Neymar da Silva Santos Junior oo qaatay Abaalmarinta Laacibka dalka Brazil,* Tevez oo ku si jeeda Ac milan,*David Beckham oo Gaashaanka ku dhuftay inuu Tababare noqon doono,* & Mirko Vucinic oo kulamo muhiim ah ka maqnaan doona kooxda Juventus (World Sport News).
*** Mucjisada cusub ee Qaranka Brazil iyo kooxda Fc Santos Neymar da Silva Santos Junior ayaa si lama filaan ah loogu caleemo saaray Xiddiga ugu wanaagsan dalka Brazil (Neymar da Silva Santos Junior has been named became Brazil 's best player this year 2011)
Neymar da Silva Santos Junior oo 19 Jir ah waxaa xili ciyaareedkaan isku heeystay kooxo aad u fara badan sida Real Madrid , Fc Barcelona iyo Fc Chelsea balse waxaa diiday ineey iska iibiso Laacibkaan da´da yar kooxda uu hada u ciyaaro ee Fc Santos.
Halkaan ka Daawo Neymar oo la sheegay Mustaqbalka dhaw inuu ka dhinac ciyaari doono laacibiinta kala ah Cristiano Ronaldo iyo Mesut Özil sidoo kale daawo Mucjisooyinkiisa iyo qaabka uu u Farsamadeeysto Kubada >>> http://www.youtube.com/watch?v=vuZFCMFFt5g&feature=fvst .
*** Kaptankii hore ee Qaranka Ingiriiska Mr.David Beckham ayaa Gaashaanka ku dhuftay inuu Tababare noqon doono wuxuuna sheegay in Jaraaidyadii warkaas ka qoray ay ahaayeen kuwo iska qiyaasay waxa ay Nafsadooda aaminsantahay.
" Maalin kaste Tababare waan ahay oo waxaan Tababaraa Caruurteeyda mana ku tala jiro inaan Tababare u noqdo xiligaan la joogo koox ama Qaran ayuu yiri Mr.David Beckham oo u waramayey Skysport.
*** Weeraryahanka halista ah ee Qaranka Montenegro iyo kooxda Juventus Mirko Vucinic ayaa kooxdiisa ka maqnaan doono kulamo adag oo muhiim ah.
Mirko Vucinic wuxuu ku dhaawacmay kulankii Juventus Vs Cesena (2-0) waxaana booday Muruqa Bawdada.
Ciyaaryahan Mirko Vucinic ayaa kooxda Juventus waxa uu ka maqnaan doonaa kulamo ay ka mid yihiin kulanka AS Roma, kulanka Novara iyo kan Udinese, sidoo kale Mirko Vucinic ayaa kooxdiisa Juventus ka maqnaan doona ciyaarta Koobka Talyaaniga ee dhex mari doonta kooxaha Juventus Vs Bologna.
Kooxda Juventus oo Horyaalka Talyaaniga 13-kulan weli aan dhinaceeda dhulka la dhigin waxaa sidoo kale Ciyaartii ugu dambeeysay ee Juventus Vs Cesena (2-0) Garoonka dhaawac xun looga saaray Laacibkooda Alessandro Del Piero.
*** Weeraryahanka Qaranka Argentina iyo kooxda Manchester City Carlos Tevez ayaa waxaa la shaaciyey inuu si amaah ama deeyn ah ugu biiri doono kooxda Rossaneri ee Ac Milan.
Arintaan waxaa daboolka ka qaaday masuulka 2-aad ee kooxda Ac Milan ugu sareeya Mr.Adriano Galliani iyo Wakiilka Carlos Tevez ninka lagu magacaabo Kia Joorabachian .