Gonzalo Higuain oo Real Madrid Guul u horseeday,* Fc Barcelona oo markii ugu horeeysay xili ciyaareedkaan Hogaanka La Liga Darawal ka noqotay,* Julio Cesar Pereira Baptista oo noqday Xiddigii ugu Nasiibka badnaa Xiddigaha Caalamka mudo 3 bilood ah & Ruud van Nistelrooy oo goolkiisii ugu horeeyey u saxiixay kooxda Malaga (Halkaan ka Daawo Faaqidaada Spain Primera Division La Liga)
*** Horyaalka La Liga ee dalka Spain oo la ciyaaray kulankiisii 6-aad waxaa markii ugu horeeysay xili Ciyaareedkaan cusub kaalinta 1-aad xoog kula wareegtay kooxda Catalonia Fc Barcelona. Xiddigaha Fc Barcelona oo aaday ama u safray Garoonka El Molinon oo eey kor ka maamusho kooxda taagta daran ee Sporting Gijon wexeey ku soo badiyeen 0-1.
Garoonka El Molinon oo eey soo xaadireen Taageerayaal kor u dhaafay 23.000 oo Qof waxaa Fc Barcelona goolka Agoonka ah u saxiixay Xiddiga Reer Brazil Adriano Correia Claro Daqiiqadii 12-aad ee Ciyaarta qeeybteedii hore . Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=7rxEKZYw_2M .
*** Kooxda Los Blancos Galacticos Real Madrid wexeey guri kale Dhibcihii kaga soo xayuubsatay kooxda Espanyol Barcelona (0-4)
Goolasha Real Madrid waxaa ku raaxeeystay oo 3 ka mid ah Shabaqa ku hubsaday Weeraryahanka Qaranka Argentina balse asal ahaan ku dhashay dalka Faransiiska ( 10.12.1987 Magaalada Brest/France) Gonzalo Gerardo Higuain Daqiiqadihii 17-aad 66-aad iyo 89-aad. Goolka 4-aad waxaa Real Madrid u saxiixay Ciyaaryahan Jose Callejon Daqiiqadii 82-aad.
Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=y8dIjij5ztc .
*** Weeraryahankii hore ee kooxaha Fc Sevilla, Real Madrid, Fc Arsenal iyo As Roma Julio Cesar Pereira Baptista ayaa waxa uu noqday Xiddigii ugu nasiibka badnaa Xiddigaha Caalamka ka dib markii uu u dabaal degay 3-Nasiib oo isku mar nacay.
Weerayahanka Reer Brazil Julio Cesar Pereira Baptista isaga oo u Dabaal degaayo maalinta Dhalashada Da´diisa 30-aad waxaa isla markiiba loo dhalay Gabar wuxuuna Goolkii Guusha u saxiixay kooxdiisa Malaga oo Horyaalka Spain afka hore isa soo taagay.
Julio Cesar Pereira Baptista wuuxuu Goolkii Guusha ka xareeyey kooxda Getafe Daqiiqadii ugu dambeeysay ee Ciyaarta wuxuuna yiri isaga oo faraxsan sidan : " 3-Nasiib ayaa mar qura i soo wada raadsatay,Gabar ayaa ii dhalatay, maanta waa Sanadguuradii Dhalashadeeyda,Goolkii guusha kooxdeeyda waan u Saxiixay, yaa intaas oo Nasiib ah hal maalin isku heli kara ? ayuu yiri Mr.Julio Cesar Pereira Baptista.
Goolka uu dhaliyey Julio Cesar Pereira Baptista ilbiriqsigii Ciyaarta ugu dambeeysay waxa uu ahaa nuuca eey Soomaalida u taqaan Labo lugaatooyda ee inta badan Laacibiinta Qatarta ah u seexdaan kubada Dhulka ka dibna qiyaas aan caadi aheeyn sidii Sawaariiqdii oo kale Boortayaasha u laqsiiyaan Kubada.
Julio Cesar Pereira Baptista oo markii uu wacdarahaan dhigay farxad darteed u ooyay waxaa la dabaaldegay Weeraryahankii hore ee kooxaha Man Utd,Real Madrid iyo Hambrug Ruud van Nistelrooy oo goolka Bareejada teesto ugu saxiixay kooxda Malaga halka Goolka sedexaad uu u saxiixay kooxda Malaga Ciyaaryahan Enzo Maresca.
