaan ka Daawo Goolasha 6-da Laacib ee Pele Maslaxa Kubada cagta keenay)
Ex-Player Ninka sida weeyn loogu aqoon sanyahay inuu ahaa Mucjisadii iyo Boqorkii kubada Cagta ee Dunida soo maray Pele oo hada aan ka daalin soo saarista Ciyaartooyda Mustaqbalka ee Dalka Brazil ama kuwa ka yaabiya Caalamka ee Casriyeeysan ayaa waxaa Mucjisooyinkiisa soo ban dhigay jaraaidka Daily Mirror.
Ciyaartooyda uu Pele Xaqa weeyn ku leeyahay waa 11-Laacib oo ilaa iyo hada ku kala yaacsan Dunida kana ciyaara Naadiyo ama Horyaalada ugu waa weeyn Caalamka.
Laacibiintaas 11-ka ah marka laga soo tago Akhristoow ayaa waxa si weeyn ilaa iyo hada Xaalada Mr.Pele ula socda ama Aabe camal uu u yahay 6-Laacib oo waa weeyn dhamaan Caalamka oo idilna laga wada yaqaan, ciyaartooydaas ayaa waxaa ka mid ah sidan:
1-Robinho 2- Kaka 3-Ronaldo 4-Roberto Carlos 5-Alex da Saoza 6-Meicon.
Akhristoow dhamaan Ciyaartooydaan oo markoodii hore xaalad adag oo Faqiirnimo ku soo koray ama ku noolaa ayaa waxaa gacan qabtay oo si weeyn qarashka iyo horumarka Kubada cagta ka dabaray Ex-Player Boqor Pele oo aaqiritaankii ku guuleeystay ineey wax noqdaan ama wax taraan reerahooda oo faqri weeyn ku soo karay balse hada Daarahooda eey Dabaqyo dhaleen ama eeysan aqoonba tirada Dabaq ee Brazil eey ka dhisteen inta tiro eey tahay.
Pele oo weli aan ka daalin soo caan bixinta Ciyaalka yar yar ee Mustaqbalka ayaa hada waxa uu ku Mashquulsan yahay 2-Laacib oo aad Video-ga ka arki doontaan.
Ugu dambeentii Halkaan ka Daawo Robinho iyo Familkiisa oo Pele uga mahad celinaayo sida wiilkooda uu Laacib Dunida oo dhan laga yaqaan uga dhigay iyo weliba Laacib Robinho oo ilaa yaraan tiisii lagu sheegay Ciyaaryahan add u qosol badan oo eey Jeclaayeen dhamaan Tababarayaasha : http://www.youtube.com/watch?v=3gMVCUQIgko&feature=rec-LGOUT-exp_fresh+div-1r-5-HM
Halkaan ka Daawo Meicon Difaaca Inter & Qaranka Brazil oo Pele uu xitaa Guri weeyn u dhisay Meicon Reer kiisa oo dhibaatooyin Beniaadanimo ku soo karay hadana ka mid ah Taajiriinta Lugtooda ka maalay Lacagta in kastoo pele uu lahaa Abaal kaas : http://www.youtube.com/watch?v=aySv8bM_a9I
Xiriiriye World Sport News oo Saacadaan aanu si Live ah Daawaneyno ayaa waxaa Koobka Super Cup-ka dhulka lagu jiiday oo labo cad laga dhigay Kooxda weeyn ee Inter oo Guusha isa siisay iyada oo yaseeysay Naadiga Atlantico Madrid oo wadatay Xiddigii qaaday Laacibnimada World Cup 2010 iyo tan Dalkiisa hooyo Diego Forlan & Laacibka qaba Gabadha Diego Armanda Maradona waa Sergio Aguero.
