Fc Barcelona Vs Real Madrid oo la sheegay ineey Dream Finale ku kulmi doonaan, * Dhaawicii Frank Ribery oo dib ka xumaaday mudo dheerna Garoomada ka maqnaan doono, * Gianluigi Buffon & Antonio Cassano oo si Toos ah Qaranka Talyaaniga loogu soo daray, Germany Vs Italy oo isku dhegan, * Kooxaha Ac Milan, Fc Barcelona, Inter, Real Madrid & Fc Bayern München oo Guulo muhiim ah ka gaaray Koobabka Dalalkooda + Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News ( Halkaan ka Daawo)
*** Jaraaidka Caalamka kuwooda ugu afka dheer dhanka Sportiga ayaa durbadiiba farta ku fiiqay kulanka adag ee loo baxshay Dream-Finale oo lagu wado ineey is arkaan kooxaha waa weeyn ee Fc Barcelona vs Real Madrid oo Koobka dalka Spain guulo muhiim ah ka soo gaaray.
Kooxda Fc Barcelona ayaa gurigeeda Camp Nou wexeey Cagaha ka tuntay oo 5-0 uga badisay kooxda Almeria. Kulankaan oo ahaa Spain - Copa Del Rey ayaa waxaa kooxda Barcelona Goolasha u kala dhaliyey Lionel Messi oo 2-gool dhaliyey (10., 16.), David Villa (11.), Pedro Rodriguez (31.) iyo Seydou Keita (89.) Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=ify6IrVWxvM.
Kooxda Real Madrid oo iyana kulan adag kala hor tagtay kooxda Difaacaneeyso Koobka Spain -Copa Del Rey oo ah Fc Seville ayaa guriga Seville wexeey Real Madrid ku soo badisay 0-1. Goolka Real Madrid ayaa waxaa u saxiixay Weeraryahanka Qaranka France Karim Benzema Daqiiqadii 17-aad. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=g6ckhZyoucw.
Hadal heeyta ugu badan dhanka Sportiga ee Caalamka ayaa wexeey leedahay waa iska cadahay in Barcelona oo Gurigeeda Almeria 5-0 ku soo garaacay eey soo bixi doonta halka Real Madrid oo guriga Fc Seville ku soo badisay iyana ku soo bixi doonto gurigeeda wax la sugaane eey tahay Fc Barcelona Vs Real Madrid oo isku dhici doona.
Kooxda Barcelona ayaa la ogaa wixii eey ku soo dhigtay kulankii EL Clasico oo Real Madrid 5-0 Hawada looga qariyey waxaana weli ciil qabto kooxda Real Madrid oo horyaalka La Liga ka cabsi qabto ineey Barcelona sanadkaan Xalaaleeysato halka Champions League Real shaki kaga jiro qaadisteeda maadaama kooxo badan oo baahi u qaba koobkaas daba yaacayaan. Jose Morinho & Real Madrid ayaa lagu wadaa ineey Jeebka ku hubsadaan Spain-Copa Del Rey waa hadii eey iska dhiciyaan Fc Barcelona oo maalmahaan dambe noqotay koox dhinac walba ka dhisan oo inta badan eey kooxaha waa weeyn ka cabsadaan.
Wajiga 2-aad ee Spain-Copa Del Rey ayaa lagu wadaa in la ciyaaro 2-da bisha Febraayo ee fooda inagu soo heeyso (Real Madrid Vs Fc Seville & Almeria Vs Fc Barcelona >>Dream Finale Fc Barcelona Vs Real Madrid ? ).
*** Dhanka Coppa Italia waxaa Guul muhiim ah Xiddigeeda cusub ku soo dhaweeysay Ac Milan waana ciyaaryahan Mark Van Bommel. Milan weexeey guri kale 1-2 ku soo garaacday kooxda Sampdoria waxaana labada goolba u wada saxiixay Alex Pato, waa markii ugu horeeysay oo Garoonka Sampdoria Sacab lagu soo dhaweeyey xiddigoodii hore Antonia Cassano oo dhawaan ku biiray Naadiga Ac Milan. Kooxda Milan ayaa kulankaan wexeey celin weeysay oo Laf dhuun gashay ku noqday ciyaaryahan Makaronni . Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=7pBYZv87yfg.
