La Yaab : Liiska Ciyaartooyda Jecel ineey Saacd kasta Telfoonka Gacanta ku hadlaan oo la soo saaray,* Jose Morinho oo Ganaax 5-Kulan ah loo dhiibay,* Kawaanka Ciyaartooyda & Shukaansiga kooxaha oo dib u furmay & Dabcan Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !! (Akhri 32-Ciyaaryahan oo la sheegay Telfoonka Gacanta iyo Dhegtooda ineey Daris noqdeen,>Gennaro Gattuso muxuu ka yiri Arinkaan?? !!
Barnaamishka Taxanaha ah ee La Yaab Sport waxaanu Maanta idinkugu heeynaa War bixin aad u xiiso badan oo Tv-ga Canal Plus uu ka diyaariyey qaar ka tirsan Ciyaartooyda ugu caansan Caalamka iyo sida eey u kala Jecel yihiin ku hadlista Telfoonka Gacanta Xiliyada eey Firaaqada ama Fasaxa yihiin.
La Yaabkaan oo lagu soo qaatay Barnaamish qaas ah oo ka baxo Tv-ga Canal Plus ayaa waxaa lagu magacaabaa Fantasy Football Player and Today. Ciyaartooyda la sheegay ineey Jecel yihiin ku hadlista Telfoonka Gacanta xiliyada eey Firaaqada yihiin ama Garoonka ku dhex jirin ayaa Magacyadooda & Qaramada eey u Ciyaaraan wexeey kala yihiin sidan:
1-Frank Bilal Ribery, Fc Bayern Munchen & Qaranka France.
2-Daniel Alves da Silva, Fc Barcelona & Qaranka Brazil.
3-Carlos Alberto Tevez, Man City & Qaranka Argentina.
4-Sheyi Emmanuel Adebayor, Real Madrid & Qaranka Togo.
5-Bastian Schweinsteiger, Fc Bayern Munchen & Qaranka Germany.
6-Lus Carlos Almeida da Cunha Nani, Man Utd & Qaranka Portugal.
7-Marouane Chamakh, Fc Arsenal & Qaranka Marocco.
8-Mario Balotelli Barwuah, Man City & Qaranka Italy.
9-Kevin-Prince Boateng, Ac Milan & Qaranka Ghana.
10-Didier Yves Drogba Tebily, Fc Chelsea & Qaranka Ivory Coast.
11-Gerard Pique, Fc Barcelona & Qaranka Spain.
12-Mario Gomez Garcia, Fc Bayern Munchen & Qaranka Germany.
13-Felipe Melo Vicente de Carvalho, Juventus & Qaranka Brazil.
14-Karim Benzema, Real Madrid & Qaranka France.
15-Antonio Cassano, Ac Milan & Qaranka Italy.
16-Wayne Mark Rooney, Man Utd & Qaranka England.
17-Seydou Keita, Fc Barcelona & Qaranka Maali.
18-Sergio Ramos Garcia, Real Madrid & Qaranka Spain.
19-Maicon Douglas Sisenando, Inter Milan & Qaranka Brazil.
20-Samir Bin Nasri, Fc Arsenal & Qaranka France.
21- Dimitar Ivanov Berbatov, Man Utd & Qaranka Bulgaria.
22-Francesco Totti, As Roma & Qaranka Itlay.
23-Frank James Lampard, Fc Chelsea & Qaranka England.
24-Rafael Ferdinand van der Vaart, Tottenham & Qaranka Holland.
25-David Villa Sanchez, Fc Barcelona & Qaranka Spain.
26-Emmanuel Ebue, Fc Arsenal & Qaranka Ivory Coast.
27-Javier Hernandez Balcazar, Man Utd & Qaranka Mexico.
28-Dirk Kuyt , Fc Liverpool & Qaranka Holland.
29-Giorgio Chiellini , Juventus & Qaranka Italy.
30-Peter James Crouch, Tottenham & Qaranka England.
31-Sergio Leonel Aguero del Castillo, Atletico Madrid & Qaranka Argentina.
32-Robson de Souza Robinho, Ac Milan & Qaranka Brazil.
Fiiro Gaar ah : Laacibiin aad u tiro badan oo Liiskaan ka maqan sida Leo Messi, Cristiano Ronaldo , Zlatan Ibrahimovic & Samuel Eto'o wexeey War bixintu leedahay Ciyaartooydaan ma jecla oo laguma arko inta badan ku hadlista Telfoonka gacanta wexeeyna u badan yihiin ama xiiseeyaan dhanka waxa loo yaqaan The Internet System Chatting oo ah Bar lagu wada sheekeeysto oo lagula Xiriiro Famiilka ama Saaxiibada Qaaska ah.
