WORLD SPORT NEWS : Alexandre Pato oo Balaayo ku dhigay Paris Saint-Germain, 35 Milyan oo Euro ayaa soo raadsatay, ka dib muxuu sameeyey?,*Difaacii dhanka Bidix ee kooxda Fc Barcelona Maxwell oo kooxdaas ka tagay, Yaa iibsaday ? (Top Sport News)
*** Laacibka Qaranka Brazil iyo kooxda Rossoneri ee Ac Milan Alexandre Pato ayaa waxa uu ka yaabsaday Bahda Sportiga ka dib markii uu kooxda Paris Saint-Germain ku dhigay lama arag iyo lama maqal.
Maalmihii la soo dhaafay labada kooxood ee Ac Milan iyo Paris Saint-Germain waxaa u socday wada hadal ugu dambeeyntii noqday mid lagu heshiiyey kaas oo ahaa inuu Laacib Alex Pato u wareego dhanka kooxda Paris Saint-Germain ka dibna Ac Milan farta laga saaro 35 Milyan oo Euro.
Waxaa kaloo lagu heshiiyey Pato inuu Mushaar ahaan sanad kasta u qaadan doono 7-Milyan oo Euro bale Heshiiskaan ay gaareen kooxaha Ac Milan iyo Naadiga Paris Saint-Germain waxaa Fashiliyey oo birta iskugu dhuftay Laacib Alex Pato oo yiri sidan >> (Ich bleibe hier. Ich möchte meine Karriere hier nicht abbrechen. Milan ist mein Zuhause", stellte Pato)
" Meelna uma socdo, halkaan ayaan joogayaa,Waxaan dareemayaa Milan ineey tahay sidii gurigeeyga oo kale, Haa Go´aankeeyga aan ka laabashada leheen waa sidaas, waqtigeeyga halkaan ayaan ku dhameeysan doonaa,,
Pato wuxuu u yimid Naadiga Ac Milan sanadkii 2007 isaga oo xiligaas 18 jir ahaa iminkana waa 22 jir diiday 35-Milyan oo Euro in lagu iibsado weliba sanadkaste uu Mushaar ahaan u qaato Aduun gaaraya 7-Milyan oo Euro .
Ciyaaryahan Alex Pato waxaa la sheegay ineey Maskaxda ka degtay ama ka qabsatay Gabar uu dhalay Maalqabeenka Naadiga Ac Milan Mr.Silvio Berlusconi Gabadhaas oo lagu magacaabo Barbara Berlusconi (Fiiri Sawirka bogaan kore ). Qasaarada ugu weeyn wexeey qabsatay Macalinkii hore ee kooxda Ac Milan Mr.Carlo Ancelotti oo xiligii Fc Chelsea ku hungoobay la soo wareegista Alex Pato hadane mar kale Ceeb kala kulmay helista weeraryahankaan qatarta ah >> (Der kolportierte Wechsel von Alexandre Pato zu Paris Saint-Germain hat am Donnerstag für ein Verwirrspiel gesorgt. Wie gewöhnlich gut informierte französische Medien unter Berufung auf eine Vereinsquelle berichteten, war der Wechsel des 22-Jährigen vom AC Milan zum Traditionsclub um 35 Millionen Euro bereits so gut wie fix, ehe Pato alles platzen ließ,sagte der Brasilianer, der bei PSG sieben Millionen Euro pro Jahr verdienen hätte sollen).<<
Macalin Carlo Ancelotti ayaa lagu wadaa inuu booska Pato ku buuxiyo ama la soo wareego Weeraryahanka Qaranka Argentina iyo kooxda Ac Milan Carlos Alberto Tevez.
*** Kooxda Fc Barcelona wexeey iska iibisay Difaaceeda dhanka Bidix waa Laacib Maxwell oo Qandaraas ku kacaya ilaa Bisha Juun Sanadka 2015-ka u saxiixay kooxda Paris Saint-Germain. Ciyaaryahan Maxwell waxaa lagu soo iibsaday Aduun gaaraya 7-Milyan oo Euro.
*** Saadaashii Xiriiriye.com oo Perfect noqotay ka dib markii ay si toos ah iskugu dheceen kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona El Clasico. Fc Barcelona wexeey 1-2 ku soo tuntay kooxda Osasuna waxana goolasha u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Alexis Sanchez daqiiqadi 47-aad iyo Sergi Roberto Daqiiqadii 72-aad. Kulankaan oo ahaa koobk dalka Spain waxaa lagu wadaa ineey Ciyaar kulul dhex marto kooxaha Real Madrid Vs Fc Barcelona oo isku dhacay.
***Kaptanka kooxda Fc Liverpool The Reds Steven Gerrard oo 31 jir ah wuxuu kooxdiisa u saxiixay Heshiis cusub Qandaraaska loogu kor dhiyey.
Ciyaaryahan Steven Gerrard wuxuu kooxda Fc Liverpool ku soo biiray Bishii Novembar Sanadkii 1998-kii kaas oo ilaa hada u saftay 566-kulan.