Wiil yar oo dhalinyaro ah oo ka soo baxsadey Al Shabaab ka dib markii uu Wiilkaas yar diidey inuu isku Qarxiyo Shacabka Soomaaliyeed (Halkaan ka Daawo Fadeexada kooxda Shabaab oo dooneeysa ineey Dhalinyarada Haligto)
Wiil yar oo dhalinyaro ah ayaa waxaa la sheegay inuu ka soo baxsadey maleeyshiyaadka kooxda Alshabaab ka dib markii uu wiilkaas yar uu diidey qorsho ay maleeyshiyaadka Kooxda Alshabaab ay ku damacsanaayeen inuu isku qarxiyo wiilkaas yar oo uu halaag u geysto qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed.
Wiilkaan yar oo aan da'adiisa la shaacin laakiinse u muuqdo qof aad iyo aad ay da'adiisu u yar tahay ayaa waxaa uu sheegay inuu ka soo baxsadey maleeyshiyaadka kooxda Alshabaab maalin ka hor maalintii uu ku qornaa inuu is qarxiyo oo uu halaag u geysto dadka Soomaalida ee aan waxba galabsan asagoona wiilkaas sheegay inay la fool xumaatey inuu is qarxiyo sidaas awgeedna uu uga soo cararay maleeyshiyaadka kooxdaas Al shabaab.