Arinta ugu Yaabka badneed ayaa noqotay mar uu Tv-ga Canal Plus sheegay in Ciyaaryahanka kaliyah ee aan Jecleeyn ku hadlista Telfoonka Gacanta sheegayna inuu Telfoon Hadiyad ahaan loogu keenay ku sii bixiyey Hadiyad kale uu yahan Ciyaaryahan Ivan Gennaro Gattuso.
Mar Laacib Ivan Gennaro Gattuso la weeydiiyey sababta uusan ku Jecleeyn Xaraarada & ku hadlista Telfoonka Gacanta ayaa waxa uu yiri ama ku Jawaabay sidan: " Aniga iyo Telfoonka Gacanta mudo 6-Sano ka hor ah ayaan is deeynay waxaana Xaaska & Caruurta kala xiriiraa waa hadii aan u baahdo Line-yaalka Xafiisyada ama Guryaha ku xiran, Qeeylo iyo Bararaq fara badan waqti uma haayo waxaana Qeeylo & Qosol iigu filan xiliga eey Ciyaartooyda kale ee Naadiga Ac Milan Telfoonka Gacanta Dhegta ku hayaan ayuu yiri Mr.Ivan Gennaro Gattuso (Rino) !!
*** WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS AYAA WEXEEY NAGU SOO GAARAYAAN SIDA TAN :
*** Xiriirka kubada Cagta ee UEFA qeeybtiisa Disizipiliinka ayaa Ganaax 5-kulan ah laqsiiyey kagana Mabnuucay Ciyaaraha Macalinka buuqa badan ee kooxda Real Madrid Mr. Jose Morinho. Morinho waxaa lagu heeystaa Buuqii & Hanjabaadii uu 27-kii Bishii Apiil u geeystay Garsoorihii kulankii Real Madrid Vs Fc Barcelona (0-2) Mr Wolfgang Stark oo u dhashay dalka Germany.
Jose Morinho ayaa sidoo kale Ganaaxa waxaa loo sii raaciyey inuu bixiyo Lacag Ganaax ah oo lagu sheegay Cadadkeeda 50.000 oo Euro. Waxaa sidoo kale la Ganaaxay Naadiga iyo Maamulka Kooxda Real Madrid Lacag dhan 20.000 oo Euro .
Dhanka Kooxda Fc Barcelona waxaa laga mabnuucay inuu Ciyaarta Fiinaalaha koobka Champions League u safto kooxdiisa (28.5.2011, Man Utd Vs Fc Barcelona) Jose Pinto oo ah Goolhaya Keeydka ama Goolhayaha 2-aad ee Fc Barcelona oo kulankii 27-kii Apriil Qalalaase iyo buuq sameeyey xiligii eey Ciyaartooyda labada kooxood isku diyaariyeen Nasashada ama kaambiyada .
Tababare Jose Morinho oo ah Qabiir ama Macalin aad u wanaagsan waxaa Wanaagaas ama awoodaas Tababarnimo wiiqay Dulqaad la´aan iyo Xaanaaq joogto ah oo Aakhiritaanka sabab u noqdota in Garoomada laga saaro ama Lacag aad u fara badan la Ganaaxo. Waxaa iska Cadeed in Jose Morinho uu Horyaalka La Liga ee dalka Spain la imaan doono Foowdo cusub maadaama Horyaaladii uu horay Tababaraha uga soo noqday sida Fc Porto /Portugal, Fc Chelsea/England & Inter Milan/Italy uu Fadeexo iyo Buuq ka soo sameeyey. Haduu Alle Raali ka noqdo Dhibaatooyinkii uu Morinho Horyaaladaas ka soo geeystay Dib ayaan Taariikhdooda uga faaloon doonaa.
*** Xiddigii Qaranka Brazil iyo Ex- Fc Bayern Munchen Ze Roberto ayaa isaga tagay kooxda Hambrug oo ka dhisan horyaalka Germany ee Bundesligaha. Ze Roberto oo bisha Juulaay ee fooda inagu soo heeysa 37-Sano jir noqon lahaa waxa uu kooxda Hamburger u yimid 2-sano ka hor intii uu la joogay-na 53-Kulan oo uu saftay waxa uu u dhaliyey 7-Gool.
*** Claude Le Roy oo ah Macalinkii Qaranka Syria ayaa iskaga cararay Xilkii Tababarnimo ee uu u hayey Dalka Syria maadaama eey sii xoogeeysteen Mudaharaadyada iyo Rabshadaha ka taagan Dalka Syria. Macalin Claude Le Roy waa 63-Jir wuxuuna u dhashay dalka Faransiiska. Claude Le Roy Qaarada Africa caan ayuu ka yahay wuxuuna 1988 Koobka Qaarada Africa la soo qaaday Xiddigaha Qaranka Cameroon, Claude Le Roy sidoo kale waxa uu Macalin u soo noqday Qaranka dalka Ghana.