Isla Coppa Italia Kooxda Inter ayaa Rigooreyaal ku soo reebtay kooxda Napoli waxaana lagu wadaa caawa ineey ciyaar aad u adag oo Coppa Italia ah fooda is daraan kooxaha waa weeyn ee Juventus Vs As Roma. Waxaa kaloo isla koobkaan Rigooreyaal nasiib ah ku soo baxday kooxda Palermo oo reebtay Parma.
*** Dhanka koobka Jarmalka ee Germany - DFB Pokal kooxda difaacaneeyso sanadkaan ee Fc Bayern München ayaa guri kale waxeey 4-0 uga soo badisay kooxda Alemannia Aachen. Goolasha Bayern München ayaa waxaa u kala saxiixay Xiddigaha kala ah Thomas Müller oo 2-gool dhaliyey iyo Goolasha kale oo eey kala raacsadeen Mario Gomez & Arjen Robben. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=9C0R1mrTl-s.
*** Goolhayaha kooxda Juventus & Weeraryahanka Ac Milan Gianluigi Buffon iyo Antonio Cassano ayaa si toos ah loogu soo daray Qaranka The Azzurri ee Italy.
Labadaan xiddig ayaa waxaa u yeeray oo Xulka talyaaniga ku soo biiriyey Macalinka Qaranka Italy Cesare Prandelli.
Qaranka Talyaaniga ayaa lagu wadaa in kulan adag oo guri kale ah kala hortagaan xulka u dhaarsan ee Germany oo eey ka reebeen koobkii Addunka 2006-dii.
Ciyaarta labadaan dal oo ah mid saaxiibtinimo balse aan wax la isku reeban doonin ayaa axaa lagu wadaa 9-ka Febraayo ineey ka dhacdo magaalada Dortmund ee dalka Jarmalka..
*** Kooxda Tottenham ee horyaalka Ingiriiska ayaa 10-milyan oo Euro ku dooneeyso Weeraryahanka Qaranka Uruguay iyo kooxda At.Madrid Diego Martin Forlan Corazo.
Tottenham ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey si weeyn isku dhistay waxaana iska cad ineey dhawaan noqon doonto sida kooxaha Ma City & fc Chelsea oo lacag darteed yeeshay Awood looga baqo xiliyada eey horyaaalada dheelayaan.
*** Matoorka dhexda ee Qaranka France & Kooxda Fc Bayern München Frank Bilal Ribery ayaa dhaawiciisa ka sii weenaaday sidii horay loo filaayeey.
Bilal Ribery oo ku dhaawacmay kulankii Wolfsbrug Vs Fc Bayern Munchen ayaa dhaqtarkiisa waxa uu u jiray ugu yaraan 2 bilood maadaama Jilibka Bidix uu dhaawac halis ah ka soo garay..
*** Kooxda fc Barcelona ayaa qandaraaska uu kula joogo u kordhisay Xiddiga eey ku dhaarato ee Sergio Busquets oo ka mid ahaa Laacibiintii Dalka Spain u soo qaaday koobka Addunka. Sergio Busquets oo 22 jir ah ayaa waxa uu kooxda Barcelona ka caawiyaa Qadka dhexe waxaana heshiiska Qandaraaska uu Barcelona kula joogo la gaarsiiyey ilaa sanadka 2015.
Sergio Busquets waa wiil uu dhalay Halyeeygii iyo Xiddigii hore ee kooxda Barcelona goosha u qaban jiray waa Sergio Busquets .
***kooxaha Fc Arsenal iyo Birmingham City ayaa wexeey isla taagan yihiin English Liga cup-Finale . Arsenal ayaa wexeey soo reebtay kooxda Ipswich Town halka Birmingham City eey iyana daaqada ka saartay kooxda West Ham Utd.
Goor Dhaw filo Warar Sport oo kala duwan !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com