La Yaabka Dunida : Maanta oo ah Sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii uu Cabista Sigaarka Joojiyey Madaxweeyne Barack Obama, Maxaad kala socotoo Sharadka uu ka helay Xaaskiisa First Lady Michelle Robinson Obama ? !
Dhamaan Saxaafada Caalamka ayaa ku mashquulsan soo tabinta & Qorista Qiso Taariikh mudan oo dhex martay Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr. Barack Obama iyo Xaaskiisa Michelle Obama. Maanta oo ah 11.02.2011 ayaa wexeey ku aadan tahay Sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay Maalintii uu Cabista Sigaarka iska Joojiyey Mr Obama.
President of the United States Mr. Barack Obama ayaa ilaa yaraantiisii waxa uu cabi jiray oo si daran u is ticmaali jiray Sigaarka nuucyadiisa kala duwan gaar ahaan nuuca loo yaqaan Marlbooro.
Madaxweeyne Barack Obama oo dhoor jeer isku dayey inuu joojiyo Cabista Sigaarka ayaa taas wexeey noqotay mid Riyo uun ah maadaama Nin Cilmi leh uu yahay inta badana saaid wax u qoro oo xiliyada uu wax qoraayo aad u jeclaa ama ugu bixi jirtay inuu Gacanta ku haayo Sigaarka nuucyadiisa kala duwan.
President Barack Obama ayaa xiligii uu ku jiray Tartankii Doorashada Madaxtinimada ee dalka Mareeykanka waxa uu Xaaskiisa Michelle Robinson Obama ka balan qaaday inuu joojin doono Cabista Sigaarka waa hadii uu ku guuleeysto Doorashada Madaxtinimada dalka Mareeykanka oo uu Halgan weeyn u soo galay sidii uu jagadaas mar uun kursigeeda ugu fadhiisan lahaa. Balan qaadkii uu xiligaas Madaxweeyne Obama ka dhawaajiyey ayaa noqday mid hal bacaad lagu lisay ah marka laga reebo isaga oo sii badsaday cabista Sigaarka maahane.
Madaxweeyne Barack Obama oo u waramaayey Telefishinada caanka ah ee CNN, NBC, iyo CBS qeeybtooda the latest breaking headlines ayaa waxa uu ku macneeyey 3 arimood ineey ugu wacneed inuu cabista Sigaarka joojiyo mudo aad u dheer ka dib.
President of the United States Mr. Barack Obama oo ah Shaqsi ama nin aad uga qosol siiya Bulsho weeynta kala duwan ee xiliyada qaar daawada marka uu hadlaayo ayaa waxaa uu yiri oo sabab uga dhigay inuu Sigaarka joojiyo 3-daan Qodob. "
1-Gabdhaheeyga yar yar ee Sasha iyo Malia ayaa xili qado ah wexeey ii keeneen Buug aan Jeclaa oo xili aan aqrisanaayey Dhimbilo ka faniinay Sigaar aan cabay uu dul duleeliyey wexeeyna i weey diiyeen su´aal aan la yaabay oo eheed sidan : "Aabe Dabka sidaan u modoobeeyey Buugaaga ee dul duleeliyey miyuusan Jirkaaga kareen oo sidaan camal u dul duleelineeyn?
2-Dhaqtar aan mudo 20-sano wax ka badan Caafimaadkeeyga gacanta ku hayey ayaa si kaftan ah waxa uu ii yiri sidan :" Sigaarka aad cabeeyso Dadka ku taageersan ee sida weeyn kuu Jacel waxa eey isku dayi doonaan iyagana ineey Sigaar bartaan ama cabaan si eey u noqdaan Qof sidaada oo kale u fir fircoon aftahane u ah weliba Dhalinyarada soo baxeeysa ayaa iska kaa dhigi doonta.
Qodobka 3-aad ee ugu dambeeyo oo uu Madaxweyne Obama ku sheegay ineey ugu wacneed joojinta Cabista sigaarka ayaa waxa uu ku sheegay sharad eey wada galeen isaga iyo Xaaskiisa Mss Michelle Obama oo ku yaboohday hadii uu cabista Sigaarka iska daayo joojiyana mudo hal sano oo kaliyah ah in Fasaxa kuleelaha soo socda eey Jeebkeeda ka dhiibi doonto Malaayiin Dolar oo mar kasta ku baxdo xiliga eey aadaan ama Holiday ku soo qaataan Jasiirada Prominenten-Insel Martha's.
First Lady Michelle Robinson Obama oo xayeeysiisa dharka qaaliga ah ee dumarka eey ku labistaan ayaa waxaa looga fadhiyaa ineey oofiso Balan qaadkaas maadaama Madaxweyne Barack Obama uu soo af jaray Hal sano oo uusan wax Sigaar ah afkiisa saarin !!
Filo Goor Dhaw Warar Sport oo Top News ah +La Yaab iyo warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News oo hada uu ku socdo Qoraal iyo Tarjumis Sawiro iyo Video-yaal daawasho ah wadato...Waxaan kaloo ku soo qaadan doonaa Barnaamishyadeena maanta Xulka Xiriiriye iyo Ciyaartooydii aanu ka soo xulanay Horyaalka Ingiriiska. Sidoo kale filo goor dhaw Barnaamishka Mucjisooyinka Caalamka!! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!