Qaboogii Seeyberia oo u soo wareegay Dalalka Yurub iyo dhimashada Dadka oo Boqolal kor u dhaaftay,*Garoomo Baraf uu Isbaaro dhigtay iyo Ciyaartooy la kala fasaxay (Halkaan ka Daawo Badii oo Baraf noqotay)
Qaar la tirsan wadamada Yurub waxaa ka taagan silic ka dib markii uu u soo wareegay Qaboogii dhulka loo yaqaan Seeyberia oo ka tirsan dalka Ruushka kaas oo mar kaste ah 40-Grad (Qaboow daran). Wadamada ugu badan ee Dadku ugu Dhinteen Qaboowga waa dalalka Ukraine, Russia,Romania Bulgaria, Hungaria,Serbia iyo Poland.
Dalka Jarmalka Dekeda ku taal magaalada Hambrug waxaa la iskugu dhuftay albaabada oo waa la xiray ka dib markii Badii iyo Biyihii ay is ticmaali jireen Maraakiibta iyo Doomaha ay isku badashay goob Baraf ah oo aanu gaadiidka Bada mari karin (Ice).
Wadamada Holland, Sweden,Norway,Denmark,Austria,Germany, Switzerland, Italy,France,Finland iyo Spain waxaa ka jira Qaboow aad u daran kaas oo lagu sheegay nuuciisa inuu dalalkaan ugu dambeeyay mudo hada laga joogo Sodomeeyo sano(30-years).
Dalka Spain magaalooyinkii loo dalxiiska tagi jiray sida Mallorca,Teneriffe, Malaga iyo Barcelona waxaa gebi ahaanba xiran goobihii lagu caween jiray kuwaas oo isku badalay meelo cidlo ah oo dadku ay faaruqiyeen qaboow dartiis.
Dalka Talyaaniga sidoo kale Qaboowga ka jira wuxuu sababay in la hakiyo kulamo ka tirsan Horyaalka dalkaas iyo isku socodkii Gaadiidka & Dadweeynaha.Waxaa sidoo kale hakad la galiyay Garoomada Diyaaradaha ee ugu caansan dalalka Yurub.