Koob-kaan oo aalaaba loo dhigo kooxda soo qaada The Uefa Champions League iyo Ex-Uefa-Cup oo hada magacii laga badalay loona bixiyey Europa League ayaa waxaa 2-0 ku badisay Naadiga At.Madrid oo goolasha eey u kala dhaliyeen Xiddigaha kala aha Sergio Aguero & Reyes waxaana Inter Rigooro 90-kii daqiiqo ee dhamaadka ciyaarta ka qasaariyey Weeraryahan Diego Milito oo eey shalay gudiga Uefa siiyeen Bilada Laacibka Champions Leagua-hii tagay ee Inter qaaday. Halkaan ka Daawo Kulan kii kii ugu dambeeyey ee Ciyaartaas : http://www.youtube.com/watch?v=5eoVXLeGDL0
Inta Badan Koobkaan Super Cup-ka ah ayaa waxaa Caalamka looga yaqaan Sidan : Koobka Jabhada !! waxaana qaado oo ku guuleeysato Kooxda ka timid Uefa-Cup-ka ama Europa-liga sida aad u taqaan in kastoo kii ugu dambeeyey Kooxda Barcelona yaa allah iyo naf uga qaaday Kooxda Schaktar Donyesky oo ka socotay Dalka Ukraine halka kii ka sii horreyey Manchester Utd dhulka lagu jiiday oo eey ka qaaday Kooxdii Ruushka ka socotay ee St.Petresburg.
Koobkaan ayaa loo dhigaa kii soo badiyaa Uefa-ha iyo kan qaada Champion-ka waxaana Uefaha Atlantico Madrid ka soo qaaday Kooxda Fulham oo England ka socotay halka Inter eey Champions League eey 2-0 ku soo qaarajisay Kooxda Bayer München.
Waxaa kaloo Cusub Xiriiriye World Sport News: Kooxda -Bayer München ee horyaalka Germany oo guul daradii ugu horeeysay dhabarka loo saaray.
Kooxda ka soo laabatay Horyaalka jarmalka heerkiisa 2-aad ee Kaiserslautern ayaa si lama filaan ah u ceebeeysay Laacibiintii isku tagtay ee Kooxda Bayer München wexeena uga badiyeen 2-0 .
Dhanka Beeca Ciyaartooyda iyo Kaawanka lagu Qalo Laacibiinta ayaa waxa uu Xiriiriye World Sport News-Sports helay sidan:
Corriere Dello Sport ayaa xaqiijiyey in Weeraryahanka Kooxda Manchester City iyo Qaranka Paragauy Roque Santa Cruz uu 8-milyan oo Euro ku soo iibsatay Kooxda Lazio oo ka dhisan Magaalada Roma.
Waxaa kale oo uu sheegay Corriere Dello Sport in Ciyaaryahan David Trezeguet eey kula wareegtay Kooxda Hercules Adduun gaaraya 4,5 Milyan oo Euro.
Corriere Dello Sport oo aad looga xiiseeyo Qoraaladiisa Dunida oo dhan ayaa ugu dambeentii soo ban dhigay in Kooxaha Napoli iyo Juventus eey Ciyaartooy muhiim ah kala badalanayaan kuwaas oo u wada Ciyaara Qaranka Italy waana Laacibiinta kala ah Fabio Grosso iyo Fabio Quagliarella.
Wargeeyska ayaa sheegay in Wakiilka Fabio Quagliarella oo lagu magacaabo Giuseppe Bozzo uu hada ku sugan yahay Xafiiska Kooxda Juventus oo looga yaqaan Dalka Talyaaniga Bianconeri iyo Marwadii Da´da aheeyd.
Filo Goor dhaw Barnaamishka La Yaab : oo xiligaan uu ku socdo Tarjumis weliba waxa uu xambaarsan yahay Xiiso gooni ah ! Dhanka kale la soco Cod bixintii Goolkii ugu wanaagsanaa ee World Cup 2010 oo si weeyn u socoto waxaana Mahad mudan Aqristayaashii sida weeyn uga qeeyb qaadatay oo qaar ka mid ah eey noo soo raaciyeen Cod bixintooda Qoraalo si weeyn nooga qosliyey oo weliba qaar eey naga codsadeen in Laacibka eey jecel yihiin laga sheekeeyo Taariikhdiisa in kastoo Shabakada Xiriiriye iyo Bahda Xiriiriye eeysan Jecleeyn hal Ciyaaryahan oo kaliyah balse sida warar keena aad kala socotiin ee idiinkaga cad waxaanu wada Jecel nahay All Football-Stars !! Mar Labaad aad ayaad ugu Mahadsantiihiin Amaantiina iyo dhiirigelintiisa Taariikhda Mudan !