Gazzetta dello Sport " Inter Milan oo Xaraarad u yeeshay Horyaalka Talyaaniga iyo Taageerayaasha kooxda Ac Milan oo ka kala dhuuntay Goobihii lagu caweeyn jiray ee ku dhegnaa Garoonka Meazza-Stadium,, *Inter Milan oo 25 Milyan oo Cash ah ku dooneeysa Carlos Alberto Tevez (Warar Tarjuman oo Top ah + WORLD SPORT NEWS)
*** Goobaha lagu caweeyo iyo Maqaayadaha laga Cunteeyo ee ku Dhegan Garoonka Meazza-Stadium waxaa ku baaray Raashin aad u fara badan iyo Kaluun ay sameeyeen ka hor intii uusan dhicin Kulankii Derby-ga ahaa ee dhex maray kooxaha Ac Milan Vs Inter Milan ayuu yiri Jaraaidka Gazzetta dello Sport.
Ciyaar kasta marka ay soo dhamaato Taageerayaasha kooxda Rossoneri wexeey iyaga oo buuqaya ku caween jireen Maqaaxidaas balse kulankii Inter oo 0-1 looga badiyey Ac Milan waxa uu sababay ineey Ciyaartaas Madax xanuun ka qaadaan ka dibna u kala dhuuntaan Guryahooda ama aqaladooda.
Waa jirtaa marar badan oo laga badiyey Ac Milan laakiin Guuldaradaan wexeey eheed mid aad u xanuun badan maxaa yeelay Ac Milan oo adag wexeey ku tashanayeen 3-dhibcood oo Nadiif ah wexeeyna si weeyn u yasayeen Inter Milan oo ay u arkayeen Naadi Beerta ku jira oo si sahlan Dhibcaha looga xayuubsan doono.
Ciyaarta markii ay dhamaatay dhamaan Laacibiinta The Rossaneri Ac Milan Saxaafada weey ka kala dhuunteen wuxuuna Xiddig kasta ka cararayey in dusha laga saaro ceebtii iyo Guuladaradii dhabarka loo saaray.
Magaalada Milaano oo ay ka wada dhisan yihiin kooxaha Ac Milan iyo Inter Milan waxaa ilaa Saqdii dhexe Wadooyinka buuqayey oo dabaaldeg balaaran ku jiray Taageerayaasha kooxda Inter Milan oo inta badan Guuldaro kala kulma Dariskooda The Rossoneri Ac Milan.
Ugu dambeeyntii kooxda Anazurri wexeey Xaraarad u yeeshay horyaalka Talyaaniga ayuu leeyahay Jaraaidka Gazzetta dello Sport : >> (Inter macht die Meisterschaft wieder spannend", titelte die ?Gazzetta dello Sport" am Montag.)<<
*** Masuulka 2-aad ee ugu sareeya Naadiga AC Milan Mr.Adriano Galliani isaga oo Qancinaya Taageerayaasha Ac Milan waxa uu ku yiri Jaraaidka Corriere dello Sport sidan " Hadii halmar nalaga badiyey taas macnaheeda ma ahan ineey Milan Burburtay oo waxaan weli taaganahay Afka hore ,, >> ( Wir sind immer noch vorne dabei", stellte auch Milans Vizepräsident Adriano Galliani klar).<<
*** Gudoomiyaha kooxda Inter Milan Mr.Massimo Moratti wuxuu aad u amaanay Macalin Claudio Ranieri oo uu ku tilmaamay Tababare geesi ah oo kooxda Inter Milan ka soo qaaday Dhulka weliba si sax ah Hoowsha ku wada : >> (Ranieri hat immer alles richtig gemacht", lobte Inter-Präsident Massimo Moratti, und auch die Presse überschüttete den Coach mit Lobeshymnen. ?Dieses Inter hat das Zeug zum Titel", schrieb etwa der ?Corriere dello Sport).<<
*** Difaaca Qaranka Reer France iyo kooxda Catalonia Fc Barcelona Eric Abidal ayaa Qandaraaska kooxdaas loo kordhiyey waxaana laga dhigay ilaa sanadka 2013-ka. Eric Abidal waa Difaacyada loo yaqaan xanjada ama dheg dhega oo aan sida sahalka ah lagu dhaafi karin wuxuuna kooxda Fc Barcelona la qaaday 13 koob oo ay ku jireen 2 koobka Champions League ah.
Eric Abidal oo 32 jir ah sanadkii 2007-kii ayuu ku soo biiray kooxda Fc Barcelona wuxuuna Bishii Maarso ee sanadkii la soo dhaafay galay Qaliin halis ah oo dhanka Beerka looga sameeyey laakiin Nasiib wanaag wuxuu Garoomada ku soo laabatay 2 Bilood ka dib isaga oo Ciyaar kulul kala hor tagay kooxda Real Madrid : >> (Eric Abidal hat seinen Vertrag beim spanischen Meister FC Barcelona bis 2013 mit Option auf zwei weitere Jahre verlängert. Der französische Teamspieler kam 2007 zu den Katalanen, mit denen er seither 13 Titel - darunter zweimal die Champions League - gewann.
