Anders Behring Breivik oo dilay 93 qof ayaa baaritaan dheer ka dib waxaa gacanta lagu dhigay qoraal uu wax uga sheegayo Somalida degan Oslo. ( Halaan ka Akhri war bixinta oo tarjuman kana Daawo News kale)
Qoraalka oo ku qoran af norweji waakanaa: "Alle som til enhver tid innehar Norsk pass er fullverdige Nordmenn"... Som betyr at selv Somalieren (med norsk pass) som tygger khat hele dagen og sender halve trygden til al-Shabaab skal sees på som en fullverdig Nordmann"
Qoraalka oo Breivik uuga qayb galayay dood ay iskugu yimaadaa koox uu ka tirsanaa ayaan afsoomali ahaan u qoran sidaan:
"Qofkii baasaboor Norweji ah qaata waa Norweji qiimo leh"... taasoo macnaheedu yahay Somaliga (haysta baasaboorka Norwejiga) oo khaadka cunaya maalintii oo dhan Kalabar lacagta cayrtana u diraya Al-'shabaab waxaa loo arkayaa Norweji qiimo leh."
Qoraalka Breivik waxaa ka muuqata caro uu qabo Somalida degan Oslo, gaar ahaan kuwa iskugu yimaada Grønland. Caradii uu qabay ayuu waxuu kula dhacay meelo kale.
Sidoo kale Ninkaan ayaa Cunsurinimadiisa wexeey gaarsiisay inuu isku qaldo Arimaha Qaadka iyo kuwa Diinta ,Warar kale oo arinkaan kusaabsan kala soco saacad walba www.Dayniile.com iyo www.intersom.org .
DHANKA KALE FICILADII UU SAMEEYEY NINKAAN DADQALATADA AH AYAA WAXAA UGU WAA WEEYNAA SIDAN:
Meel kasta oo Jasiirada Utoya ka tirsan dhiig ayaa daadsan waxaana weli goobta yaala Teendhooyinkii eey ku seexan jireen Dhalinyaradaan oo ka koobneed 602-Qof wuxuuna doonayey Ninkaan dilaaga ah inuu dhamaantood rasaas ku dilo.
Arinta ugu Murugada badan sida aad Sawirada uga jeedaan waa Doomaha gar gaarka deg deg ah oo weli Biyaha ka dhex raadinaya Meyd ama Dhawac maxaa yeelay qaar badan oo Caruurtaan ka tirsanaa ayaa markii eey arkeen Ninkaan oo Xabad la dhacaayo saaxiibadooda kale wexeey u carareen dhanka Bada oo ugu dambeentii uu ka daba galay Ninkii dilaaga ahaa wuxuuna intooda badan kuwii Dhaawaca ahaa ka wada toogtay Madaxa sida ka muuqata Meeydadkooda.
Dhalinyaradaan ayaa la sheegay ineey ku jireen qaar reero Sport ah (Football Boys) waxaana kuwii bad baaday oo Sas ama Shock qaaday eey leeyihiin wuxuu Ninkaan Dilaaga ah Boorso ku watay ilaa 3-qori oo marba mid uu cabeesanayey wuxuuna ku soo labistay Dharka ciidamada Booliiska si aan looga cararin markii uu goobta imaanayey.. Arinta ugu yaabka badan ayaa eheed Ninkaan oo fursad u helay mudo 45-daqiiqo ah inuu Dhalinyaradaas fasaxa ku joogtay Jasiirada Utoya madaxa ka wada toogto ilaa uu Dhaawacooda Xabada la dul yimaado.
Caruurta bad baaday ayaa la sheegay ineey u bad naayeen kuwii Dabaasha si wacan u yaqaanay maadaama eey Biyaha hoos ugu mooseen ka dibna Dabaal uga ag dheeraadeen in kastoo uu mar walba Xabado ka daba ridaayey iyaga oo hoos u moosay ama muuday.
Guud ahaan Tirada dhimashada ee uu geeystay Ninkaan ayaa wexeey tahay 92--qof waxaana Saacad walba sii badan karta dhimashada maadaama eey jiraan dad qaba Dhaawacyo halis ah oo dhanka Madaxa ah.
Wararkii ugu dambeeyey wexeey tibaaxayaan in laga yaabo inuu jiro Shaqsi kale oo Ninkaan arintaan ka caawiyey sida eey sheegeen Ciidamada Amniga ee dalka Norway.
Halkaan ka Daawo News-ka Qaraxyada Norway >>> http://www.youtube.com/watch?v=wHSWvHgemiE