President Barack Obama oo Ciyaaraha Basketball-ka iyo Football-ka Cel celis ah ayaa waxaa soo gaaray Dhaawac ( Halkaan ka Daawo Qaabka uu Cel Cesliska u yahay)
Madaxweynaha dalka Mareykanka Mr Barack Hussein Obama ayaa waxa uu Dunida ku yeeshay Taageerayaal aad u badan oo aan wax shuqul ah ku leheeyn dhanka Siyaasada kuwaas oo ku Taageero qaabkiisa Sport Jeceelka ah iyo kor u qaadista Ciyaaraha Basketball-ka iyo Football-ka.
President Obama ayaa waxa uu si weeyn u Taageeraa kooxda West Ham Utd ee Horyaalka England iyo Xulka Qaranka dalka Brazil waxaana www.xiriiriye.com dhoor jeer ku soo bandhignay Sawirada cadeenta ahaa inuu Obama si aan qarsooneen u Taageero Qaranka Brazil iyo Kooxda West Ham Utd wuxuuna sheegay inuusan Haye-Raac aheeyn uusana waligiis labadaas koox iska badali doonin ama ka wareegsan doonin.
Haye-Raac ayaa waxaa Caalamka looga yaqaan ama ah Shaqsiga ka badasho kooxdiisii hore marka eey beerta gasho una wareego koox xiligaas kacsan si aan loo caayin maadaama eey Beerto ku jirto kooxdiisa weliba dhibcaha eey ka wada tirsadaan kooxaha oo idil wuxuuna Obama kala jeeday hadal kaas Sarbeebta ah in kooxda West Ham Utd eey Sanadkaan horyaalka England Beerto ku jirto weliba eey dhanka hoose ka hogaamineyso Horyaalka Ingiriiska.
Madaxweyne Obama oo ka soo shaqeeyey CollegeFootball & Progaramada Sport-TV-yada lagu barto ayaa waxa uu dhanka kale soo saaray Buugaag Sport oo ka hadlaayo Ciyaaraha Basketball-ka & Football-ka xiligii uu dhigaayey Jaamacada wuxuuna ugu magac daray sidan : > Love played Basketball and Football <
Mr Obama ayaa hada la Jiifo dhaawac ka soo gaaray Faruurta kore xili uu ciyaaraayey Ciyaarta Basketball-ka waxaana Bararay oo maanta laga daawanayey Idaacadaha isaga oo Afk heeysto dhaawicii soo gaaray dartiis.
Filo goor dhaw Barnaamishka La Yaab oo maanta aad u xiiso badan ka dib markii Ciyaaryahan ka tirsan kooxda Real Madrid laga waayey Liiska Cuntada ee Beri, wuxuu xiddigaan diiday inuu beri Quraacda iyo Qadada cunto dalbado, waa maxay Sababta? Warkaan oo uu soo daayey maanta Tv-ga Spain ETB Sat ayaa waxaanu hada ku wadnaa Tarjumis, filo goor dhaw isaga iyo Faaqidaada Horyaalada oo la ciyaaray ..Filo goor dhaw Sawiro iyo muuqaalo kala duwan.