Labo Isbuuc ka hor intiinii la socotay Qisadii ama Kulankii dhex maray Magaalada Muqdisho Vs Dagaal ayaa waxaa xiligaas si weeyn doodii iyo Murtidii la is dhaafsaday ugu gacan sareeyey Dagaal oo Magaalada Muqdisho si cad ugu sheegay inuu waligiis dhib iyo Qarbudaad ka deeyn doonin inta eey Daris la yihiin Magaalada Muqdisho kuwo Dagaalka & Qarbudaada Jecel oo eey Wadaniyada iyo Dal Jaceeylkooda uu aad ugu yar yahay.
Hadaba Qeeybta 2-aad oo aad u xiiso badan ayaa waxaa dhacday in Magaalada Muqdisho eey weli hadal ka badin weeysay Dagaal markii 2-aad oo isku xigto laakiin wexeey u is ticmaashay Kaarto cusub oo ah ineey Dagaal ku qaado Hees cusub oo Wadani ah Dadkana lagu tusaayo inuu Dagaal Ahli yahay wax la soo dhaweeystana uusan aheyn.
Dagaal oo Muqdisho ilaa Qeeybtii 1-aad ee Kulanka buuq iyo Jawaab Rogaal celis ah ka daba waday ayaa mar qura waxa uu ka booday Daaqada halkii eey labada dhinac isku arkeen maxaa Yeelay Muqdisho ayaa markaan la soo Shaac & Shir tagtay Hees cusub oo Wadani ah (Nabad) taas oo dhibtay Dhagaha Dagaal kuna qasabtay inuu Daaqada ka boodointa eeysan meesha soo gaarin Dadka eey Muqdisho u habar wacatay maadaama Muqdisho Nabad eey dooneeyso Dagaalna Dakum iyo daakum uu ka dabo wado saacad walba.
Murtidaan iyo Erayadaan ayaa waxaa soo saaray Kooxda Walaalaha Sii Sii Somband oo ayaantaan inta badan soo jiitay Dhagaha Dadka Wadaniyada iyo heesaha Jaceeylka ku xiran ,wexeey sidoo kale u dhintaan Kor u qaadista Sportiga & Fanka oo idil.