La Yaab : Saxaafada oo Cristiano Ronaldo Aabe xun ku tilmaamtay iyo Hooyada dhashay Ronaldo oo difaacday mar kastana u ah Afhayeenka Ronaldo (Halkaan ka Daawo Nolasha Guriga Cristiano Ronaldo iyo Magaaladii uu ka yimid ee Madeira)
Xiddiga Qaranka Portugal iyo kooxda loo yaqaan Galaktikos ee Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa waxaa nafta u keenay Saxaafada Sportiga ee Caalamka gaar ahaan kuwooda Portugal, Italy, Spain , iyo England oo Kamero daba dhigatay meel alle iyo meeshuu u Dalxiisoba.
Ronaldo waxa eey ku Tilmaameen Aabe Naxariis daran oo aanan laheeyn qaab waalidnimo kuna mashquulsan Dalxiis iyo Tumasho uu kula jiro Saaxiibtiisa cusub ee Irina Sheik waqti badana siiyey halka Wiilka yar ee hada u dhashay Haweeneyda Mareykanka ah uu ku ak tuuray Hooyadiis iyo Familkiisa kale.
Saxaafada oo Sawiro Cajiib ah ka soo qaaday Ronaldo & Irina Sheik ayaa waxa eey Ciwaan uga dhigeen Sidan : Waxaas ayaa Tumasho lagaa yiraah, Aaway Wiilkiisii?
Balse Cristiano Ronaldo ayaa ugu jawaabay hadal yar oo ahaa sidan: Qofkii Saxaafada Faraha lagalo oo u qabsado waxa eey qoreen kama guuleeysan doono oo waa ku sii wareeri doona oo waxaan leeyahay waxaad rabtaan qora waqti idiinma haayo.
Intaas ka dib ayaa waxaa arintaan ka hadlay oo furka tuurtay Dolores oo ah Hooyada dhashay C.Ronalado waxeeyna tiri sidan: Hadii Wiilkeeyga uusan Saxaafada waqti u heeyn anaa u hayo ee Wiilka uu dhalay Wiilkeeyga anuu ila nool yahay oo Ayeeydiis ah mana ahan in saxaafada Buun buuniso oo tiraahdo Cristiano Ronaldo muxuu Wiilkiisa Los Angels iyo Madrid ugu wadi waayey iwm
Dolores ayaa lagu tilmaamay Hooyo ad-adag oo Ronaldo u qaabilsan dhanka Afhayeenimada inkastoo uu dhoor jeer yiri ha hadlin hana u jawaabin wixii ka hadlaArimaheeyga maadaama eey sheekada sii badan doonto oo hooyadiisna ku sii mashquuli doonto Saxaafad aan laga guuleeysan karin marnaba .
Ugu dambeeyntii akhristoow ma lasocotaa in Dagaalka Saxaafada vs Cristiano Ronaldo Family uu sabab u yahay Saxaafada oo dooneyso in Ronaldo Wiilkiisa Cusub uu Dalxiis la aado ka dibna eey si weeyn u sawirtaan maadaama cid Sawir ka heeyso eeysan jirin...Halka Sheekadaan uu C.Ronaldo mar hore ku fahmay Saxaafada kuna qariyey wiilkiisa yar guriga eey Hooyadiis ka degan tahay Gobolka Funchal Magaaladiisa Madeira ee Dalka Portugal.