WORLD NEWS : Madaxweeynaha dalka Iiraan Mr.Mahmoud Ahmadinejad oo hadalo Kulul ka jeediyey kulankii UN-ta ka dibna waxaa Shirkii iskaga baxay Dalalkii u adkeeysan waayey Eedeeynta uu Ahmadinejad u soo jeediyey dalka Mareykanka (Halkaan ka Daawo Wararkii Caalamka ugu waa weeyna oo Muqaalo kala duwan Xambaarsan+Xulasho Xiriiriye).
Madaxweeynaha dalka Iiraan Mr.Mahmoud Ahmadinejad ma ahan Ruux cabsada waana Shaqsi inta badan daba dhigta Mareeykanka iyo wadamada Caalamka ee sida weeyn u Taageersan Xukuumada Aqalka cad .
Shirkii 66-aad ee Qaramada Midoobay oo ka socda Magaalada New York ee cariga dalka Mareeykanka wuxuu Madaxweeynaha dalka Iiraan Mr.Mahmoud Ahmadinejad Shirka ku soo galay ama ku furay Bisinka iyo Faataxada.
Shirkaan oo eey ka soo qeeyb galeen Madaxda 193-dal oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa waxaa Amaankiisa adkeeyey halka uu ka socdo iyo goobaha la dajiyey Wufuudaan faraha badan 40.000 oo iskugu jira Ciidamo Kumaandoos ah iyo kuwo Sirdoonka dalka Mareeykanka ka tirsan.
Madaxweeynaha dalka Iiraan Mr.Mahmoud Ahmadinejad ayaa sidii la filayey waxa uu durbadiiba eedeeyn kulul dusha kaga tuuray dalka Mareykanka oo uu ku sheegay ineey Masuul ka yihiin Sicir bararka ka taagaan Dunida wuxuuna sidoo kale ku eedeeyey Mareykank Dagaaladii eey ku qaadeen dalalka Ciraaq & Afganistaan.
Mr.Mahmoud Ahmadinejad oo Qudbada halkaas marsiinaya ayaa waxaa Shirkii iskaga huleelay oo si toos ah uga baxay dalalka sida weeyn u Taageera Siyaasada Mareeykanka. Madaxweeynaha dalka Iiraan Mr.Mahmoud Ahmadinejad ayaa sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday dalal eey ku jirto Somalia in wax loo qaban waayey iyaga oo dhibaateeysan.
Halkaan ka Daawo Qudbadii Ahmadinejad oo noqotay mid Xasaasi ah http://www.youtube.com/watch?v=D4MSLEDEfLQ .
*** Mucaaradka Liibiya oo Talaabo qaadi la kuna ekaaday duqeeyn & Calanka cusub ee Mucaaradka oo markii ugu horeeysay si toos ah loo saaray Xarunta Qaramada Midoobay. (Halkaan ka Daawo Dagaalka Liibiya)
Weli waxaa laga saari la yahay Magaalooyinka Bani Walid iyo Sirte xoogaga daacada u ah Ex-Madaxweeynihii hore ee dalka Liibiya Mr. Muamar Al-Qadaafi. Maleeshiyaadka Mucaaradka ayaa markaan wexeey bilaabeen ama ku ekaadeen Duqeeyn dhanka Madaafiicda Goobta ah .
Waxaa sidoo kale Maalintii 3-aad duqeeymo dhanka Cirka ah ka geeystay Bani Walid & Sirte Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Gaashaanbuurta NATO. Xoogaga Qadaafi wexeey godad daran oo loo gali waayey ka qoteen dhul aad u balaaran waxaana Godadkaas ka soo dhacaya Rasaasta Qoryaha ridada dheer ee Lidka Diyaaradaha gaar ahaan Qoriga loo yaqaan Zuu-ga.
Dhanka kale markii ugu horeeysay waxaa xarunta Qaramada Midoobay la saaray Calanka qaaska ah ee loo sameeyey dalka Liibiya gaar ahaan Calanka eey ku dagaal tagaan Mucaaradka dalka Liibiya waxaana goobtaas ka hadlay Hogaamiyaha mucaaradka dalka Liibiya Mr.Mustafa Abdul Jaliil .
Halkaan ka Daawo Wararkii ugu dambeeyey ee Dagaalka Liibiya http://www.youtube.com/watch?v=_qf083JPVVM&feature=related .
*** Xarumaha Dawlada ee magaalada Sanca oo Beebayaal Difaac looga dhigay iyo Shacabka Yeman oo marba Xaafad cusub iska soo abaabulaya (Halkaan ka Daawo wararkii ugu dambeeyey ee Yeman)
Madaxweeynayaasha dalalka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay ineey yihiin kuwa Dunida ugu Xukunka jecel, bal fiirii oo ka soo biloow Bin Caligii Tuuniisiya markii uu Nafta u yaabay ayuu Tunisia ka cararay wuxuuna la fakaday Lacag & Dahab fara badan.
Xusni Mubaarak markii eey Qaahira isla Qiiqday ayuu xukunka ka degay. Qaddafi waa kaas maanta weli Dagaalka ku jira.
Syrian President Bashar al-Assad wuxuu Shacabkiisa kuwa ku kacsan ugu jawaabay maalin cad Rasaasta Taangiyada.
Hada waxaa isna inuu Xukunka ka dego Dhimasho ka xiga Madaxweeynaha dalka Yeman Mr.Ali Abdalla Saleh oo weli ku jira Isbitaal ku yaal dalka Saudi Arabia ka dib markii Bishii Juun lagu duqeeyey xaruntiisa oo ku taal magaalada Sanca.
Shacabka dalka Yeman oo ku heshiiyey sidii eey Ali Abdalla Salah daaqada uga saari lahaayeen ayaa hadane waxaa Xarumihii Dawlda ee ku yiilay magaada Sanca lagu horgooyey Beebayaal iyo Taangiyo si eeysan Shacabka careeysan u Bililiqeeysan.
Halkaan ka Daawo Xaalada Yeman oo weli kacsan
http://www.youtube.com/watch?v=iw80FWdDRwY