La Yaab : Alexandre Pato Xiddig Jabiyey Iskoorka iloowshaha , Maxaad kala socotaa Nolashiisa Naadiga AC Milan iyo War Bixintii uu ka qoray La Gazzetta dello Sport (Halkaan ka Daawo Goolashiisa kuwii ugu Wanaagsanaa)
Xiddiga kubada cagta ee kooxda Ac Milan iyo Qaranka BrazilAlexandre Rodrigues da Silva Pato ayaa waxaa uu Jabiyey Taariikhda inta la ogyahay Iskoorka Hilmaamshaha ee soo maray Ciyaartooyda kubada cagta ee Caalamka. Pato waxa uu Isbuuc walba ku iloobaa Qalab kala duwan meelaha eey ku Tababartaan Ciyaartooyda kooxda Ac Milan iyo weliba Qaranka dalkiisa ee Brazil. Arinta Alex Pato ayaa Isbuucaan waxaa War bixin dheer ka qoray Jaraaidka dhanka Sportiga ugu Afka dheer dalka Talyaaniga eeLa Gazzetta dello Sport. Pato ayaa sheegay dhibaatada Hilmaamshaha inuu qabay ilaa yaraantiisii wuxuuna xiliyadii ugu dambeeyey uga soo dhex kacay Tareemada iyo Diyaaradaha uu ku safro qalab kala duwan oo aad muhiim u ahaa sida Mp3 & 4, Mopilada gacanta, Cd-yo Muhiim ah iwm. La Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in Alex Pato Masuul looga dhigay mudo 2-bilood kor u dhaafeeyso inuu soo aruuriyo ama soo celiyo Kubadaha/Banooniyaasha eey ku tababartaan ama ku Aalamiiteeyaan kooxda Ac Milan taas oo sabab looga dhigay ka hor tagista iloowshihiisa faraha badan ee mar mar sababto inuu xitaa kubadiisa qaaska ah iyo Saacadiisaba ku soo hilmaamo meesha Tababarka Jaraaidka oo soo bandhigay Sawiro aad loola yaabay kuna sheegay in Pato Daawadiisa eey tahay xiliyada uu Diyaaradaha iyo Tareemada ku safraayo inuu Alaabihiisa Muhiimka ah korka saarto hadii kale uusan ku aamini karin inuu dhigto agtiisa maadaama uu inta badan uga soo kaco meesha uu fadhiyey. Macalinka kooxda Ac MilanMassimiliano Allegri ayaa Alex Pato waxa uu mar mar kula kaftamaa isaga oo Pato Telfoonkiisa gacanta Jeebka ugu jiro inuu yaalay ama saarnaa Miiska qadada taas oo isla markiiba uu Pato gacantiisa baaris kula dhaqaaqo dhanka Jeebkiisa. Waabsiga uu TababareMassimiliano Allegri ku haayo Ciyaaryahan Pato ayaa wexeey kuu cadeeneeysaa dhiibaatada uu kala kulmo iloowshaha xad dhaafka ah xiddigaas.
Dhanka kale kooxda Ac Milan ayaa waxaa guuldaro 0-1 ah gurigeeda dhabarka u saartay Kooxda As Roma iyo Xiddigeedi hore Mark Borriello oo xili ciyaareedkaan u wareegay kooxda As Roma isaga oo ka yimid dhanka Ac Milan. Halkaan ka daawo Goolkii milan looga badshay :http://www.youtube.com/watch?v=UY37_YpYvl8&feature=player_embedded.
Kooxaha Juventus iyo Napoli ayaa lagu wadaa ineey ka faaideeystaan Jilaafada eey Roma la heshay Ac Milan, Juventus ayaa aadeeyso guriga Chievo Verona halka Napoli eey u imaan doonto kooxda Lecce.