Waxaa weli xiran goobaha Ganacsiga iyo xarumaha Dawlada Waqooyiga Kuuriya sidoo kale Tv-ga Qaranka dalkaas ayaa la saaray Heeso baroortiiq ah oo lagu xusaayo Madaxweeynihii Kominiistaha ahaa ee dalka North Korea Mr.Kim Jong Il oo wadne xanuun u geeriyooday.
1994-tii ayuu Kim Jong Il la wareegay talada dalka North korea xiligaas oo uu dhaxal ahaan kala wareegay Aabihiis Kim Il Sung oo isna geeriyooday.
Madaxweeyne Kim Jong Il ayaa in mudo ah waxaa uu la xanuunsanayey Cudurka Wadne xanuunka wuxuuna ahaa 69 sano jir. Dhimashada Madaxweeyne Kim Jong Il waxaa ku faraxsan dalal dhoor ah oo uu ka jartay xiriirka dhoor jeerna ugu hanjabay Dagaal hadii aysan dalkiisa faraha kala bixin waxaana Dalalkaas ka mid ah South Korea. Japan, China iyo Mareeykanka.
Shacabka dalka North Korea ama Waqooyiga Kuuriya waa kuwo Nolal ahaan aad uga liita dariskooda South Korea/Koonfurta Kuuriya. Jagada uu hada ka geeriyooday Madaxweeyne Kim Jong Il ayaa waxaa lagu wadaa inuu si toos ah ula wareego Wiilkiisa Kim Jong Un oo dhoor jeer horay ugu hanjabay Koonfurta Kuuriya.
Dalalka Waqooyiga Kuuriya iyo Koonfurta Kuuriya ayaa Dagaal ba´an waxa uu dhex maray sanadkii 1950-kii wuxuuna Dagaalkaas socday ilaa Sanadkii 1953-kii. Ciidamada Labada dal ee North Korea iyo South Korea ayaa marar badan isku dhacay kuwaas oo isku rasaaseeyey ama Sawaariiq iskaga tuuray Xuduudaha labadaas dal iyo Bada u dhaxeeysa Labada Kuuriya.