Ciyaarta oo aad u kululeed waxaa Darbiyada Garoonka Haraanti la dhacay mid ka mid ah xiddigaha kooxda Getafe oo ka xanaaqay Rooso la siiyey Halkaan ka Daawo Nasiibka Julio Cesar Pereira Baptista iyo Ciyaartaan oo la iska dhaliyey Goolasha loo yaqaan Biriqda >>> http://www.youtube.com/watch?v=fuC2WU22YuQ .
HORYAALKA SPAIN EE LA LIGA KOOXAHA WEXEEY ISBUUCAAN KU KALA BEXEEN NATIIJADAAN HOOSE:
| 01.10. |
18:00 |
Racing Santander |
1:1 |
Rayo Vallecano |
| 01.10. |
18:00 |
FC Villarreal |
2:2 |
Real Zaragoza |
| 01.10. |
18:00 |
CA Osasuna |
2:2 |
RCD Mallorca |
| 01.10. |
20:00 |
FC Valencia |
1:0 |
FC Granada |
| 01.10. |
22:00 |
FC Malaga |
3:2 |
FC Getafe |
| 02.10. |
12:00 |
Real Sociedad |
1:2 |
Athletic Bilbao |
| 02.10. |
16:00 |
Betis Sevilla |
0:1 |
UD Levante |
| 02.10. |
18:00 |
Atletico Madrid |
0:0 |
FC Sevilla |
| 02.10. |
20:00 |
Sporting Gijon |
0:1 |
FC Barcelona |
| 02.10. |
22:00 |
Espanyol Barcelona |
0:4 |
Real Madrid |
HORYAALKA SPAIN EE LA LIGA OO MARKII UGU HOREEYSAY FC BARCELONA HOGAANKA U QABATAY XILI CIYAAREEDKAAN WAXAA LOO KALA HOREEYAA SIDAN :
| 1 |
FC Barcelona |
6 |
4 |
2 |
0 |
23:4 |
19 |
14 |
| 2 |
UD Levante |
6 |
4 |
2 |
0 |
8:3 |
5 |
14 |
| 3 |
Real Madrid |
6 |
4 |
1 |
1 |
20:5 |
15 |
13 |
| 4 |
FC Malaga |
6 |
4 |
1 |
1 |
10:4 |
6 |
13 |
| 5 |
FC Valencia |
6 |
4 |
1 |
1 |
9:6 |
3 |
13 |
| 6 |
FC Sevilla |
6 |
3 |
3 |
0 |
6:3 |
3 |
12 |
| 7 |
Betis Sevilla |
6 |
4 |
0 |
2 |
9:7 |
2 |
12 |
| 8 |
Atletico Madrid |
6 |
2 |
2 |
2 |
8:6 |
2 |
8 |
| 9 |
Real Sociedad |
6 |
2 |
1 |
3 |
7:8 |
-1 |
7 |
| 10 |
RCD Mallorca |
6 |
2 |
1 |
3 |
5:7 |
-2 |
7 |
| 11 |
CA Osasuna |
6 |
1 |
4 |
1 |
5:12 |
-7 |
7 |
| 12 |
FC Villarreal |
6 |
1 |
3 |
2 |
7:11 |
-4 |
6 |
| 13 |
Rayo Vallecano |
6 |
1 |
3 |
2 |
6:10 |
-4 |
6 |
| 14 |
Real Zaragoza |
6 |
1 |
3 |
2 |
7:13 |
-6 |
6 |
| 15 |
Espanyol Barcelona |
6 |
2 |
0 |
4 |
5:11 |
-6 |
6 |
| 16 |
Athletic Bilbao |
6 |
1 |
2 |
3 |
7:9 |
-2 |
5 |
| 17 |
FC Getafe |
6 |
1 |
1 |
4 |
6:10 |
-4 |
4 |
| 18 |
Racing Santander |
6 |
0 |
4 |
2 |
4:9 |
-5 |
4 |
| 19 |
FC Granada |
6 |
1 |
1 |
4 |
2:8 |
-6 |
4 |
| 20 |
Sporting Gijon |
6 |
0 |
1 |
5 |
2:10 |
-8 |
1
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com