|
Haya'ada loo yaqaan Zola-prisen ee ka jirta wadanka Norway ayay waxay siisay billada loo yaqaan Zola-prisen Gabar somaliyeed ee degan Norway.
Gabadhaas oo lagu magacaabo Amaal ayaa bilihii ugu dambeeyay waxay ku soo baxaysay meediyada Norway iyada oo sheegaysay in soomalida Norway tuugo yihiin oo lacagaha dawlada siiso been ka sheegaan.
Waxay kaloo Amaal eedaysay dawlada Norway oo ay ku sheegtay inay tahay dawlad masaakiin ah oo lacaga iska bixisa. Tan ugu daran oo soomalida Norway ka caraysiisay ayaa ah in Gabadhaan oo markii hore magaceeda qarisay la sheegay inay tahay qoraaga buuga la magac baxay "se oss" oo ah eray afnorweji mancnihiisu yahay "Na arag" Buugaas ayay Amaal oo magaceeda qarisay ku sheegtay inay la soo kortay reer qaraabo yihiin Norway, Somaliyana ay ahaan jirtay iskoris darbiya jiif ah.
Buuga ayay waxay kusheegtay in adeerkeed iyada uu dhowr jeer damcay inuu xoogo iyada.
Soomalida ayaa arinkaan u qaatay mid iyada aysan dhihin laakiin loo dhahay iyadana la isticmaalay.
Somaliada ayaa markay maqleen in bilad la siiyay gabadhaan is waydiiyay: Oo Norway ma waxay bilad siinaysaa cidii Somaalida caysa?
Waxaan warkaan ka soo xiganay TVga NRK ee leedahay dawlad Norway. Hadaad afnorweji taqaanid ka aqriso linkigaan:
http://www.nrk.no/nyheter/norge/1.6944040
Gabadhaan iyo buugeeda waxaa war faahfaahsan ka qoray joornaalka Aftenposten, waxaanad ka helaysaa linkigaan:
http://www.aftenposten.no/amagasinet/article3463255.ece
By http://www.xiriiriye.com/
|