*** Kooxda Kubada cagta ee Fc Malaga oo ka dhisan Horyaalka Spain ayaa wexeey Koolo ku noqotay Ciyaartooyda Ac Milan sida Alessandro Nesta & Andreas Pirlo oo eey doonayaan ineey isku mar wada iibsadaan. Kooxda Fc Malaga waxaa iibsaday oo Maamulkeeda la wareegay Nin Taajir ah oo u dhashay dalka Qadar wexeeyna Sanadkaan soo iibsadeen Ciyaartooy badan oo caan ah in kastoo eey u badnaayeen kuwa loo yaqaan (Weekiyada) .
*** Kooxda Juventus wexeey qarka u saaran tahay ineey la soo wareegto isku daygeedii 3-aad Weeraryahanka Qaranka Argentina & Kooxda At.Madrid Sergio Aguero. Xiddigaan waxaa xarash u haayo ama si aan kala har laheeyn ugaarsi ugu haayey kooxaha waa weeyn ee kala ah Fc Chelsea , Inter Milan, Man Utd iyo Fc Bayern Munchen.
*** Skysport waxa uu soo Bandhigay inu Xiriir qarsoodi ah uu ka dhaxeeyo Ninka Wakiilka ka ah Weeraryahan Diedier Drogba & Maamulka Man City. Drogba waxaa laga yaabaa Maalmaha soo socda ineey Man City ku soo biiriso Ciidamada Daacada u ah.
*** Waxaa sidoo kale Xiriir hoose inuu u socdo laga soo wariyey Xiddiga Qaranka Norway & Kooxda As Roma ee Horyaalka Talyaaniga John Arne Riise iyo Ex-kooxdiisii hore waa Fc Liverpool. John Arne Riise oo 30 jir ah waxa uu kooxda Fc Liverpool u soo ciyaaray mudo 7-sano ah waxaana hada laga yaabaaineey soo ceshtaan Xiddigaas Oradka & Shuutka badan.
*** Saxaafada Sportiga ee Caalamka kuwooda ugu afkadheer wexeey daba dhigteen oo eey ku mashquulsan yihiin Heshiiska iyo is fahmida cusub ee dhex martay Tababaraha kooxda Man Utd Sir Alex Ferguson iyo Macalinka Real Madrid Mr.Jose Morinho.
Tababarayaashaan waxaa la cadeeyey ineey u heshiiyeen sidii eey Labo cad uga dhigi lahaayeen Taaktikada kooxda Fc Barcelona oo Maslaxa Ciyaaraha fak fak xoogan ku heeysa. Macalin Sir Alex Ferguson oo arinkaan qarsan waayey waxa uu yiri sidan : " Morinho anaa la xiriiray mana aha wax xun inaan Shaxdiisa ku saabsan Ciyaarta Finaalaha koobka Champions League dhageeysto.
Macalimiintaan waxaa la sheegay ineey Xoogooda iskugu geeyeen sidii Fc Barcelona & Tababare Pep Guardiola Cagaha looga soo tumi lahaa weliba iyaga oo Koob la´aan ah dalka Spain dib loogu soo celin lahaa. Weli ma dhicin inta Taariikhda la ogyahay Sir Alex Ferguson iyo Macalin Jose Morinho oo Shax ku heshiiyey ama Heshiis hoose dhex maray balse hada ayeey dhacday oo loo jeedaa in Labadaan Tababare eey doonayaan sidii eey uga Inkaarsan lahaayeen Catalonia Fc Barcelona oo Champion-ka in laga qaado Dhimasho ka xigta.
*** Masuulka ugu sareeyo kooxda Fc Bayern Munchen ninka lagu magacaabo Uli Hoenes waxa uu soo bandhigay ineey aad u doonayaan Weeraryahanka Dhirirka badan ee Qaranka Toogo iyo kooxda Real Madrid Emmanuel Adebayor . Dhanka kooxda Real Madrid weli war kama soo bixin laakiin waxaa laga yaabaa in labadaan kooxood is dhaafsadaan Ciyaartooy muhiim ah & Malaayiin Euro waxaana ka mid ah Xiddigaha Kawaanka u kala saaran labada kooxood Bastian Schweinsteiger, Thomas Muller, Franck Ribery (Bayern Munchen). Xiddigaha uu Morinho Jeclaan lahaa ineey Dhabarka tusaan ama lugta furaan ayaa wexeey kala yihiin Laacibiintaan Lass Diarra, Recardo Kaka, Karim Benzema & Emmanuel Adebayor .
Filo Goor Dhaw Warar Sport oo Top News ah !
Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com