*** Junyerka Qaranka Brazil ayaa markoodii 5-aad wexeey jeebka dambe ku hubsadeen Koobkii Qaramada Juunyarka Addunka oo maalmihii ugu dambeeyey si xiiso leh uga socday Magaalada Bogota ee caasimada dalka Colombia.
Brazil ayaa Ciyaartii Fiinalka koobka Juunyerka Addunka wexeey 3-2 ku suul daareen Juunyarka Qaranka Portugal oo sanadkaan aad u adkaa. Halyeeygii garoonka ama ciyaarta waxaa noqday Laacibka cusub ee da´da yar waa Oscar oo Qaranka Brazil Qadka dhexe uga ciyaara dhamaana sadexda Gool u wada saxiixay Daqiiqadihii (5-aad, 78-aad iyo waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta oo uu saxiixay daqiiqadii 111-aad Goolkii 3-aad) .
Qaranka Portugal waxaa labada gool u kala saxiixay Laacibiinta yar yar ee ku soo jira jidka Cristiano Ronaldo waa Ciyaaryahan Alex oo (daqiiqadii 9-aad gool dhaliyey ) halka uu Laacib Nelson Oliveira goolka 2-aad raacsaday (daqiiqadii 59-aad).
Ciyaartaan oo eey Garoonka soo camireen 36.000 oo taageerayaal ah wexeey Juunyarka Qaranka Brazil Taariikh ahaan u noqoneeysaa markoodii 5-aad oo eey Koobkaan gacanta ku dhigaan waxaana ugu dambeeysay mar eey qaadaan sanadkii 2003-kii.
Brazil koobka Juunyarka Addunka Taariikh ahaan wexeey heeystaan Sanadihii 1983, 1985, 1993, 2003 & hada oo eey markiisii 5-aad jeebka gashteen 2011. Dalka Portugal oo Abaar koob la´aaneed eey daris la noqotay waxaa koobkaan Caalamiga ah ee Juunyarka Addunka ugu dambeeysay Sanadihii 1989-kii iyo 1991-kii.
Brazil oo soo ban dhigtay ineey Laacibiin cusub hawada ku soo jiraan weliba badali doonaan goor dhaw Laacibiintii hore sida Ronaldinho, Ronaldo, Kaka iyo Cafu waxaa Xafladii koobkaan eey ku qaadeen ka hadlay Macalinka Juunyarka Qaranka Brazil Mr.Ney Franco oo yiri sidan " Aad ayaan ugu farax sanahay inaan Iskoor cusub ku bareejeeyo Qaranka waa weeyn ee Brazil oo iyagana heeysta 5-Jeer Koobka Addunka halka hada eey noo suurta gashay inaan u dabaal degno markeenii 5-aad kaaliintaan muhiimka ah ,,
Halkaan ka Daawo Ciyaarta oo aad u macaaneed >>> http://www.youtube.com/watch?v=-Q3Dlyeb95k . Dhanka kale kulankii loogu tartamaayey Koobkaan Juunyarka Addunka kaalintiisa sadeexaad waxaa fooda is daray dalalka Mexico Vs France oo qeeybtii hore ee ciyaarta ku kala nastay 1-1 ka dibna waxaa Faransiiska looga badiyey 3-1.
Halkaan ka Daawo Laacibiinta mustaqbalka dhaw ee Dalalkaan >>> http://www.youtube.com/watch?v=630ji18T5X0
*** Kooxda kubada cagta ee Fc Chelsea wexeey soo wadataa oo si buuxdo ula soo wareegtay laacibkii wax ka soo qaaday koobka Addunka 2010-kii una ciyaara kooxda kubada cagta ee Fc Valencia waa Ciyaaryahan Juan Mata .
Laacib Juan Mata oo 23-jir ah Fc Chelsea wexeey ka soo bixisay 27-Milyan oo Euro waxaana u harsan oo kaliyah Baaritaanka caafimaadkiisa sida ku qoran Home-peejka kooxda Valencia. Xiddigaan waxaa aad u doonayey kooxo eey ka mid yihiin Fc Arsenal, Bayer Liverkusen, Tottenham iyo Lyon wuxuuna kooxda Valencia ku soo biiray sanadkii 2007-kii.
*** Weeraryahanka Qaranka Croatia & Kooxda Fc Bayern Munchen Ivica Olic ayaa waxaa qabsatay nasiibdaro aad u weeyn ka dib markii Xiddigaan oo mudho dhoor bilood ah dhaawac uga maqnaa kooxdiisa uu hadane mar labaad Ciyaartiisii ugu horeeysay dib ugu laabbtay dhaawac kale.
Ivica Olic ayaa waxa uu ku dhaawacmay kulankii eey kooxda Fc Bayern Munchen 5-0 uga badisay Naadiga Hambrug wuxuuna halkaas ku dhaliyey mid ka mid ah goolashii eey kooxda Bayern Munchen ku suul daartay Hambrug. Ivica Olic ayaa ka maqnaan doona kooxda Fc Bayern Munchen iyo Qaranka Croatia 8 Isbuuc oo xiriir ah sida uu sheegay dhaqtarka Fc Bayern Munchen Mr.Hans-Wilhelm Muller-Wohlfahrt .
*** Xiddiga Qaranka France iyo kooxda Real Madrid ee lagu magacaabo
Mahamadou Lass Diarra ayaa waxa uu ku sii jeeda kooxda Tottenham oo ka dhisan caasimada Londan ee dalka Ingiriiska.
Tottenham ayaa sheegtay ineey laacibkaan ku soo wadato Adduun gaaraya 10,5 Milyan oo Euro wuxuuna Xiddigaan horay ugu soo ciyaaray kooxaha waa weeyn ee kala ah Fc Chelsea, Fc Arsenal, Portsmoth iyo Real Madrid oo uu ugu dambeentii ku biiray.
Ciyaaryahan
Mahamadou Lass Diarra ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey wexeey isku kacsanaayeen Macalinka kooxda Real Madrid Mr.Jose Morinho oo jecleeystay booskii uu xiddigaan ka ciyaari lahaa inuu Tutulaare ka dhigo ama ka dheelsiiyo Laacibiinta kala ah Xabi Alonso iyo Sami Khedira oo u kala ciyaara Qaramada Spain & Germany. Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com