Madaxweeyne Obama oo galay Qalad aan horay looga baran iyo dadkii uu u qudbeenayey oo Qosol la dhacay (Halkaan ka Daawo Obama oo Qaladkiisa Qosol ku qariyey)
Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Obama oo safar dheer ku marayey Gobolo iyo Degmooyin ku yaala dalka Mareeykanka ayaa markii ugu horeeysay Taariikhda inta la ogyahay waxaa ka hoos siibatay oo uu isku qalday Goboladii & Degmooyinkii uu marayey magacyadooda.
Madaxweeyne Obama waxaa Caalamka looga yaqaan nin ad adag oo marka uu hadlaayo si weeyn u soo jiita Shacabka uu u qudbeenaayo taas oo ugu dambeeyntii kaliftay inuu helo Taageero xoogan iyo codad la soo qaban waayey.
Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Obama oo Safar ku tagay Magaalada Osawatomie oo ka tirsan Gobolka Kansas ee cariga Mareeykanka ayaa si qalad ah waxa uu ku yiri sidan "Waa wax weeyn oo qiimo badan inaan maanta marti u noqdo Magaalada Osawatomie oo Texas ku taal,,
Intaas markii uu yiri Madaxweeyne Obama waxaa Qosol fara badan is qabsaday Hoowlkii uu ka qudbeenayey waxaana durbadiiba si hoose ugu soo dhawaaday oo u saxay mid ka mid ah Xoghayeentiisa oo u sheegay Magaalada Osawatomie ineey ka tirsan tahay Gobolka Kansas balse eeysan aheeyn Texas.
Madaxweeyne Obama oo dhanka Hadalka iyo Aqoonta Xariif ku ahaa tani wexeey kuu cadeeneeysaa in Qofka Beni´aadanka ah uu wax walba isku qaldi karo hadii uu doono ha ahaado Aqoonyahan ama qof karti badan.