Shacabka Yeman oo ku Qamaamay Xarumaha Dawlada dalkaas iyo Madaxweeyne Cali Cabdalla Salah oo amar ku bixiyey in Rasaas ooda looga qaado (Halkaan ka Daawo Dhimashadii ka dhacday goobtaas iyo kala cararka taagan).
Isku daygii 3-aad ee lagu doonayey in lagu rido Madaxweeynaha dalka Yeman Mr.Cali Cabdalla Salah ayaa waxa uu ka dhacay caasimada dalka Yeman ee Sanca. Shacabkii ugu tirada badnaa ayaa iskugu soo baxay magaalooyinka ugu waa weeyn dalka Yeman gaar ahaan Xarunta dalka Yeman ee Sanca.
Shacabka Yeman oo horay ugu guuldareeystay ineey si sahal ah ku ridaan Madaxweeynaha dalkaas Mr.Ali Abdalla Saleh oo in ka badan 30 sano hayey xukunka dalka Yeman ayaa hada waxaad moodaa ineey mar 3-aad isa soo abaabuleen si eey mar uun Xukunka talada dalkaas uga tuuraan Madaxweeyne Salah oo awood Milatary is ticmaalaya.
Shacabkii ugu badnaa intii uu socday Qalalaasaha dalka Yeman oo maanta isku soo baxay ayaa xili eey ku Qamaameen Xarumaha Dawlada ee magaalada Sanca waxaa amar ku bixiyey in Rasaas la iskaga Difaaco Madaxweeynaha dalka Yeman Mr.Cali Cabdalla Salah oo ka hadlayey Tv-ga Qaranka Yeman. Banaanbaxaan oo ugu dambeeyntii ku dhamaaday mid uu Dhiig ku daatay waxaa goobtii uu ka socday ku dhimatay 12-Qof halka in ka badan 128-Qof oo dhaawac ahna laga xaadiriyey Isbitaalada dalka Yeman.
Hay´adaha Qaramada Midoobay ee ka hoowl gala dalka Yeman wexeey soo bandhigeen tirada Dhimashada dadkii ku la´day Qalalaasaha dalkaas oo lagu sheegay ineey gaartay 860-Qof. Shacabka Yeman ayaa weli sii wada diidmada Madaxweeynaha dalkaas halka Madaxweeynaha qudhiisa uu ku doodaayo dadka ku kacsan ineey yihiin kuwo Qaswadayaal ah oo u socda Bililiqo iyo bur bur Dagaal Sokeeye.