Im vergangenen März wurde dem 32-jährigen Verteidiger ein Tumor aus der Leber entfernt, nicht einmal zwei Monate später gab er im Champions-League-Semifinale gegen Real Madrid sein Comeback).<<
*** Horyaalka Ingiriiska kulankii harsanaa waxaa Faro Cidiyo leh ku baxsatay kooxda Manchester City oo Guri kale 1-0 uga soo badisay Naadiga Wigan. Goolka Agoonka ah waxaa Kooxda Manchester City u saxiixay Weeraryahanka Qaranka Bosnia Edin Dzeko Daqiiqadii 22-aad. Horyaalka Ingiriiska Kooxda Man City wexeey ku hogaamineeysaa 51-aad dhibcood ,Manchester United oo ku soo xigto wexeey leedahay 48-dhibcood, kaalinta 3-aad waxaa xiratay Tottenham oo kacsan wexeeyna leedahay 46-dhibcood.
***Waxaa si sharaf ah ku dhamaaday la soo wareegida Difaaca Qaranka England iyo kooxda Bolton Gary Cahill oo ay si toos ah Gacanta ugu dhigtay kooxda Fc Chelsea. Xiddigaan ayaa lagu wadaa inuu dhanka Difaaca dhexda ama zentaraalka ah ka caawiyo Laacib John Terry oo dhac dhiciisa batay.
Gary Cahill waa 26 jir wuxuuna Qaranka Ingiriiska u saftay 7-jeer waxaana laga soo bixiyey Aduun gaaraya 7 Milyan oo Lacagta Pfund ah una dhiganta 8,4 Milyan oo Euro : >> (Der Wechsel des englischen Teamspielers Gary Cahill von den Bolton Wanderers zu Vizemeister Chelsea ist seit Montag fixiert. Die Ablösesumme für den 26-jährigen Innenverteidiger, der bei den Wanderers noch bis Saisonende unter Vertrag gestanden wäre, beträgt laut Medienberichten sieben Millionen Pfund (8,4 Mio. Euro). Cahill absolvierte bisher sieben Länderspiele und soll im Chelsea-Abwehrzentrum ein Duo mit Kapitän John Terry bilden).<<
*** Kooxda Inter Milan oo Farxad meel ay dhigto la´ wexeey Guushii Ac Milan ka dib quurtay Lacag 25-Milyan ah oo ay ku doonayaan Weeraryahanka Man City iyo Qaranka Argentina Carlos Tevez .
Masuulka ama Boss-ka ugu sareeya kooxda Inter Milan Mr.Massimo Moratti waxa uu yiri sidan " 25 Milan oo cash ah ayaanu fara saar ku dooneeynaa Weeraryahan Carlos Tevez waa hadii ay na xurmeenayaan Maamulka iyo kooxda Man City.
Arintaan ayaa Shaki balaaran laga muujiyey maxaa yeelay Carlos Tevez waxaa markiisii hore Amaah ku dooneeysay Naadiga Inter ay Ifka iskugu neceb yihiin taas oo ah Dariskeeda Ac Milan waxaana loo qaadan karaa ku xumeeys ka dhan ah Ac Milan oo ka careeysan guuldaradii ku habsatay (Milan Vs Inter 0-1).
Tan iyo markii uu bur buray isku daygii lagu doonayey in Weeraryahan Alexandre Pato looga iibiyo Naadiga Paris St. Germain waxaa sii badanayey kooxda Ac Milan oo aan dan ka laheeyn soo xero gelinta Carlos Tevez maxaa yeelay awal wexeey ku fakarayeen ineey ku buuxiyaan booska uu faaruqiyo Weeraryahan Alexandre Pato.
Macalinka kooxda Inter Milan Mr.Claudio Ranieri oo bilaabay Sasabasho ka dhan ah Weeraryahan Carlos Tevez waxa uu yiri sidan "Hadii uu noo yimaado Carlos Tevez waxaan balan qaadayaa inaan si weeyn halkaan ugu soo dhaweeyn doono,, >> (Wenn er zu uns kommt, wird er sehr willkommen sein", versprach Inter-Coach Claudio Ranieri).<<
Nach Abbruch der Verhandlungen mit dem AC Milan hat Stadtrivale Inter Mailand ein Millionenangebot für den bei Manchester City in Ungnade gefallenen Stürmerstar Carlos Tevez abgegeben. ?Unser Angebot sind 25 Millionen Euro. Jetzt liegt es an ihnen, ob sie es akzeptieren", erklärte Inter-Präsident Massimo Moratti nach einem 1:0-Sieg im Derby am Sonntagabend.
Milan hatte sein Werben um den Argentinier vergangene Woche aufgegeben, weil der Brasilianer Alexandre Pato ein Millionenoffert von Paris St. Germain abgelehnt hatte. Auch die Pariser sollen an Tevez interessiert sein. Der 27-Jährige hat nach einem Disput mit Trainer Roberto Mancini seit September kein Spiel mehr für City bestritten. ?Wenn er zu uns kommt, wird er sehr willkommen sein", versprach Inter-Coach Claudio Ranieri.