XIRIIRIYE & MUCJISOOYINKA CAALAMKA MAANTA WAXAAN IDINKUGU HEEYNAA 2 QODOB : Soomaalida, Pakistaaniyiinta iyo Gaambiyaanka ku nool dalka Norway oo wel wel cusub uu soo food saaray iyo Boqolaal ku fikrad ah Ninkii wax Qarxiyey oo la sheegay ineey Qaarada Yurub ku nool yihiin,* > Luuqada Afka Soomaaliga oo noqotay mid eey si sahlan ku bartaan dadka Cadaanka ah, maxaad kala socotaa 2 Xaraf oo aad ugu adkaaday dadka Barta Af Somaaliga? (Halkaan ka Daawo Qeeybtii 2-aad iyo Nin Mareykan ah oo Wacdaro dhigay Af Somaliga !!)
*** Waxaa dhamaan waardiye adag oo aan horay loo arag la saaray Xarumaha ama halka eey Fasaxa Summer-Time-ka is kugu tagaan Xisbiyada loo yaqaan (Socialist) oo ah Xisbi inta badan Wadamada Yurub Dawladahooda Hogaamiya kaas oo aan inta badan necbaneeyn Ajanabiga ama dadka dhibaatooyinka kala duwan u soo gaara Dalalkooda.
Tan iyo markii uu sida lama filaanka ah u qarxiyey Magaalada Oslo ee Caasamida dalka Norway Dilaagii Anders Behring Breivik waxaa soo badanaya Cabsida eey qabaan Jaaliyadaha sida weeyn ugu badan dalka Norway ee kala ah Pakistaaniyiinta, Soomaalida, Gaambiyaanka, Ciraaqiyiinta iyo Vietnaamka.
Dadkaan ayaa wexeey Sawirteen Fikrado cabsi xambaarsan kuwaas oo ah in uu si sahlan Mehradahooda Ganacsi iyo halka la iskugu yimaado ee Maqaayadaha ah uu ku qarxin karay Anders Behring oo Qaraxyadii uu maleegay la beegsaday Qaranka Dawladiisa iyo Dhalinyaro 85% Shacabkii dalkiisa ahaa.
Shaqsiyaadka u fakara sida Ninkaan Dilaaga ah ee Maskaxda ka jiran ayaa la sheegay ineey ku nool yihiin Wadamo badan oo Qaarada Yurub ka tirsan balse uma awood badna sida Ninkaan wax Qarxiyey oo kale maadaama Dawladaha ama Xukuumadaha dalalkooda eey madaxa uga taagan yihiin oo weliba eey dul dhigeen Sharciyo ad adag oo dhanka Cunsuriyada wax looga qabtay si eey mar labaad Dunida ugu soo laaban.
*** Waxaa marba marka ka dambeeysa Caalamka ku soo badanaya Dadka Cadaanka ah ee Luuqada Soomaaliyeed u arka ineey sahlan tahay barashadeeda ka dibna waqti ku dhumiya sideey uga faaideeysan lahaayeen ku hadlista Afka Soomaaliga.
Dadka Soomaaliyeed ayaa wexeey u qaxeen ama joogaan meel kasta oo Dunida ka tirsan gaar ahaan Wadamada Yurub, Australia, Canada & America. Mushtamaca doonaya ineey luuqada Afka Soomaaliga ah si wanaagsan u bartaan ayaa waxaa u badan dadka barta ama xiiseeya ineey Luuqado badan ku hadlaan kuwaas oo ugu dambeenta ugu yaraan 5-Luuqadood ku hadlistooda ku guuleeysta.
Xarfaha ugu adag ee dadka Cadaanka ah eey ka qeeyliyeen ama la qabsan la yihiin luuqada Soomaaliga ku dhawaaqisteeda ayaa waxaa lagu sheegay ineey kala yihiin XARFAHA " C iyo X. Qofka Ajnabiga ah ama Cadaanka ah marka uu doonaayo inuu Xarafka C qof ugu yeero sida Cali ama Canab ma kari karo oo waa inuu yiraahdaa Ali ama Anab.
Xarafka X sidoo kale wuu ku adkaaday qofka ama dadka aan u dhalan Soomaaliga maxaa yeelay Xarafka X marka laga doonayo Ajnabiga Soomaaliga baranaayo waxa uu Xamdi ama Xassan ugu yeeraa sidan " Hamdi ama Hassan,, Labadaas eray intaan ka aheeyn si wanaagsan ayey dadka ula qabsadeen AF Soomaaliga.
Hadaba waxaanu maanta halkaan idinkugu heeynaa nin Mareeykan ah oo Luuqadeena Hooyo si wanaagsan ugu hadlaayo weliba aan ka daalin sii barashadeeda ilaa uu heer Caalami ah ama mid Jaamacadeed uu ka gaaro.
Halkaan ka Daawo Mucjisada Ninkaan :
http://www.youtube.com/watch?v=H2FJQqSbt_M&feature=related
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka .