XIRIIRIYE & SOO ARUURINTA MUCJISOOYINKA CAALAMKA :Eey yar oo Qaniinyo & Qeeylo iskugu daray Burcad Dukaan dhaceeysay & Burcadii oo ku sigtay ineey Afka Xabad u galiso (Halkaan ka Daawo Qisadii ugu hadal heeynta badneed Caalamka),* Dhimashada Qaraxyadii dalka Norway ka dhacay oo 91-Qof gaartay iyo Ninkii falkaan Cunsurinimada darteed u geeystay oo gacanta lagu dhigay (Halkaan ka Daawo muuqaal kii ugu dambeeyey).
Qisadii ugu hadal heeynta badneed Caalamka ayaa noqotay mid ka dhacday dalka Mareykanka gaar ahaan kalifornian Altadena.
Eey hal sano jir ah laguna magacaabo Paco ayaa waxa uu noqday mid maalmihii ugu dambeeyey qabsaday Dhegaha dadka Caalamka.
Paco waxa uu qoorta u galay una aqoonsaday ineey Lacag ka dhacaan Dukaan Gobolkaas ku yaalay 2-Nin oo Burcad ah watayna Boorso eey doonayeen ineey Lacagta ku xaabsadaan iyo Qori nuuca Jabshaha loo yaqaan ah.
Labadaan Nin ayaa markii eey Dukaanka soo galeen wexeey Boorsada u dhiibeen Milkiilihii Dukanka markii eey Qoriga Cabeysteena waxaa fahmay ineey Xaalada xuntahay Eeyga Paco oo bilaabay inuu qeeylo & Qaniinyo iskugu daro mid ka mid ah Tuugadii wax dhaceeysay gaar ahaan kii Qoriga cabeeystay oo Maskaro wajigiisa ku soo qarsaday.
Inta badan dalalka Caalamka ayaa waxaa caan ka ah marka la maqlo Eey si xad dhaaf ah u qeeylinaayo ineey jirto arin adag ama dad is dagaalay wexeeyna taas shaki galisay Burcadii wax dhici rabtay oo ugu dambeentii iskaga cararay goobtii inta eeysan Qeeylada Eeyga Paco dadka Dariska ah ku soo bixin.
Arinta ugu yaabka & Qosolka badneed ayaa eheed Eeyga yar ee Paco oo Burcadii sii bursaday ilaa banaanka Dugaanka wuxuuna ku sigtay ineey Xabad ku aamusiyaan in kastoo eey ka baqeen in dhawaaqa Xabada eey ku soo baxaan Ciidamada Booliska.
Ninka Dukaankaan iyo Eeygaan Paco lagu magacaabo iska leh oo Magaciisa lagu sheegay Eric Knight wuxuu hada caan ka noqday Saxaafada Caalamka oo Wareeysi raaxada uga qaaday iyaga oo doonaya ineey ogaadaan sidii eey wax u dhaceen inuu uga sheekeeyo
Halkaan ka Daawo Eeyga Saqiirka ah ee Dukaanka bad baadshay http://www.youtube.com/watch?v=AiWu1wo401E&feature=related .
***Dhimashada Qaraxyadii dalka Norway ka dhacay oo 91-Qof gaartay iyo Ninkii falkaan Cunsurinimada darteed u geeystay oo gacanta lagu dhigay (Halkaan ka Daawo muuqaal kii ugu dambeeyey)
Tan iyo markii eey Qaraxyada gil gileen Magaalada Oslo ee Caasimada dalka Norway waxaa isku socodkii yareeyey Soomaalida degan dalka Norway gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada caasimada ah ee Oslo.
Dhibaatada ka dhacday dalka Norway ayaa ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyey ineey ku naf waayeen 91-Qof waxaana marba marka ka dambeeysa sii badanaya Dadka qaba Dhaawacyada halista ah ee u geeryoonaayo dhibaatadii eey kala kulmeen Qaraxyada.
Dhibka ugu weeyn ayaa waxa uu ka dhacay Jasiirada Utoya oo eey ku sugnaayeen Dhalinyaro ku jirtay Fasixii Iskuulaadka wuxuuna Ninka la qabtay mudo 45-daqiiqo ah Rasaas la dhacaayey caruurtaas fasaxa ku jirtay.
Ninka dadka laayey oo sidoo kale Caasimada Oslo soo qarxiyey waa 32-Jir Cunsuri ah oo ku kacsanaa dadka Islaamka ah iyo Dawlada dalka Norway oo si weeyn u soo dhaweeysay Dadka Magangalyo doonka ah iyo kuwa raba iyagoo Viizo wata ineey ku noolaadeen dalka Norway.
Qoowmiyada Ajaanibta ah ee ugu badan dalka Norway waa Mushtamaca dada Pakistaanka ah waxaana kaalinta 2-aad ku jira Soomaalida dalkaas mudada dheer degnaa.
Dadka Qaraxa Oslo ku dhintay waa 7-qofood ilaa hada inta la xaqiijiyey balse Jasiirada uu Ninkaan cunsuriga ah Rasaasta ooda kaga soo qaaday ee Utoya waxaa uu martay Nolasha 84 qof oo Dhalinyaro ahaa. Ninkaan oo hada Gacanta Booliska ku jira waxaa Gurigiisa iyo Kumbiyiitarkiisa laga soo helay Progaraamo cadeennayey intii uu baranayey sida dadka loo toogto in kastoo eey Ciidamada Boliiska dalka Norway sheegeen inuu Facebookiisa wax yaabihii muhiimka ahaa horay u tir tiray intii uusan Ficilkaas foosha xun ku dhaqaaqin
Halkaan ka Daawo Muuqaalkii ugu dambeeyey ... Ninkaan Cunsuriga ah iyo Dadkii uu laayey http://www.youtube.com/watch?v=LA8DvgcengY .