La Yaab : Ciyaaryahan caan ah oo la ganaaxay 100.000 Euro ka dib markii uu Tageere ka tirsan kooxdiisa uu Caagaga eey biyaha ku qaataan Ciyaartooyda Wajiga kala dhacay ( Halkaan ka Daawo fadeexadaan)
Barnaamishka La Yaab oo ah kan eey ugu Jecel yihiin Akhristayaasha ku xiran www.xiriiriye.com maadaama aan Home-Pige-ka Shabakada Xiriiriye kala socono hadba meelaha eey sida weeyn u xiiseeyaan Akhristayaasha ayaa waxaanu maanta idinku heeynaa Fadeexo iyo Ganaax cusub oo faraqa loo geliyey Ciyaaryahan caan ah. La Yaab ayaa sida aad uga barateen waxa uu wataa xili kasta Cadeeymo buuxa sida Sawiro iyo Video-Daawasho ah.
Waxaa soo gaba gaboowday dacwadii ku socotay xiddiga Qaranka Peru iyo kooxda Hambrug ee horyaalka Germany Paolo Guerrero . Dacwadaan oo bilooyin qaadatay ayaa waxaa lagu heeystay Weeraryahan Paolo Guerrero in uu Caag Biyo eey ka buuxaan oo nuuca ciyaartooyda Tababarka u qaadato ah uu Wajiga kaga dhuftay Taageere ku qeeylinaayey : kooxda lacag badan ayaad ka qaadantaan Bareejo ayaadna ka bixi la dihiin ee Garoonka Dumarka u baneeya ha idin badalaan si iyaga eey guusha kooxda u keenaan.
Intaas ka dib waxaa xanaaqay oo is celin waayey weeraryahan Paolo Guerrero oo si laab ah wajiga kaga helay Taageerihii xanaaqsanaa caag biyo eey ka buuxaan oo nuuca Ciyaartooyda Tababarka u qaataan ah.
Xiriirka Kubada cagta ee Horyaalka Jarmalka ee Bundesliga ayaa sheegay in go´aanka Maxkamada eey gaartay uusan ka noqosho laheeyn oo uu yahay mid uu u qalmo Paolo Guerrero in la ganaaxo Lacag ka sii badan inta uu hada ganaaxa u muteeystay ee 100.000 Euro.
OGEYSIISIIN : Waxaa maanta gelinka dambe la soo bandhigayaa Jawaabtii hal xiraalihii ugu dambeeyey ee ciyaaryahanka ugu qaalisan Dunida marka la isku daro kooxaha eey ciyaartooyda u kala badashaan. waxaana si aan caadi aheeyn Daaqada uga baxay Akhristeyaal iyo Khabiiro kale oo Sport, kuwaas oo Laacibiin qalad ah Hobseet ku galay soona diray Jawaabo qaldan.
Waxaad kaloo filataa Faaqidaada Champions League iyo Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport oo maanta xambaarsan sidan: (maxaad ka Taqaan 20-Difaac oo eey si weeyn uga cabsadaan Weeraryahanada Horyaalada England, Italy, Spain, Germany, Holland, & France? )