Waa na Waaleen kuwaan, Labo daran mid dooro >> Shabaab ama Itoobiya >> Halkaan ka Daawo Dood Siyaasadeed kulul oo ugu dambeeyntii Caay & Aflagaado ku dhamaatay (Xaalka Somalia waa Car & Wir) !!
Waxaa mar kale furmay buuq iyo is mari waa dhex yaal Siyaasiin caan ah oo Soomaaliyeed ka dib markii Ciidamada Itoobiya ay gudaha u soo galeen Gobolo badan oo ku yaal dalka Somalia.
Dood Siyaasadeed kulul oo uu qabtay Wariye C/qaadir Nadaara ayaa waxa uu noqday mid la isku mari waayey ka dib markii uu Siyaasi kaste ku adkeeystay inuu saxsan yahay ama fikradiisa in la qaato ay mudan tahay.
Barnaamishkaan oo looga hadlayey Xaalada dalka Somalia ayaa waxaa ka qeeyb qaatay Gudoomiyaha Ururka dib u xoreeynta Soomaaliyeed Sakariye Maxamuud xaaji Cabdi oo fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eretarea balse hada ku sugan dalka Ingiriiska iyo Aqoonyahan Soomaaliyeed oo xil ka hayo Dawlada Mareeykanka gaar ahaan magaalada Washington DC laguna magacaabo Maxamed Cabdi Maxamed.
Dood Siyaasadeedkaan ayaa mararka qaar waxaa la isku hurgufay Dacaayad iyo caay aan qarsooneeyn . Sakariye Maxamuud xaaji Cabdi wuxuu sheegay ineeysan jirin wax Dawlad la yiraahdo weliba Madaxweeyne Sharif uu iyaga ka soo fakaday xiligii Isbaheeysigooda uu ku sugnaa magaalada Asmara.
" Madaxweeynaha aad sheegeeysaan isaga oo Cimaamad wato ayuu naga soo fakaday hadane Taangi Yugaandheeys ayaa lagu qaadaa laguna soo ceeliyaa ayuu yiri Sakariye Maxamuud xaaji Cabdi oo ku adkeeystay inuu weli jiro Isbaheeysigii Asmara.
Aqoonyahan Maxamed Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa waxa uu ku eedeeyey wax walba oo dhacay iyo dhibaatooyinka dalka ka taagaan ururka Al Shabaab.
" Dalkii waxaa qabsaday Afghanistaan iyo Pakistaaniyiin manaxayaal ah oo Caruurtii Ardayda eheed Qarxinaya marka waxaa sababtay ineey Keyna iyo Itoobiya gudaha Soomaliya u soo galaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen Masiibadaan intii aysan ugu tagi laheeyn Nayroobi iyo Addis Ababa ayuu yiri Aqoonyahan Maxamed Cabdi Maxamed.
Aqoonyahan Maxamed Cabdi Maxamed ayaa ku dooday ineey Soomaali heshiin weeysay mudo 20 sano ah weliba xiligaan la joogo uu dalka marayo xaalad aad u cakiran wuxuuna Siyaasi Sakariye Maxamuud xaaji Cabdi ku eedeeyey Shaqsi dhunsan oo Shabaab difaacaya.
Siyaasi Sakariye Maxamuud xaaji Cabdi ayaa shaaciyey in Sheekada Itoobiya iyo Kenya u socdaan eeysan eheen Shabaab balse lagu soo heshiiyey Shidaalka ku jira Bada & Dhulka Somalia wuxuuna sidoo kale ku eedeeyey Saxaafada Somaalida iyo Telefishinada ineey buun buuniyeen Dhibaatooyinka Shabaab oo kaliyah .
Arinta ugu Qosolka badan ee Barnaamishkaan Dood Siyaasadeedka ayaa eheed Siyaasi Sakariye Maxamuud xaaji Cabdi oo ku eedeeyey Aqoonyahan Maxamed Cabdi Maxamed inuu wado Caay iyo Aflagaado balse Yaab wuxuu dhacay markii uu Siyaasi Sakariye Maxamuud xaaji Cabdi qudhiisa uu ugu dambeeyntii Aflagaadeeyey Aqoonyahan Maxamed Cabdi Maxamed kuna sheegay Nin dhulka u xaaqa Minishiibiyada Mareeykanka.
Heerka iyo xaalada Siyaasiinta Soomalia halka eey taagan tahay wuxuu kuu cadeenayaa inuu qof kaste isla quman yahay kuwa kalena wada qaldan yihiin.
Ugu dambeeyntii Xaalka Somalia waa Laba daran mid dooro (Shaabaab ama Itoobiya) !!