Warshada Ciyaartoyda oo soo saartay Laacib Cusub, R.Madrid & Chelsea oo isku heeysta, Dunida oo ku mashquulsan, iyo wararkii ugu dambeeyey ee Kawaanka Ciyaartoyda ( halkaan ka Daawo Laacibkaan cusub ee Dunida u Dhashay Wacdarihiisa)
Aqoonyahanada Sportiga gaar ahaan kuwa kubada Cagta ayaa mudo aad u fog ku tilmaamay Dalka Brazil in uu yahay Warshada soo saarta Ciyaaryahanada Dunida ugu caansan ama ugu tirada badan.
Brazil in eey Warshada Ciyaartooyda tahay cid eey shaki uga jirto malahan laakiin Akhristoow waxaa Mucjiso noqotay in Brazil Laacibiinteeda is iloobaan oo mid haduu Sanad-kaan kacsan yahay waxaa hadana yimaada mid cusub oo kii hore dadka ama Taageerayaasha kubada cagta ka soo jiita oo Mucjisooyin cusub la yimaada.
Isbuucaan ayaa Saxaafada Sportiga kuwooda ugu caansan waxa eey ku mashquuleen Laacibka da´da yar ee u dheela Kooxda Fc Santos ee Horyaalka Brazil Neymar Da Silva.
Laacibkaan Cusub ee Warshada Ciyaartooyda soo saartay ayaa waxa uu u egyahay oo midab ahaan uu shabahaa Soomaali 100% waana 18-jir kooxo badan oo qaarada Yurub lacag la wareegaya shukaansi ugu jiraan sideey ku soo xero gelin lahaayeen ka dib Lacag aad u tira badan uga heli lahaayeen sii iibintiisa.
Filimka eey kooxaha yar yar ku doonayeen ineey ka macaashaan Laacib Neymar ayaa waxaa ogaaday oo Wakiilo u dirsaday Dalka Brazil Kooxaha waa weeyn ee Real Madrid iyo Fc Chelsea.
Wakiilka eey Real Madrid u dirsatay Dalka Brazil ayaa waxaa lagu sheegay inuu ka Caqli badnaa Wakiilkii eey soo dirsatay Kooxda Chelsea oo aad uga Farxiyey Kooxda Fc Santos ka dib markii uu beeca uga bilaabay 18-Milyan oo Cash ah hadana gaarsiiyey Beeca 20-milyan oo Cash ah halka Wakiilka Real Madrid oo Dalxiis iyo Hotel Jiif ka bixi waayey uu la tagnaa beeca 14-Milyan oo kaliyah maadaama uu is lahaa Kooxaha waa weeyn ma garanayaan in uu jiro Laacib Neymar Da Silva.
Akhristoow sida aad Sawirka kore ku aragteen waxaa Laacibkaan cusub ee u dhashay inta Kubada cagta Jecel farta ku fiiqay Boqorkii hore ee Kubada cagta Pele oo sheegay in uusan arag mudo 10-sanood ah Laacib la mid ah Neymar oo uu ku sheegay Mucjiso cusub oo Dalka Brazil u dhalatay.
Pele ayaa inta badan daawasho u tago marka uu ciyaar leeyahay Ciyaaryahan Neymar taas oo eey Telefishinada Caalamka soo daayaan Pele oo u sacabo tumaayo Xiddiga cusub ee Neymar Da silva oo la soo wareegidiisa Fc Chelsea si weeyn ugu horeeyso Wakiilkeedana uu weli ku maqan yahan kooxda uu u dheelo Neymar ee Fc Santos.
Waxaa xusid mudan in Laacib-kaan cusub uu habka loo gamo Rigoorada uga wanaagsan yahay Cristiano Ronaldo & Ciyaartooy kale oo badan waxaana eey Saaxiibo far iyo faraati ah yihiin Laacib Robinho.
Ugu dambeentii Akhristoow int aanu u guda gelin Wararkii ugu dambeeyey ee Barnaamishka Kawaanka Ciyaartooyda iyo Shukaansiga kooxaha waxaan halkaan idin kugu soo bandhigeenaa Wacdaraha Xiddigaan Cusub ee aad jeclaan doontiin oo muqaal Video-ah (Party 1, 2 & 3)
Kooxda Liverpool oo dooneyso weeraryahanka Qaranka Germany & Kooxda Bayer München Mario Gomez waxaana loo fasirtay doonista Fc Liverpool ee Mario Gomez in eey iska fasixi doonaan Laacib Dirk Kuyt oo Kooxda Inter laga fuji waayey.
Waxaa kale oo Liverpoo soo wadataa Paul Konchesky oo Fc Fulham uga imaanaya kaas oo beeciisa lagu sheegay 4,5 Milyan oo Euro.
Beeca Zlatan Ibrahimovic ayaa waxaa weli la iskugu fadhiyaa Gambar gaaban.
Barcelona ayaa lagu eedey in Beeciisa eey la sugeeyso beri oo la sameenayo isku aadka Koobka Qaaliga ah ee Champions League waxaana uu qori tuurka dhacayaa Saacada 18:00 ee Qaarada Yurub taasoo la sheegay in Barcelona dooneyso ineey ogaato bal cida ku soo aado iyo sida eey xaalada noqoto.
Wesley Sneijder ayaa Kooxda Manchester Utd war eeysan ku farxin u sheegay.
Wesley Sneijder oo eey Kooxda Man Utd Toosh weeyn la daba taagneed ayaa ku qarxiyey oo sheegay in uu ku ag dhiman doono Naadiga Inter uusana meel ka aadi doonin inta uu iskaga fadhiisanaayo Ciyaaraha.
Juventus oo soo wado Joan Capdevila.
Kooxda Juventus ayaa qarka u saaran ineey la soo wareegto Xiddiga Qaranka Spain iyo Kooxda Villarreal Joan Capdevila.
Ninka Wakiilka ka ah Capdevila oo lagu magacaabo Horacio Gaggioli ayaa hada waxa uu ku sugan yahay Magaalada Torino oo eey ka dhisan tahay Kooxda Juventus waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu dhaco heshiis kaas.
Xiddiga Qaranka Ukrain & Kooxda Bayer München Anatoliy Tymishchuk oo Dinamo Moskow heshiis la gaaray
Ninka Ciyaartooyda u soo iibiya Kooxda Dinamo Moskow oo lagu magacaabo Konstantin Sarsianiyu ayaa warkaan cadeeyey waxaana lagu wada in beri uu heshiis 2-sano ah qalinka ku duugo Ciyaaryahan Anatoliy Tymishchuk.
Filo goor dhaw warar kale oo xiiso badan iyo barnaamishka La Yaab oo maanta xiiso gooni ah xambaarsan waxaana ku socoto Tarjumis.